Odayaasha beesha Sade oo sheegay inay dowladda ku wareejin d
Posted: Tue Apr 24, 2007 6:21 am
Odayaasha beesha Sade oo sheegay inay dowladda ku wareejin doonaan hubkii ay shalay qabsadeen iyo Ugaas Ciise Ugaas Faarax oo ka codsaday Cali M. Geeddi inuu soo kala cadeeyo…
Shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose odayaasha iyo waxgaradka beesha Sade ayay ku shaaciyeen in dowladda federaalka KMG Soomaaliya ay ku wareejin doonaan hubkii ay shalay ka qabsadeen maleeshiyooyin ka soo jeeda beelaha dega gobolada maamul goboleedka Puntland.
Odayaashan ayaa shaaciyay inay ku wareejin doonaan hubkan wasaaradda gaashaandhigga dowladda, isla markaana ay doonayaan inay cadeeyaan inay taageersan yihiin dowladda federaalka KMG Soomaaliya, waxayna odayashani caddeeyeen in wixii shalay uu dagaalku dhex maray ay aheyd labo maleeshiyo beeleed oo ka wada tirsan ciidamada dowladda federaalka.
Dhinaca kale, kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, odayaasha, waxgaradka, iyo siyaaiyiinta beesha Sade kaasoo uu ka soo qeyb galay Ugaaska beeshaasi Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle ayaa lagu cambaareeyey hadalkii shalay ka soo yeeray ra’iisal wasaaraha xukuumada KMG Prof. Cali Max’ed Geeddi kaasoo uu ku sheegay in dagaalkii shalay uu u dhaxeeyey kooxo argagixiso ah iyo ciidamada dowladda.
“Aadbaan uga xunahay in ra’iisal wasaarihii dowladda uu la safto beel gaar ah, waxaana mar labaad ka xunahay in ciidamadii dowladda oo ay dowladdu hubeysay lagu tilmaamo argagixiso, ciidamada uu argagixisada ku tilmaamay ra’iisal wasaaruhu waxay ahaayeen kuwii la xorreeyey magaalada Kismaayo†ayuu si kulul u yiri Ugaasku isagoo ugu dambeyntiina ka codsaday ra’iisal wasaaraha inuu cadeyn rasmi ah ka siiyo hadalkaasi waxa uu ula jeeday.