Magaalada Garoowe Ma u Qalantaa Caasimada Puntland...?

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
NoAngst.
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1161
Joined: Wed Feb 21, 2007 9:34 pm

Magaalada Garoowe Ma u Qalantaa Caasimada Puntland...?

Post by NoAngst. »

(Qarmada Maanta}2.03-07
Qofkasta ayaa fahmi kara qiimaha iyo faaiidooyinka aan la koobi-karin oo ay Magaalo ka faaiido marka loo caleemo-saaro magaca Caasimad,

hadaba dhacdadii foosha xumeyd ee maalinimadii Arbacada aheyd ka dhacday Caasimada Maamul Goboleedka Puntland ee Garoowe,ayaa shaki badan ku abuurtay Dad badan oo Goboladaas u dhashay oo is-weydiinaya ma u qalantaa Magaalada Garoowe Caasimada Maamul Goboleedka Punland?

Hadaba Hal qoraal kuma soo koobi-karo dhacdooyinka foosha xun ee ka dhacay dhawr jeer Xabsiga dhexe ee Magaalada Garoowe,waxaana ka xasuustaa Sanadkii 2005-ta Bishii May,markii Maleeshiyo Beeleed hubeysan ay Xabsiga dhexe ee Magaalada Garoowe ugu dhaceen Labo Nin oo Maxkamada Milatariga ku xukuntay toogasho,kadib markii dil oogu geysteen Magaalada Laascaanood Nin ka tirsanaa Ciidanka Daraawiishta.

Maleeshiyaadkii Reer Garoowe ee soo wareeray Xabsiga ayaa wax iska caabin ah kala kulmin Ciidamadii ilaalinaysay jeelka,markii ay Nimankii xabsiga dhagta dhiiga u dareena Magaalada ayey dhinac ka galeen,iyagoo aan la qaban ilaa maanta oo laga joogo Sanad-guuradii labaad ee dhacdadaas weli Maxkamad lama soo taagin Dembiilayaashiii soo weeraray Xabsiga Magaalada.

Waxaa iyadana xusid mudan dhacdadii 27-02-2006-da Sanadkii hore ka dhacday Magaalada Garoowe kadib markii Wasiir deegaan ahaan ka soo jeeda Gobolka Nugaal,weerar la beegsaday dhismaha Maamulka Goboleedka Puntland oo ay ka socotay mooshin kalsoonida loogu qaadayo Wasiirada,balse Xildhibaan lagu magacaabo C/raxmaan Faroole oo deegaan ahaan ka soo jeedo Magaalada Garoowe,ayaa abaabulay Dhalinyaro ay isku heyb-yihiin isagoo ku kicinaya qaab-qabiil.

Wuxuuna wacad ku maray hadii laga xayuubiyo xilka Wasiirnimada inuu bur burin doono Maamul Goboleedka Puntland,Magaalada Garoowana tahay Magaalo Reerkiisa oo keliya iska leeyihiin,arintaas oo dhalisay inuu dagaal ka dhex-qarxo Ciidamada ilaalinaysid Xarunta Baarlamaanka iyo Maleeshiyaad Beeleedkii,halkaasna ay ku dhinteen Labo ka mid ahaa Dhalinyaradii uu soo qalday C/raxmaan Faroole.

Wixii maalintaas ka dambeeyay hamigii Ninkaan uu ku doonayey inuu Magaalada Garoowe Xarun Qabiil ku shaabadeeyo meeshey ka baxday,

balse arintii Maalinamadii Arbacada aheyd ka dhacday, Xabsiga Magaalada Garoowe oo Dhalinyaro Reer Garoowe ah ay Xabsiga dharaar-cad kala baxeen dembiilayaal Maxkamadi ku xukuntay dil toogasho ah,isla-markaana ooda ka rogay dhamaan Maxaabiistii kale ee ku jirtay Xabsiga ayaa soo xasuusiyay Dad badan dhacdooyinkii hore ee ka dhacay Magaalada Garoowe.

Murti Soomaaliyeed ayaa oranaysa "Baruur keliya baa Baruuro qurmisa"One scapped Sheep infects the whole flock" hadaba su,aasha isweydiinta mudani waxay tahay

hadii aan gacan bir ah lagu qabin Dhalinyaradan Jiriga ah ee u dhalatay Magaalada Garoowe oo had iyo jeer caadeystay inay ku tuntaan Sharciga u yaal Shacabka ku dhaqan Gobolada Puntland,markaas waxaa dhici doonto in Baarlamaanka Puntland uu cod u qaado Magaalada caasimada u noqoneysa Gobolada Puntland,maadaama ay adag-tahay in la xakameeyo Dhalinyarada Reer Garoowe oo iyagu aaminsan in Magaaladan ay tahay Magaalo Beeli ay iska leedahay.

Murti Soomaaliyeed baa oranaysa "Minaan u wada guurno Garoowe nabee gaf maaha,Goofkiisuna ganacsi maaha"taas oo micmaheedu yahay in hadii aan uwada guurno oo wada degno Garoowe ay caadi yahay dhulkeedana aan lagaa sheeganeyn.

Gunaanadka hadalkeyga waxaan ku soo xirayaa Reer Nugaaleedoow Garoowe Caasimad in laga dhigo waad ku barwaaqowdeen ee Walaalayaaloow hanagu kelifina inay Magaalada dib oogu noqoto Tuulo Beeleedkii

"Soomaalidu Nimcada ma xajisato". Reer Garoowe waa inaad maskaxda ku heysaan in caasimada Magaaladan aysan aheyn Aayad Qur,aan ah oo Ilaahay noo soo dejiyay,Gobolada Puntlandina Ilaah baa ku maneystay Magaalooyin badan oo istaahila Caasimad.

Xuseen Yaasiin Godo-Godo

Tiibo_Talyaani@hotmail.com
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”