ARDAYDII U HORAYSAY EE KA QALINJABISA JAAMACADA BURCO.
Wasiirka k/xigeenka W/waxbarshada Somaliland Ismaaciil Muxumed Madar ayaa Maanta shahaadooyin gudoonsiiyay 26Arday oo haween ah oo ka qalin jabiyay Jaamacada
Burco,kuwaasoo dhamaystay qaybta Tababarka Macalimiinta.
Munaasibad balaadhan oo loo sameeyay gudoonsiinta shahaadooyinka Ardaydaa
qalinjabisay oo lagu qabtay.
Xarunta Jaamacada Burco ayaa Wasiir ku xigeenka Waxbarshadu ka cadeeyay in 26Arday ee dhamaysatay Qaybta Tababarka Macaliinta ay
qaadatay Wasaaradu oo ay ka midnoqondoonaan Maclimiinta Wasaarada Waxbarshada kana hawgalidoonaan dugsiyada.
Inj.Xuseen Maxamed Xandule oo ah Gudoomiyaha Jaamacada Burco oo ka hadlay
Munaasibadaas ayaa tilmaamay in ay Maanta ay goobjoogka yihiin Xafladan Madaxdii
Jaamacadaha Somaliland,Taasina ay muujinayso iskuxidhnaanta Bahda waxbarshadu
“Waxa maanta muuqanaysaa midaysnaanta waxbarshada.â€Ayuu yidhi Inj.Xandule.
Waxa Gudoomiyuhu ugu dambayntii kula dardaarmay ardaydii ka qalinjabisay
Jaamacada inay noqdaan kuwo u faaiideeya bulshada.
Gudoomiyaha Jaamcada Caamud Prof.Saleebaan Maxamuud Guuleed oo ka hadlay Xafladaa
Qalinjabinta ayaa sheegay in Jaamacadaheenu yihiin kuwo ka dhashay aragtida
shacbiga ee aanay ku iman aragti kale,Waxaanu intaas ku daray in Wadan aan la
ictiraafin,oo dhaqaale badan lahayn,hadana heerkan marayaa ay tahay wax lagu
faano.
Prof.Saleebaan oo la dardaarmaya ardayada qalinjabisay ayaa waxa uu yidhi “Shaqada
Macalinku waa mid dhib badan oo hadana lacag badan lahayn Balse waxa uu yeeshaa
Macalinku Saaxiib badan halka Siyaasigu ka yeesho Cadow badan.Ayuu yidhi.
Waxaanu ku gunaanaday hadalkiisii waxa kaliya oo hawshaa adag lagaga bixi karaa
waa dadaal badan oo la sameeyo,waxaanu amaanay horumarka wanaagsan ee degdega ah
ee ay ku talaabsatay Jaamacada Burco.
Axmed Jaambiir oo ka socday Jaamacada Hargaysa oo Munaasibadaa ka hadklay ayaa
sheegay in Oday wayn ayaa isagoo dardaarmaya Yidhi “Waar Caafimaad haysku
halaynina,Ana waxaan leeyahay Siyaasad haysku halayninaâ€.waxa uu intaas ku daray
in Sadex dheertahay Burco dalka kuwaas oo ah Maxamuud Aadan Dheri,Maxamed Xuseen
iyo Hadraawi.
Dr.Siciid Axmed Xasan oo ah Gudoomiyaha Jaamacada Golis ayaa si weyn uga hadlay
faaidada ay leedahay aqoontu ,tahayna waxa kaliya ee qofku isku halayn karo “Nin
faash sitaa ma waayo Xaabo,Nin Waxbarsho sitaana waxba ma waayoâ€Ayuu yidhi
Dr.Siciid.
Gudoomiyaha Gudiga Jaamacada Burco Maxamuud Aadan Dheri ayaa isaguna goobtaa ka
xusay in Jaamacadaha Caamud iyo Hargaysi ay gacan weyn siiyeen Jaamacada Burco
kuwaasoo naga horeeyay,anaguna aanu gacansiinay Jaamacada Golis oo aanu ka
horaynay.
Waxa Maxamuud Munaasibadaas Shahaadooyin ka gudoonsiiyay Shirkada Dahabshiil oo
uu sheegay inay lacagtii u horaysay ee ay ku bilaabeen siiyeen,sanadwalbana
siiyaan Lacag,Wasirka waxbarashada Somaliland Md.Xasan gadhweyne,Candlelight,iyo
Wsaarda H/Reermiyiga ee Burco.
Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame(Hadraawi) ayaa isaguna tilamaamay in Maclinka
looga baahan yahay inuu ku sifoobo mid ka madaxbanaan Tusaalooyinka Xunxun oo
dhan Waayo “Waa Muraayadii ardaydu isku daawanaysayâ€Ayuu yidhi.
Maxamed Aadan Waraabe oo ah Madaxa qaybta Tababarka Macalimiinta ayaa faahfaahin
ka bixiyay in ay qaybtoodu tahay mid soosaarta Mcalimiin wax ka dhigata Dugsiyada
Dhexe iyo kuwa sareba,Islamarkaana ay gacan ka siiyeen Hayadaha SCF/UK iyo
Candlelight.waxaanu intaas ku daray in cida qaybtan Maclimiinta dhigtaa ay yihiin
haween kuwaasoo loogu talagalay in mudo laba sano ah qaataan waxbarshada ka dibna
la siiyo Shahaadada Diploma.
Sidoo kale Caasha Cali qabiile oo u hadashay Ardaydii qalin jabisay ayaa si weyn
ugu mahadnaqday Macalimiinta iyo Maamulka Jaamacada,Iyadoo sheegtay inay
rajaynayso inay noqdaan kuwo buuxindoona kaalintii Haweenku ku lahaayeen
Waxbarshada.
Waxa iyana Munaasibadaa ka hadlay Hinda Maxamed Jaamac oo ka mida Maamulka
Jaamacada,Gudoomiyha Gobolka,Gudoomiyaha Waxbarshada Gobolka,Boobe Yuusuf Ducaale
iyo Xubno kale oo badan.
Munaasibadan ayaa ahayd mid kulmisay Martisharaf badan oo ka kala yimi Gobolada
Dalka islamarkaa ay ka muuqatayin Siweyn loo soo agaasimay.
Kayse Axmed Digaale
TogdheerNews
Kdigale@yahoo.com
Burco.
ARDAYDII U HORAYSAY EE KA QALINJABISA JAAMACADA BURCO.
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- Babygal
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 3566
- Joined: Wed Oct 15, 2003 7:00 pm
- Location: Aapsao Alaga dUr for sure...
Re: ARDAYDII U HORAYSAY EE KA QALINJABISA JAAMACADA BURCO.
chup ke chut hai Padma.....

