Calanka Somaliland oo laga taagay qaybo kamid ah Gobolka Sool waa maxay sababtu?
Warkii 07-May-2007 iyo Qormadii: Axmed C/laahi Xirsi
Waxaa maalmihii lasoo dhaafay kasocday qaybo kamid ah Gobolka Sool dhaqdhaqaaq xoogan oo ay kawadaan maamulka Somaliland dhaqdhaqaaqaas ayaa hadaba waxaa loosoo adeegsaday dhalin udhalatay Gobolka Sool oo si wayn utaabacsan goosashada Somaliland.
Dhalintaas ayaa hadaba waxa ay sameeyeen in ay calamo iyo waraaqo ay ku muujinayaan taageeradooda waxa ay ku daadiyeen maalmihii lasoo dhaafay gudaha magaalada Laascaanood oo ay dadka shacabka ee degan magaaldu siwayn ulayaabeen ayna iswaydiiyeen waxa kalifay arintan iyo halka ay katimi.
Intaa kuma aysan joogin dhalintaa waday taageerada ay uhayaan maamulka Somaliland ee waxa ay bilaabeen in calalka Somaliland kataagaan meelo kamid Gobolka Sool sida Canjiid iyo waliba gudaha magaalada Laascaanood inkasta oo uusan usuuroobin in uu usii taagnaado calankoodu sababo la xidhiidha ciidanka Daraawiishta Puntland oo ka dajiyay goobahaas dhamaantood.
Saaka ayay ahayd markii ay kataageen gudaha magaalada Laascaanood calalka Somaliland oo ay dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaaluda siwayn uga xanaajisay iyadoo dadku ay iswaydiinayaan waa maxay sababta dhabta ah ee kadanbaysa in hadda laga taago calalka Somaliland qaybo kamid ah Gobolka Sool.
Sababta dhabta ah ayaa ilaa hadda si dhab ah usoo shaac bixin iyada oo dadka qaarkii ku macnaynayaan dhalin iska seeflabooda oo muujinaya taageerada ay uqabaan Somaliland halka dadka qaarkiina lee yihiin waa siyaasad xidhiidhsan oo hadda uun la arkay muuqeeda oo ku dhex jirta shacbwaynaha Gobolka.
Si kastaba ha ahaatee maamulka Somaliland ayaa wada olole ka dhan ah maamulka Puntland oo ay ka dhaxayso colaad dhuleed oo aan marnaba labada maamul damcin in lasoo afjaro colaadaas oo dadka qaarkii ku macneeyeen riwaayad loo dhigo Bulshawaynta SSC ee Darawaasheed.
Axmed C/laahi Xirsi
Binow1@hotmail.com
info@afnugaal.com
BREAKING NEWS somaliland flag waves in sool laascanod
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- Hiiraan boy
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 4756
- Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
- Location: California
Re: BREAKING NEWS somaliland flag waves in sool laascanod
A revenge for the Somali Flag in Burao?
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 18 Replies
- 992 Views
-
Last post by Yoousef
-
- 15 Replies
- 1396 Views
-
Last post by kambuli
-
- 0 Replies
- 206 Views
-
Last post by SunFromNorth
-
- 12 Replies
- 1074 Views
-
Last post by Rabshoole
-
- 0 Replies
- 11 Views
-
Last post by AhlulbaytSoldier
-
- 0 Replies
- 386 Views
-
Last post by AhlulbaytSoldier
-
- 8 Replies
- 1204 Views
-
Last post by original dervish
-
- 25 Replies
- 2666 Views
-
Last post by DonCorleone