BEESHA SADE GIVING HUMANITARIAN AID TO MORE HAWIYE REFUGEES.
Posted: Sat Apr 21, 2007 4:32 pm
Seddex Kun Qoys Oo Ku Soo Barakacay Dagaalada Muqdisho Oo Soo Gaaray Qeybo Kala Duwan Oo Ka tirsan G/Gedo...Waa Sidee Nolosha Qoysaskaasi?...Maxaase Laga Dheehan Karaa Wajiyadooda...?
Apr 21,2007
by Baardheere-GEDO-NN
Dadkaani oo tiradooda ay kor u dhaafayso inkabadan 3000 oo qoys oo ka soo huleelay dagaallo xoogan oo ka soconaya magaalada Muqdisho ee xarunta waddanka Soomaaliya ayaa todobaadyadii ugu dambeeyay si xowli u soo gaaray G/GEDO.
Magaalooyinka ay dadkaasi oo sita wax xoogaa alaaba ah intii ay la soo baxsan kareen ay soo gaareen ayaa waxaa kamid ah Degmooyinkan Luuq, B/xaawo, Dooloow, Buurdhuubo, Ceelwaaq, Baardheere iyo magaallo madaxda Gobolka Ee Garbahaareey.
Tusaale ahaan Degmada B/xaawo o kaliyah ayaa waxaa la qiyaasayaa in ay soo gaareen ilaa 600 oo qoys oo maata ah, halka magaaalada Baardheere la diwaangeliyay ilaa 600 oo kale. dad kabadan 2000 oo kale ayaa misna la filayaa inay ay ku kala suganyihiin degmooyinka kale ee Gobolka.
Xaasaskani oo isugu jira haween, carruur, dhalin iyo waayeel ayaa lagu soo warbxinayaa in ay dulsaar ku noqdeen caa'iladooda ku dhaqan magaalooyinka gobolka kuwaasoo aan nolol ahaan wax weyn dhaamin haaalka meelaha qaar ay dhabaha iyo dhulalka duleedka ah xaar-xaarteen si ay hoy uga dhigtaan ayadoo xiligani la gudo galay xili-roobeedkii GUGA oo la filayo in roobab badani ay hoorsadaan.
Gudoomiyaha Maamulka Degmada B/xaawo Axmed Maxamed Yuusuf Burkuus oo qaadka teleefoonka magaaladaasi iigu waramay ayaa walwal ka muujiyay dadka sida xad dhaafka ugu soo qaxay Degmadaasi waxaana uu ka codsaday hay'adaha samafaaalka in ay labo jibaaraan kaalmooyinkooda.
Aadan Xassan Bare Gudoomiyaha Hay'adda SADO ee ka howlgasha Gobolkan ayaa isna sidoo kale ka deyriyay xaaladaha dadkaasi. Waxaana Uu Mr Barre sheegay in wax xoogaa kaalmooyin ah oo ay ku deeqday Hay'adda NCA ay gaarsiiyeen dadkaasi oo barakacay.
Ibraahim Isaaq Gaaseey oo ah sargaal ka tirsan Ururka Bisha ee degaankan ayaa sidoo kale Warsidaha Gedonet u sheegay in tirooyin ah carruur ah oo kamid ah dadkii soo barakacay uu haatan asiibay shuban daran. Qaar kamid ah carruurtaasi oo an ku booqday isbitaalka Degmada ayaa waxaa wajiyadooda ka muuqaaanaysay fuuqq-bax kaddib markii ay sida ay ii sheegeen hooyooyinkooda ay waddada ku soo shubmeen.
Hay'adda NCA Oo kaashanaysa Hay'addaha SADO iyo ASEP ayaa deeqo isugu jiro qalabka hoyga, huga iyo maro-kaneecooyin waxa ay dhawaantan gaarsiisay qaar kamid ah dadkaasi oo intooda badan ay ku suganyihiin magaalooyinka B/Xaawo iyo Baardheere.
Mohamed Gaarane-GEDO-NN-Baardheere/GEDO