Odoyaasha Hawiye oo ugu baaqay Somaliland inay dhinaceeda da

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

Odoyaasha Hawiye oo ugu baaqay Somaliland inay dhinaceeda da

Post by Hiiraan boy »

Odoyaasha Hawiye oo ugu baaqay Somaliland inay dhinaceeda dagaalka kasoo gasho.

Muqdisho, 20 April 2007 (HawiyeNews.com) – Qaar kamid ah Odoyaasha beelaha Hawiye ayaa saakay ugu baaqay Dowlada Somaliland ee walaalaha la ah beelaha hawiye inay dhinaceeda kasoo gasho dagaalka dalka loogu xoreynaayo cadowga Itoobiyaanka iyo qolyaha Majeerteeniya.

Odoyaasha ayaa sheegay in Somliland ay tahay dowlad ay aad walaalo u yihiin, isla markaana dadkeeda waxey ku amaaneen qaabka ay niyad ahaan iyo dhaqaale ahaa u taageeraan siyaasada Hawiye.

Mid kamid ah odoyaasha Beelaha Hawiye e ayaa u sheegay Shabakada HawiyeNews inuu aad ugu raja weyn yahay in Somaliland ay dhinaceeda kasoo gasho dagaalka jihaadka ah ee dalka Somalia ka socda.

“ Somaliland waa inaad dhinaciida dagaalka bilowday kasoo gashaan gaar ahaan qolyaha u adeega cadowga dalka iyo dadka ee Majeerteeniya inaad u dhigtaan cashar aysan waligood hilmaamin ayaan idinka rajeyneynaa” sidaasi waxaa yiri mid kamid ah odayaasha beelaha Hawiye.

Somaliland ayaa horey aad u taageertay halgalka dalka loogu xoreynaayo ciidamada Itoobiyaanka oo ay wadaan beelaha Hawiye, iyadoo sheegtay inay mar walba garab taagan tahay beelaha Hawiye.

Dadweynaha Somaliland iyo beelaha Hawiye ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir wanaagsan oo waligiis aan halaabi doonin, iyadoo Somaliland lagu xasuusan doono qaabka wanaagsan oo ay wali ula dhaqmeyso dadka Hawiye ee ka qaxa magaalada Muqdisho oo gaara dhulkeeda, iyadoo dadkaas aad usoo dhaweysay siisana goobo ay degaan.

Email: hawiyenews@gmail.com
The_Patriot
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20702
Joined: Wed Jun 28, 2006 9:39 am

Re: Odoyaasha Hawiye oo ugu baaqay Somaliland inay dhinaceeda da

Post by The_Patriot »

One thing for sure is we support Hawiye on Magadishu issue but never on Hargeisa issue.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”