Muqdisho ,Arbaco, April. 11, 2007 (Waagacusub.com) Kulankii dhexmaray xubnaha beesha Sacad iyo Cabdilahi Yusuf Axmed wuxuu ahaa mid adag oo ka fog warbixino qaldan oo ay faafiyeen Jaraa’idka Soomaalida qaarkood.
Kulanka oo ahaa mid qodobo badan huwanaa waxay waxgaradka Beesha Sacad ku waydiiyay su-aalo Madaxweyne Yusuf, su-aalahaas oo ay ka mid ahaayeen waxyaabaha ku riixay dowlada federalka inay ku dhawaaqdo dagaal iyo xasuuq lala damacsan yahay hal beel.
Maxamed Faarax Jimcaale oo ah Gudoomiyaha golaha Marjaca Beesha Sacad ayaa ku yiri Cabdilahi Yusuf “ Beesha Sacad waxay kuugu socotaa inay ku wargeliso in dowladaada ku faantay inay xasuuqeeyso beesha Habargidir,waayoo Wasiir ku xigeenka gaashandhiga ayaa sheegay,maaha wax shaqsi yiri,sidaas daraadeed ,Sacad dowlad diid maahee ,dowladii ayaa shacabka diiday,waana inaad ogaal u yeelataaâ€
Sidoo kale Cabdilahi Yusuf waxay odayaasha Sacad ugu baaqeen inuu warcad ka soo saaro hadalkii Salaad Cali Jeelle Iyadoo dhinaca kalana ay odayaasha kula kaftameen Cabdilahi,inay suuqa ku jirtay xan ahayd Cabdilahi wali cuqdadii Caydiid buu qabaa,waana sababta Salaad ugu hantaataqay erayo ka dhana Marxuumka.
Cabdilahi Yusuf ayaa sheegay in hadalka Salaad Cali Jeelle uu ahaa mid ilbaxnimo xumo ah oo aan khuseyn siyaasada dowlada,wuxuuna sheegay inaysan sinaba ku dhici doonin beesha Habargidir la xasuuqo,wuxuuse beesha Sacad ku dhaliilay in sedexdii Xildhibaan ee Sacad,sida Xuseen Caydiid,Cismaan Caato iyo Xaaf ay Mucaarad ku yihiin,halka buu yiri Xildhibaanadii Cayr,Saleebaan,duduble iyo Sariir ay taageersan yihiin.
Cabdilahi Yusuf wuxuu Waxgaradka Sacad ujeediyay inay soo xushaan sedex Xildhibaan oo ay ku kalsoon yihiin si ay ugu bedelaan sedex haatan metesha.
Cabdilahi Yusuf waxaa kale oo uu tilmaamay in hadalka Salaad Cali Jeelle uu raali gelin cad ka bixinayo Ra’isulwasaarre Geeddi oo uu sheegay inuu safar laba maalmood ah ku maqnaan doono.
Waxgaradka beesha Sacad ayaa Madaxweynaha kula taliyay inuu Ciidamada Itoobiya ka saaro dalka oo ka shaqeeyo dib u heshiisinta iyagoo dhinaca kalana xusay inaysan jirin sabab xilka looga qaado Xildhibaanada Sacad ugu jira baarlamaanka.
Odayaasha beesha Sacad ayaa Cabdilahi Yusuf waxaa kale oo ay ku qabsadeen in garoonka Gaalkacyo laga celiyo dhalinyaro Hawiye ah oo kooxdii Majeerteenkana la sii daayo.
Inta uusan Madaxweynaha ka jawaabin su-aashaas ,waxaa hadalkii la booday Oday dhaqameed beesha Sacad ah,wuxuuna si caro leh u yiri,Waryaa Majeerteen hadii aad tihiin anagana Habargidir baan nahay Habargidir ee warkiina Cadeeya hadii kale dagaalka noo biloow Cabdilahi,dib haleeysu bartee.
Cabdilahi Yusuf ayaa xanaaqay oo yiri,aniga waxaan ahay Madaxweyne ee kalmadahaas ha ii adeegsan,dabadeedna buuq ayaa kulankii hareeyay,ilaa qaarkood ay ku hanjabeen in dagaalka uu saameeyn doono gobolada dalka oo dhan oo ay tagayaan Gaalkacyo.
Si kastaba ha ahaatee Waxgaradka beesha Sacad waxay ku kala tageen Cabdilahi Yusuf in hadii xabad Itoobiyaan iyo mid dowladeed lagu soo rido degaanka Habargidir ay u qaadanayaan xasuuqii uu Salaad Cali Jeelle sheegay.
Korneyl Cabdulahi Yusuf ayaa isagana dalbaday in fadhi kale ay yeeshaan.
Ahmed Jelle Hassan
WaagacusubOnline@yahoo.com
+2521-320000 Telcom Somalia
Mogadishu - Somalia
Cabdilahi Yusuf iyo xubnahii beesha Sacad oo Indhaha isu shi
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- Hiiraan boy
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 4756
- Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
- Location: California
Re: Cabdilahi Yusuf iyo xubnahii beesha Sacad oo Indhaha isu shi
Dude ur stuck at copy & paste mode.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 7 Replies
- 76 Views
-
Last post by sheekh-Farax-zero
-
- 1 Replies
- 282 Views
-
Last post by ababanoah
-
- 0 Replies
- 8 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 1 Replies
- 331 Views
-
Last post by Munique05
-
- 2 Replies
- 340 Views
-
Last post by Enemy_Of_Mad_Mullah
-
- 11 Replies
- 756 Views
-
Last post by Phd in naago kudis
-
- 4 Replies
- 947 Views
-
Last post by SomalilandFinest
-
- 0 Replies
- 280 Views
-
Last post by X-unit