Page 1 of 1

TENSIONS REMAIN HIGH A WEEK AFTER SOMALIDIIDS WERE DEFEATED

Posted: Sat Apr 21, 2007 10:54 am
by fagash_killer
Puntland iyo Somaliland Oo Xiisadoodii Colaadeed Cirkaa Isku Shareertay

(Laascaanood}21.4-7
Kadib dagaaladii xoognaa ee ka dhaxqarxay isniintiii todobaadkii hore maamulada puntland iyo somaliland oo qasaarooyin nafeed iyo mid maaliyadeedba ay ku burbureen ayaa warar naga soogaadhaya agaagaas laysku herdiyay sheegayaan in xaaladu ay haatan markale faraha kasii baxayaso..............................

Dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo tabaabushaysi dagaal oo labada dhinac ah ayaa ka taagan deegaanada ay isku hor fadhiyaan labada maamul ee puntland iyo somaliland oo iyagu sanadihii ugu danbeeyayba dagaaladoodu ay soo noq noqanayeen.

Ciidamada Dowlad goboleedka puntland oo oo iyagu haatan samaystay gudiga difaaca puntland ayaa dhufayso cusub ka samaystay haatan goobo cusub kuwaas oo ruuga dhulka u dhigaya dagaal markale ay soo qaadan ciidamada maamulka somaliland oo kaa shanaya quwado shi sheeye.

Ku xigeenka Daahir Riyaale Kaahin Axmed Yusuf yaaseen oo wata dabaabadaha dagaalka qoryaha lidka diyaaradaha iyo madaafiic xoogan ayaa haatan dhaq dhaqaaq dagaal kawada Agaaga ay ciidamadiisu ku sugan yihiin.

Axmed Yusuf yaasiin oo wata kumanaan ciidamo ah oo uu kala yimi gobolada kale ee waqooyiga ayaa ay wararku sheegayaan in hub iyo saanad ciidan oo xoogleh ba uu ka helay Dowlada Eretria.

inkastoo ay jiraan dhaq dhaqaaqyo nabadeed oo ay wadaan odoyaasha labada dhinac ku kala jira ee deegaanadoodii lagu dagaalamayo ayaa hatana dad badan oo arimahan isha ku hayaa sheegayaan in dagaal dhaca uu lama huraan yahay.

Liibaan Jordan....

Widhwidh Online News Desk..Media Center