Page 1 of 1

conflict between governer and vicegoverner of jubbada hoose

Posted: Mon Apr 16, 2007 10:09 am
by Hiiraan boy
Kismaayo 16, April.07 ( Sh.M.Network) Maamulka gobolka J/hoose ayaa isku khilaafay guddigii soo celinta hantida qaranka ee uu dhowaan magacaabay guddoomiyaha gobolka J/hoose.

Gudoomiye K/xigeenka koowaad ee maamulka gobolka J/hoose Axmed Cabdi Cumar Sandheere ayaa waxa uu ku sheegay shir jaraa'id uu ku qabtey gudaha magaalada in aaneey aqoonsaneyn guddigii uu dhowaan magacaabay gudoomiyaha gobolka J/hoose, taasoo loogu magac daray guddiga soo celinta hantida qaranka.

Waxa uu sheegay in wareegtada lagu magacaabay Guddigaasi aanu aheyn mid sharci ah, isla markaana aysan jirin cid uu kala tashaday.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay guddoomiyaha gobolka J/hoose Ilyaas Gaboose, oo ku aadan diidmada K/xigeenkiisa uu ka muujiyay Guddiga uu magacaabay, tanina waxa ay marqaati ka tahay sida labada Mas'uul ay isugu khilaafsan yihiin magacaabista guddigaan.

Click here to find this article in English

Max'ed Axmed

Shabelle Media Network J/hoose
E-mail us: info@shabelle.net