Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka KMG dowladda Soomaaliya Cusmaan Cilmi Boqore uu ku xanuunsanayo magaalada Baydhabo, isla markaana loo diiday inuu arrimo caafimaad dal dibadda ah u baxo.
Sida warku qeexayo Boqore oo looga shakiyey inuu xiriir la leeyahay xildhibaannada dowladda KMG ka soo horjeeda ee ku sugan magaalada Asmara ee dalka Eriteria oo xiriiro la soo sameeya ayaa la xaqiijiyey in fasax dibadeed uu codsaday loo diiday si uu caafimaadkiisa u soo baaro, waxaana la sheegay in Boqore uu ka mid yahay xildhibaannada ka soo horjeeda xasuuqa ciidamada Itoobiya ka wadaan Muqdisho.
Wararku waxa ay leeyihiin Boqore kaliya ma aha qaar ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa loo diiday inay Baydhabo ka huleelaan, qaarkoodna ilaalo gaar ah ayaa la saaray, waxaana la sheegay in loo caddeeyay inaysan ka bixi Karin Baydhabo oo xabsi magaalo ay ku jiraan ilaa xaaladda degdega ah ay ka soo dhammaanayso.
Waxaa jira xildhibaanno loo diidanaa inay Baydhabo ka baxaan oo qaarkood soo gaaray magaalada Muqdisho, kuwaasoo si xeeladaysan uga soo tegay Baydhabo, haatanna howlo ka dhan ah dowladda C/llaahi Yuusuf oo kala furfuris ah ka wada magaalada Muqdisho.
Xildhibaan Cumar Xaashi Aadan ayaa horey u kashiay in Xildhibaanno ka tirsan dowladda oo ku sugan dalka gudihiisa oo doonaya inay ka mid noqdaan xubnaha ka soo horjeeda dowladda la xadiday dhaqdhaqaaqooda, loona diiday inay dalka dibaddiisa u baxaan.
Cismaan Cilmi Boqore oo loo diiday inuu Baydhabo ka baxo.
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- Hiiraan boy
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 4756
- Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
- Location: California
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 18 Replies
- 1370 Views
-
Last post by bashe19
-
- 1 Replies
- 413 Views
-
Last post by DayaxJeclee
-
- 109 Replies
- 9270 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 1 Replies
- 16 Views
-
Last post by Son_of_Somalia
-
- 2 Replies
- 753 Views
-
Last post by MenaceToSociety
-
- 1 Replies
- 718 Views
-
Last post by Somali-Transporter
-
- 13 Replies
- 1503 Views
-
Last post by Sadaam_Mariixmaan
-
- 14 Replies
- 1878 Views
-
Last post by BigBreak
-
- 10 Replies
- 1222 Views
-
Last post by ToughGong