M/Dheere: "Cabdullaahi yuusuf waa daarood odey oo ciyaal suuq ah"


Ra'isul-wasaare Geeddi, oo u magacaabay Md. Maxamed Dheere inuu noqdo Guddoomiyaha Gobalka Banadir, ahna Duqa Magaalladda Muqdishu
Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 28/04/07
Ra'isul-wasaaraha DFKMGS, Prof. Cali Maxamed Geeddi, ayaa ku dhawaaqay Wareegto lagu magacaabay Md. Maxamed Cumar Xbaeeb "Maxamed Dheere" inuu noqdo Guddoomiyaha Gobalka bnaadir, ahna Duqa Magaalladda Muqdishu.
Wareegtadaasi oo uu ku saxiixnaa Madaxweynaha DFKMGS, Md. C/llaahi Yuusuf Axmed, ayaa lagu sheeciyey in Maxamed Dheere loo magacaabay Xilkaasi, isagoo beddelay Guddoomiyihii hore ee Gobalka Banaadir ahaana Duqa Magaalladda Muqdishu, Md. Maxamuud Xasan Cali Gaabow "Cadde Gaabow".
Md. Cadde Gabaow, oo u waramayey Idaacadda iyo Telefishinka Somaliweyn, ayaa sheegay inuusan waxba ka qabin Xilka laga qaaday, wuxuuna u hambalyeeyey Guddoomiyaha Cusub ee Gobalka Banaadir.
Magacaabista Mxaamed Dheere, ayaa ah markii Labaad ee Xilkaasi loo magacaabo, iyadoo ay Dowladdii Sal-ballaar ee Marxuum Jeneral Caydiid uu ku magacownaa isla Xilka uu Madaxweynaha DFKMGS uu maanta u magacabaay.
Somaliweyn Media Center/SMC