- Samatr
- SomaliNet Super

- Posts: 14767
- Joined: Fri Feb 11, 2005 4:56 am
- Location: Somewhere only we know :P
Re: ARDAYDII U HORAYSAY EE KA QALINJABISA JAAMACADA BURCO.
Xabiib such harsh words, whats going on with you?
- Babygal
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 3566
- Joined: Wed Oct 15, 2003 7:00 pm
- Location: Aapsao Alaga dUr for sure...
Re: ARDAYDII U HORAYSAY EE KA QALINJABISA JAAMACADA BURCO.
you failed to teach me well you mean person... 
- Samatr
- SomaliNet Super

- Posts: 14767
- Joined: Fri Feb 11, 2005 4:56 am
- Location: Somewhere only we know :P
Re: ARDAYDII U HORAYSAY EE KA QALINJABISA JAAMACADA BURCO.
Hey you dropped out, we can still work it out
but you have to be serious!!!!!!!!
but you have to be serious!!!!!!!!
- Samatr
- SomaliNet Super

- Posts: 14767
- Joined: Fri Feb 11, 2005 4:56 am
- Location: Somewhere only we know :P
Re: ARDAYDII U HORAYSAY EE KA QALINJABISA JAAMACADA BURCO.
Don't be a bad example yareey.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 3 Replies
- 1525 Views
-
Last post by AYUUB Isaaq
-
- 0 Replies
- 839 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 1 Replies
- 623 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 4 Replies
- 17787 Views
-
Last post by Turbulence
-
- 0 Replies
- 234 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 6 Replies
- 947 Views
-
Last post by mahoka
-
- 2 Replies
- 1102 Views
-
Last post by Kalashnikov
-
- 0 Replies
- 16944 Views
-
Last post by caateye2121
-
- 0 Replies
- 17541 Views
-
Last post by C_sharaf
-
- 1 Replies
- 544 Views
-
Last post by Siciid85