Page 1 of 1

BREAKING NEWS Gudabiirse mp becomes new foreign minister

Posted: Wed Apr 18, 2007 4:40 am
by Hiiraan boy
he's Gudabiirse M.casse


Ra'isul wasaare Geedi oo isku shaandheyn ku sameeyay golihiisa wasiirada

Click here to find Shabelle news in English

Kismayo 18, April.07 ( Sh.M.Network) Ra'isulwasaaraha dowladda KMG ah ee Somalia, ayaa maanta isku shaandheyn ku sameeyay qaar ka mid ah xubnaha golaha wasiirada dowladda KMG ah, iyadoo qaar ka mid ah wasiiradana ay shaqadoodii waayeen.

Wareegto maanta ka soo baxday xafiiska Ra'isulwasaare Cali Max'ed Ghedi ayaa lagu sheegay in isku shaandeyn lagu sameeyay wasiirada soo socoda.

1. Prof. Ismaciil Hurre Buubaa oo horey u ahaa wasiirka arimaha dibadda ee Iskaashiga caalamiga ayaa xilkaasi laga qaaday, iyadoo loo magacaabay wasiirka waxbarashada.
2. Xuseen Ceelaabe Faahiye oo horey u ahaa wasiirka qorsheynta iyo tiro koobka ayaa xilkaasi laga wareejiyay, iyadoo loo badalay wasaaradda arimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga.
3. C/raxmaan Cabdi Waare oo ahaa wasiirka waxbarashada ayaa gabi ahaanba shaqadii laga eryay ka dib markii lagu eedeeyay in uu u hogaansami waayay amarro ka soo baxay dowladda.

4. Cali C/laahi Cosoble ayaa loo magacaabay xilka wasiirka qorsheynta iyo tiro koobka.

Wareegtadaan uu soo saaray Ra'isulwasaare Geedi ayaa waxaa ku soo biirey golaha wasiirada Cali Cabdulaahi Cosoble.

K/simaha Afhayeenka Ra'isulwasaaraha C/laahi Codka ayaa sheegay in wareegtadaan ka hor inta aaneey soo bixin uu Ra'isulwasaaraha u gudbiyay Madaxweynaha, uuna aqbalay.

Isku shaandheyntaan ayaa ku soo beegmeysa xilli golaha wasiirada ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho kulan albaabada u laaban yihiin oo aan la ogeyn waxa ay kaga wada hadlayaan, xilli dagaalo qaraar oo u dhaxeeya ciidamada Ethiopia iyo xoogagga wax iska caabinta Somalia ay xalay ka dhaceen caasimadda.

Re: BREAKING NEWS Gudabiirse mp becomes new foreign minister

Posted: Wed Apr 18, 2007 4:45 am
by musika man
hiiraan boi aka lacageey lacag, is hamar safe? you are not reporting of shabab terrorism in hamar. fok the tfg.

Re: BREAKING NEWS Gudabiirse mp becomes new foreign minister

Posted: Wed Apr 18, 2007 4:51 am
by Lacageylacag
Abdiraxman Abdi Warre the Xawadle minister for education was also sacked.
Cali Cosoble was given a low ministry. But who cares about Afbijo Government.
It won't work.

Bubaa sacked Gedi's friend Ameriko, the kenyan Ambassador but lost the whole ministry himself.
The transitional Failed government was not enough. Add corruption on top.