beesha saleebaan oo M/D Dheere 70 Gaari dagaal ku wareejisay
Posted: Sun May 06, 2007 2:14 am
beesha Habar Gidir oo M/D Dheere 70 Gaari dagaal ku wareejisay maanta
Sida aanu kasoo xiganay dad xog ogaalah Gudoomiyaha Maamulka gobolka Banaadir Max'ed Cumar Xabeeb Max'ed Dheere ayaa kulan wada tashi ah la sameeyay jilib kamid ah beesha Habar Gidir si loo gaaro xaqiijinta amaanka Muqdisho.
Max'ed Dheere ayaa kulan xasaasi ah la yeeshay masuuliyiin iyo odayaal dhaqameedyo kasoo jeeda beesha Xaaji Saleybaan isagoona kalahadlay qaabka laga yeelayo magaalada Muqdisho.
Wararka aanu heleyno ayaa sheegaya in Max'ed Dheere uu ku niyad qaboojiyay Odayaasha Saleybaan in maamulkiisu uu yahay mid ka shaqeyn doona danta dad ku dhaqan gobolka Banaadir.
Waxaana sidoo kale uu ka codsaday in ay ku biiriyaan maamulkiisa dagaaliyahankii beeshaasi ee dhawaan Muqdisho kula dagaalamay Ciidamada Ethiopian-ka iyo kuwa dowladadFS.
Odayaasha beesha Saleybaan ayaa la sheegay in 70 Dagaaliyahan iyo qoryahooda ay ku wareejiyeen Maamulka Max'ed Dheere kuwaasi oo intooda badan loo xilsaaray amaan heynta goobaha ay Muqdisho ka degto beeshaasi.
Odayaasha dhaqanka ee beesha Xaaji Saleybaan ayaa u ballan qaaday maamulka Max'ed Dheere in ay wada shaqeyn wacan la sameyn doonaan si maamulkiisu uu u noqdo mid meel mara.