HADALKII ETHIOPIA MAXAY SOMALILAND UGA AMUSTAY?

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
fagash_killer
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13942
Joined: Wed Dec 29, 2004 3:28 pm
Location: And You Can Run For ya Back-up But Them Machine Gun Shells Gone Tear Ya back Up

HADALKII ETHIOPIA MAXAY SOMALILAND UGA AMUSTAY?

Post by fagash_killer »

Hadalkii Ethopia Maxay Somaliland
Geelle Gaaxnug — Hargeysa/Somaliland — 3 May, 2007
--------------------------------------------------------------------------------

Hadalkii Ethopia Maxay Dawladda Somaliland uga aamustay Mise Xadhko Hoose aya

Hadalkii Ethopia Maxay dawladda Somaliland uga aamustay Mise Xadhko hoose ayaa jira!

Waxaynu maqalay gundhigii hadalkii afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Ethopia ku cadeeyay dawlada Embigati iyo dawlada Somaliland weji ka weji u wada hadli doonaan, weliba Ethopia ku talo jirto Abdillahi Yusuf inay keento caasimada dalka Somaliland.

Tani oo ka tarjumaysa laba qodob.Ta hore oo tilmaamaysa dawlada Ethopia inay ku socoto istraajiyad ay meel ku tiirisay kuna wajahan dalkii laysku odhan jiray Somaliya, cidna aanay ka talo gelin. Ta labaad oo Ethopia ku iftiimisay warbixinteeda inaanay ogolayn madaxbanaanida Somaliland kuna qasbantahay wada hadal ay la gasho dawladda Embigati.

Hadaba waxa aan aad isugu dhibay idaacadaha, saxaafadaha ka soo baxa dalalka bariga Afrika dhegaysto ama akhristo, waxan aad u xiisaynaayay inaan mar uun maqlo ama akhristo aragtida Dawlada Somaliland ka qabto hadalka ka soo yeedhay dawladda Ethopia. Waxase ayaan darro igu noqotay ta keliya ee aan indhaha ku dhuftay inay noqoto aragtida xisbiyada mucaaridka ah gaar ahaan jawaabtii arrinkaa uu ka bixiyay gudoomiyaha xisbiga UCID Eng.Faysal.

Dadka badidiisu waxay rumaysanyihiin hadii arrin laga aamuso macnaheedu waxa uu yahay haa, ama waa la raacsanyahay.Hadaba ma odhan karnaa aamusnaanta dawladda Somaliland waxay tilmaamaysaa hadalka Ethopia ka soo yeedhay inay ku raacsantahay. Waa arrin dawladda Somaliland looga fadhiyo inay jawaab ka bixiso.

Waxanse anigu canbaaraynayaa hadalka gurracan ee ka tarjumaya siyaasadda jujuubka ah ee Ethopia kula dhaqmayso dalka Somaliland. Waxan uga digayaa dawladda Ethopia inay isku daydo faro-gelin inay kula kacdo siyaasada dalka Somaliland. Waxan u soo jeedinayaa dawladda Ethopia inay dib

u raacdo taariikhda madax-banaanida Somaliland ee ku timi talada shacabka Somaliland, kuna iman talo dadka ku hadla afka Somaliga.

Ethopia ha jaleecdo dalalkii laysku odhan jiray UCCR, CHECKS, Yugslavia, hana deristo dalalka East Tamur iyo west Sahara. Kuwan dhamaantood oo aan ku iman wada hadal laba dhinac u dhaxeeya. Ethopia hays waydiiso Eriteria inay ka wada hadleen madax-banaanideeda.

Hilaaca ay dawladda Ethopia ka bixisay aayaha jiritaanka qaranka Somaliland waa siyaasad gurracan oo aan shacabka Somaliland sinaba u liqi karin.

Dawladda Somaliland iyana waxan leeyahay hadalkii Ethopia maxaad uga aamusteen mise xadhko hoose oo shacabka ka qarsoon ayaad la xidhateen Ethopia.

Geelle Gaaxnug


Hargeysa/Somaliland

gaaxnug@hotmail.com
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”