







http://www.alldarwiish.com/news2007/89.html
89- askar Itoobiyaan ah oo la sheegay in ay ka carareen dagaalada ka soconaya Soomaaliya Alldarwiish.com 18-4-07
89-askari oo dhalashadooda la sheegay in a ahayd Itoobiyaan, kuna sugnaa magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in ay isaga carareen dagaalada Muqdisho ka soconaya.
Askartan ayaa la sheegay in ay hubkooda ay iibsadeen, ayna gaareen magaalada Arqa oo ka tirsan dalka Yemen, ayaga oo la sheegay in ay doon ka raaceen magaalada Boosaaso oo maamul goboleedka Puntland.
Warkan oo lagu daabacay web site-ka http://www.eritreadaily.net ayaa lagu sheegay in warkan ay ka soo xigteen boga wargeyska Al-ayam ee ka soo baxa dalka Yemen.
Sarkaal ka tirsan ciidamada Ilaalada Arqa oo 600 km u jirta magaalada sanca ayaa xaqiijiyay in ay arkeen ilaa 10 nin oo Itoobiyaan ah oo muhaajiriin ah, kuwaasi oo ay la socdeen ilaa 12- qofood kale oo haween iyo caruur isugu jira.
Ma jirto ilaa iyo hadda cid xaqiijineysa in askar Itoobiyaan ah ay baxsadeen, kana carareen dagaalka ay kula jiraan taageerayasha golaha maxaakiimta.
wixii soo kordha wararkeena danbe kala soco
All-Darwiish Isha ku hay, si aad u hesho Xaqiiqda.
Alldarwiish newsdesk