First embassy after war opens its doors in MOG.PICS
Posted: Tue Jan 23, 2007 7:50 am
http://www.puntlandpost.com/newspage.php?articleid=7416
Waxaa maanta laga furay magaalada Muqdisho safaaradda dowladda Yemen ay ku yeelanayso gudaha Soomaaliya, waxaana ay safaaraddaan noqonaysaa middii ugu horreysay ee Muqdisho laga furo tan iyo intii dowladda Federaalka Soomaaliya la magacaabay.
Safaaradda ayaa laga furay gurigii hore ee ay dagganayd Shirkaddii Muuska ee Somali Bannana ee agagaarka KM4 ee Magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka soo qaybgaleen furitaanka Safaaradda Yemen ee Soomaaliya marti sharaf kala duwan.
Safiirka Dowladda Yemen ay u magacowday safaaradda ay ka furatay Soomaaliya ayaa lagu magacaabaa Axmed Xamiid Cumar, waxaan goobjoog ka ahaa xafladda Wasiirka Arrimaha gudaha Xuseen Maxamed Caydiid, Afhayeenka Dowladda C/raxmaan Diinaari, Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dalxa, Mayor-ka Magaalada Muqdisho Cadde Gaaboow iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. Ismaaciil Qaasim Naaji.
Mudane Axmed Xamiid Cumar oo ah safiirka Soomaaliya ee Yemen oo kulankii furitaanka safaaradda Yemen ee Soomaaliya ka hadlay ayaa sheegay in Dowladda Yemen ay goÂ’aansatay inay ka furto gudaha Soomaaliya Safaaradda markii ay dolwaddu ku sugnayd Degmada Jowhar ee Gobolka Shabeellada Dhexe, isla markanaa ay maanta u suurogashaya in si toos ah safaaraddooda uga furtaan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Mr. Xamiid ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Yemen ay aad ugu dadaashay inay ka shaqeyso sidii Soomaaliya ya u noqon lahayd mid ay ka dhalato nabad iyo kala dambeyn waarta, isla markaana ay wadahadallo u yeelan lahaayeen garabyada iska soo horjeeday ee Soomaaliya, si wax walba loogu dhameeyo wadahadal iyo nabad waarta.