BREAKING NEWS Qarax lala beegsaday gaari Ural

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

BREAKING NEWS Qarax lala beegsaday gaari Ural

Post by Hiiraan boy »

Qarax lala beegsaday gaari Ural ah oo ay wateen ciidamada Ethiopia

Click here to find Shabelle news in English

Mogadishu 19, April.07 ( Sh.M.Network) Qarax xoogan oo sababay dhimashi iyo dhaawac ayaa lala beegsaday gaari Ural ah oo ay saarnaayeen ciidamo Ethiopian ah oo mararayay agagaarka jaamacadda Lafoole ee degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.

Qaraxaan ayaa waxaa la sheegay in waxyeelo uu gaarsiiyay ciidamadii Ethiopianka ahaa inkastoo si rasmi ah aan loo ogeyn dhimashada iyo dhaawaca gaaray ciidamada Ethiopia sida uu shabelle u xaqiijiyay Goobjooge codsaday in magaciisa aan la shaacin.

Qarxaaan ayaa markii uu dhacay ka dib ciidamada Ethiopia waxa ay rasaas ku fureen gaari caasi ah oo ay saarnaayeen dad rayid ah, iyadoo rasaastaasi ay dhaawac u geysatay 4 ruux oo ka mid ah rakaabkii saarnaa gaariga.

4ta ruux ee dhaawaca soo gaaray ayaa mid ka mid ah waxa ay tahay gabar yar oo dhaawac halis ah uu soo gaaray.

Wixii ku soo kordha kala soco warar keena dambe

Shabelle Media Network Somalia
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”