Hussein Aideed: I Will Testify Against The TFG Genocide!

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Koronto91
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4191
Joined: Sat Aug 05, 2006 12:20 am
Location: Coney Island

Hussein Aideed: I Will Testify Against The TFG Genocide!

Post by Koronto91 »

Xuseen Caydiid: Waan ku marqaati kacayaa kuwii amray xasuuqa shacabka Soomaaliyeed
Posted to the Web Apr 22, 07:51

Aayaha.com, Axad, 22 April 2007 - Xuseen Maxamed Faarax Caydiid oo ra'iisul wasaare ku xigeen ka ah kooxda Mbagathi ayaa sheegay in waxa ka socda Soomaaliya ay tahay xasuuq lagula kacayo shacabka Soomaaliyeed ee u badan dumarka iyo caruurta.

Xuseen Caydiid oo ku sugan magaalada Casmara ee dalka Eriteriya ayaa sheegay in loo baahan yahay in maxkamad caalami ah lasoo taago ragga ka dambeeyay xasuuqa lagula kacayo shacabka Soomaaliyeed, isla mar ahaantaana uu isaga qudhiisu diyaar u yahay in uu ku marqaati furo nimanka bixiyay amarka lagu xasuuqayo shacabka Soomaaliyeed.

Xuseen Caydiid ayaa eedda xasuuqa ka socda Muqdisho dusha ka saaray ragga hoggaamiya kooxda Mbagathi iyo ra'iisul wasaaraha dowladda cadowga ah ee Itoobiya Meles Zenawi.

Xuseen Caydiid oo ra'iisul wasaare ku xigeen iyo wasiir ka ah kooxda Mbagathi ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay guntigaa u xirtaan sidii ay u difaaci lahaayeen dalka, dadka iyo diinta lagu soo duulay.

Waxaa xusid mudan in bishii Jannaayo ee sanadkan uu Xuseen Caydiid soo jeediyay qorshe lagu mideynayo labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo ku dooday in la baa'bi'iyo xuduudaha labada dal, isla markaana shacabka Soomaaliya iyo Itoobiya ay yeeshaan hal baasaboor.

Xuseen Caydiid ayaa u muuqda mid ka laabtay mowqifkiisii hore kadib markii uu khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo Cabdullaahi Yuusuf.

Aayaha.com
Editor@aayaha.com
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”