Dawlada is coming to negotiate right now with Beesha Sade.
Wasiiro iyo xildhibaano u ambabaxay mag. Kismaayo
Click here to find shabelle news in english
Mogadishu 25, April.07 ( Sh.M.Network) Wasiiro ka tirsan dowladda KMG ah oo uu horkacayo wasiirka arimaha gudaha Max'ed Max'uud Guuleed Gacmo dheere ayaa maanta u duulay magaalada Kismaayo si ay u xaliyaan khilaafka dhaliyay dagaalkii ka dhacay Kismaayo oo maleeshiyo beeleedyo ay la wareegaan halkaasi ka dib markii ay halkaasi ka saareen ciidamadii dowladda Somalia.
Wafdigaan oo ka kooban 15 ruux oo isugu jira wasiiro, xildhibaano iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidamada dowladda KMG ah ayaa waxa ay ka duuleen garoonka Muqdisho, iyagoo ku sii jeeda magaalada Kismaayo.
Xubnaha wafdigaan ayaa ujeedkooda uu yahay sidii ay wada hadalo ula yeelan lahaayeen horjoogayaasha maleeshiyo beeleedyada la wareegay magaalada Kismaayo.
Warar ku dhow dhow wafuudaan ayaa waxa ay tilmaamayaan in ay ku hormari doonaan magaalada Baydhabo oo ay kaga sii gudbayaan magaalada Kismaayo.
Wasiir Warfaafinta dowladda KMG ah, Madoobe Nuunoow Max'ed oo ka mid ah xubnaha wafdigaan ayaa saxaafiyiinta kula hadlay garoonka Muqdisho ka hor inta uusan ka duulin, isagoona rajo ka muujiyay in khilaafkaasi lagu dhameyn doono wada hadalo.
Dhowaan ayay aheyd markii magaalada Kismaayo ay gacan ku heynteeda ay la wareegeen kooxo maleeshiyo beeleedyo ah oo dagaalo xoogan la galay ciidamadii dowladda KMG ah, iyadoo maleeshiyada la wareegtay halkaasi ay ka mid ahaayeen ciidamada guutada 3aad ee dowladda.
Click here to find shabelle news in english
Shabelle Media Network Somalia

