Page 1 of 1

BREAKING NEWS XABASHI SOLDIERS GOING TO KISMAYO

Posted: Thu May 03, 2007 7:15 am
by Hiiraan boy
weak dhabadhilifs cant attack alone

Wafdigii Dowladda oOo Rajo La'aan Ka Dhoofay Kismaayo Kana Badbaaday Qarax Lala Maaganaa Iyo Sargaal Itoobiyaan Oo Sheegay Inay Ciidamo U Dirayaan Kismaayo
May 03,2007
by Kismaayo-GEDO-NN
Wafdigii ka socday dawlada KMG ah iyo itoobiya ayaa ka ambabaxay maanta magaalada kismayo iyagoon ku guulaysan dhex dhexaadintii ay u yimaadeen kismaayo ee xalinta dagaalkii 23kii april oo in kabadan 32 qofi ay ku geeriyootay.

Wafdiga ayaa waxaa uu sii raacay diyaarada Djabuti oo 25kii bishaan keentay Kismaayo, waxaana ka haray 4 xubnood oo isugu jira xildhibaano iyo saraakiil Ciidan. Wasiirka warfaafinta soomaaliya Madoobe Nuunow ayaa sheegay in wajiga hore ee wadahadalada ay guul ka gaareen islamarkaana ay xubnaha haray sii wadi doonaan wada xaajoodka labada dhinac ee isku haya Kismaayo.

wasiirka oo ka hadlayay sida uu arko ka maqnaanshaha gudoomiyaha degmada iyo kana gobolka ee Kismaayo xilli ay shaqaynayaan garoonka diyaaradaha, dekada, saldhiga booliiska, maxkamada iyo xarunta maamulka degmada ayaa waxaa uu sheegay in hawlahaan ay yihiin kuwa qaran ayna sii socon doonaan iyadoo xubnaha maqan ay dhawaan soo gali doonaan.

Xalay saqdii dhexe koox aan la garanayn ayaa miino galisay wadada geeskeeda meel u dhaxaysa garonka diyaaradaha iyo magaalada, waxaana bammkii uu ku qarxay nin ka mid ahaa ragii dhigayay bamka oo saaka dad badani ay u daawsho tageen waxaa la arkayay hilibkiisi oo geedaha saraan. Lama oga waxa loola jeeday iyo cidda ka dambaysay laakiin waxaa ay qayb ka tahay xaalada kacsan ee ka jirta Kismaayo.

Jaamaludiin Mustafa oo hogaaminayay wafdiga dowladda Itoobiya ee Kismaayo yimid ayaa u sheegya Gedonet waxyar ka hor intii uusan duulin in ay keenayaan Ciidamo Itoobiyaan ah oo kala dhxe galay waxa uu ugu yeeray ciidankii dawlada oo dagaalamay.

N D F-GEDO-NN-Kismaayo