Breaking News: Heavy fighting in Xamar Bile and Towfiq

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
DONKEYMAN
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1099
Joined: Fri Jan 23, 2004 7:00 pm
Location: Somalia
Contact:

Breaking News: Heavy fighting in Xamar Bile and Towfiq

Post by DONKEYMAN »

Muqdisho(AllPuntland)- Dagaalo xoogan ayaa caawa ka bilowday aagagii ay isku hor fadhiyeen ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Itoobiya oo caawinaya Soomaaliya iyo kooxaha kale ee ka soo horjeeda iyadoo caawa magaalada Muqdisho laga maqlayo dhawaqa madaafiicda PM-ka loo yaqaan iyo rasaasta kale ee daran dooriga u dhaca.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii kooxaha ka soo horjeeda dowladda ay rasaas laga ridayey qoryaha fudud ay ku fureen fariisamaha ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda oo ku sugan agagaarka Xamar Bile iyo garoonka ciyaaraha ee Muqdisho, iyadoo ciidamada Itoobiyana ay jawaab culus ka bixiyeen waxaana ilaa hada la maqlayaa dhawaqa madaafiicda.

Dagaalkan oo ku soo beegmay xili maanta uu baaqday kulan lagu waday in ay isugu yimaadaan waxgarad kasoo jeeda kooxaha ka soo horjeeda dowladda iyo saraakiisha Itoobiya oo shuruud ku xeray kulankii maanta.

Wixii ku soo kordha iyo khasaaraha dagaalkan geystay waxaan idiin kugu soo gudbin doonaan wararkeena danbe hadii Alle Idmo.

Cali Muxiyaddiin Cali
AllPuntland, Muqdisho
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”