Ugandan Troops stepping Up the peace effort in Mogadishu.

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
DONKEYMAN
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1099
Joined: Fri Jan 23, 2004 7:00 pm
Location: Somalia
Contact:

Ugandan Troops stepping Up the peace effort in Mogadishu.

Post by DONKEYMAN »

Ugandan peace keeping troops took over the responsibility of the Number 4 Intersection of Mogadishu from the Federal troops besides the Airport and other strategic places.



MUQDISHO: Ciidammada Uganda oo la wareegay markii ugu horreysay gacan ku haynta Isgoyska KM4 ee Muqdisho
Posted to the Web Mar 23, 14:44


Muqdisho (PP) – Ciidammada Uganda ee ka socda Midowga Afrika kuna sugay Muqdisho ayaa markii ugu horreysay maanta la wareegay gacan ku haynta Isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho.



Ciidammadaan oo wata gawaarida dagaalka oo ay ku dhagan tahay calaamadda Midowga Afrika ee muujinaysa inay yihiin cidammada Nabad ilaalinta ee AMISOM ayaa lagu arkay 11:00 barqonimo ee maanta Isgoyska KM4 iyagoo sugaya ammaanka Isgoyskaas.



Dhismaha Safaaraddii hore ee Masar oo ku taallay Isgoyska KM4 ayay ciidammadaas fariisin ka dhigteen, iyagoo dadkii ku jiray ee qoysaska ahaa uga saaray si xoog ah, iyagoo albaabadooda bannaanka ugu tuuray.



Dadka dhismahaas deggenaa ayaa waxay sheegeen inaysan ka warhayn imaansha askartaas ka socota Midowga Afrika ee halkaas soo dagay ayna dibadda uga saareen dhismihii ay dagganaayeen.



Ciidammadaan ayaa waxaa la socda ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda iyagoo labadooduba ay sugayeen ammaanka Isgoyska KM4 oo xilliyadii ugu dambeeyay ahaa goob ammaankeeda aan la isku halleyn karin.



Mar aan booqday isgoyskaas oo aysan tagay wax gawaari ah, balse ay marayeen dad teel-teel ah sababo la xiriira dagaallada ka socda maalintii saddexaad Muqdisho ayaa waxay xaaladda Isgoyskaas KM4 ahayd mid aad u wanaagsan oo dadku ay marayeen, waxaana ciidammadaan ay u yaalleen koontaroolo yaryar dhowrka waddo ee soo gasha Isgoyska.


Waa markii ugu horreysay oo ay ciidammada dalka Uganda billaabaan inay sugaa ammaanka caasimadda oo ah sababtii ay u yimaadeen Muqdisho, waxaana tani durba soo dhaweeyay dadweynaha Muqdisho oo ku tilmaamay inay tahay tallaabo wanaagsan oo ay qaadeen ciidammada Uganda oo ka tirsan AMISOM.

Maxamed Xuseen Jantiile
Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu
E-mail: jantiile@gmail.com
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”