ICU cobbled major lies and burned their own Dead Soldiers.

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
DONKEYMAN
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1099
Joined: Fri Jan 23, 2004 7:00 pm
Location: Somalia
Contact:

ICU cobbled major lies and burned their own Dead Soldiers.

Post by DONKEYMAN »

Plus, they made the biggest lie by interviewing one of their own. He does not wear the uniform of the government. Read this opinion, exposing the desperate lies of the ICUs.

Madhaa in Ciidamado ka tirsan Dawlada lagu jiiday Wadooyinka Magaalada Muqdisho?(Been Fakatay Run Ma Gaarto)

Posted to the MOL March 21, 2007, 2:29 pm

Dagaallkii Bishii Decembar ee Sanadkii hore 2006-da ka dhacay Deegaanka Iidaale ayaa waxaa dhacday in Ciidamadii Maxaakiimta soo bandhigeen Sawiro ay ku sheegeen inay ahaayeen Ciidamo Dawlada looga dilay Xerada Saldhiga Milateri ee Manaas, balse markii dambe waxaa la ogaaday inay ahaayeen Sawiro la soo dhoo-dhoobay oo inta ay Dharkii Milateriga u geliyeen kuwii iyaga ka dhintay saxaafada u soo bandhigay.


Maalintaas wixii ka dambeeyay amar uu bixiyay Taliyihii hore ee Ciidamada Xooga Soomaaliyeed General Qaasim Naaji, ayuu ku sheegay in la bedelay Tuutihii ay isticmaalayeen Ciidamada Dawlada,iyadoo loo qeybiyay Tuuto Buluug ah oo ay isticmaalaan Ciidamada Dawlada Itoobiya, hadaba marka aad si xeel-dheer oogu fiirsato Sawirada maanta ay soo bandhigeen qaar ka mid ah Saxaafada Soomaalida, waxaa markiiba kuu soo baxaya in Tuutaha Raga gashan ee dhulka lagu jiidayo ay xiran-yihiin Tuutayaashii ay caanka ku ahaayeen Ciidamadii Al-shabaab ee ka tirsanaa Midowga Maxaakiimta Islaamka.

Taliyaha Guutada Koowaad ee Ciidamada Dawlada Federaalka Soomaaliyeed Gaashaanla-Sare Saciid Dheere ayaa ku tilmaamay meydadkii maanta lagu gubay Wadooyinka Magaalada Muqdisho kuwa ka dhintay Ciidamadii laga dilay Kooxihii ka soo hor-jeeday, kadibna Dharka Tuutataha inta loo geliyay lagu sheegay inay yihiin Kuwii Dawlada.

Hadaba si taxadar leh hadii aad oogu fiirsatid Sawirada la soo bandhigay,waxaa markiiba kuu soo baxaya in Meydadka ay ku lebisan yihiin Dharkii ay caanka ku ahaayeen Ciidamada Al-Shabaab, horaa loo yiri (Been-Fakatay-Run-Ma-Gaarto)waxaa arin laga yaq-yaqsooda ah in Maanta intii lagu gubay Magaalada Muqdisho Dad aan waxba galabsan oo weliba la xaqiijiyay in mid ka mid Dadka dhulka lagu jiidayo oo la leeyahay waa Itoobiyaan inuu ahaa Wiil Soomaali-Baantuu ah oo aan waxba galabsan, balse loo dilay in la yiraahdo waxaa la gowracay Nin Tigree ah, kadibna Saxaafada loo soo bandhigo, wuxuuna ahaa Ninkan Baantuuga ah Dadka Magaalada Muqdisho looga yaqaan (Looma-ooyaan).

Waxaa xusid mudan in Sheekadan ay maanta ay soo bandhigeen Raga isku magacaabay Muqaawamada inay la mid tahay Sheekadii Usbuucii hore lagu soo bandhigay Saxaafadaha qaarkood oo ay yiraahdeen,Waxaa la kufsaday Hooyo Soomaaliyeed, markii la baarayna la ogaaday inay been-abuur aheyd oo la doonayey in Shacabka Magaalada Muqdisho lagu kiciyo, Filinkii markii uu qarxayna sidii 1993-dii ka dhacday Magaalada Muqdisho oo inta dhulka lagu jiiday Askari Ameerkaan ah,loo soo bandhigay Saxaafada Caalamka,taasina ay sababtay in Ciidamadii Mareykanka ay isaga baxaan Soomaaliya.

Hadaba dhacdadaan Maanta ka dhacday Magaalada Muqdisho oo inta Dad aan waxba galabsan lagu gubay iyagoo loo geliyay Dhar Tuuto ah oo loo ekeysiiyay inay ka mid ahaaayeen Ciidamada Dawlada,weliba Wiilkii Somali-Baantuuga ahaa ee nolosha lagu gubay maanta iyadoo Dadka laga dhaadhiicanayo inuu ahaa Tigree,waa arin aysan Dadka Soomaaliyeed weligood hilmaami doonin taariikhda ayaana xusi-doonto Filinkii Maanta Magaalada Muqdisho lagu jilay ee la doonayey in lagu qaldo indhaha Beesha Caalamka.

Dhinaca kale marka aad si fiican oogu fiirsato Sawirada waxaad arkeysaa Niman Tuuto qaba oo ay jiidanayaan Kooxaha la dagaalamaya Dawlada, Nimanka Dhaawaca ay jiidayaan ayaa laga dhigayaa inay yihiin Maxaabiis (Yaab)iyo Indho-sarcaad lagu jaw-wareerinayo Umada Soomaaliyeed, waxaaba ka sii daran Nin qaar-qaawan oo dhaawac ah oo ay leeyihiin waa Maxbuus, Dharka uu sitana waaa Shaati iyo Surweel,hadey run sheegayaan aaway Tuutihii uu Ninkan gashanaa Walee horaa loo yiri (Been Fakatay Runta Ma -Gaarto)oo micnaheedu yahay Been mar hadey fido Run kasta hadaad sheegto ma soconeyso, marka hada Nimankan Muqaawamada la baxay ee Saxaafada Sawirada la mac-malay u soo bandhihay Beentoodii waa u socotay, balse is-weydiintu waxa ay tahay ilaa iyo imisa ayey sii socon doontaa Beenta Muqaawamada, iyadoo aan ognahay inay Dhalinyaro badan intii uu dagaalkii Buurhaka ka socday ku dagaal gelin-jiray waxaan heysanaa Baar-Bakiin oo 5-Km u jiray Magaalada Baydhabo, markii dambana la arkay Ciidamada Dawlada oo 4-Beri gudahood dul-taagan Duleedka Magaalada Muqdisho.

Xuseen Yaasiin Godo-Godo


Mudugonline.com
DONKEYMAN
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1099
Joined: Fri Jan 23, 2004 7:00 pm
Location: Somalia
Contact:

Re: ICU cobbled major lies and burned their own Dead Soldiers.

Post by DONKEYMAN »

Laughing Laughing Laughing


Hear the presentation of rape cases to the media tomorrow.
abwaan1
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 375
Joined: Sun Feb 04, 2007 12:10 am

Re: ICU cobbled major lies and burned their own Dead Soldiers.

Post by abwaan1 »

Everything is possible. Savage is a savage. They will do anything for attention.
DONKEYMAN
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1099
Joined: Fri Jan 23, 2004 7:00 pm
Location: Somalia
Contact:

Re: ICU cobbled major lies and burned their own Dead Soldiers.

Post by DONKEYMAN »

You right. Big O lie man
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”