Wasiirka Arrimaha Dibadda Oo Jawaab Ka Bixiyey Hadalkii Cali Maxamed Geeddi
Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 27 December, 2006
--------------------------------------------------------------------------------
Hargeysa (Somaliland.org) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, mudane Cabdillaahi Maxamed Ducaale ayaa jawaab ka bixiyey hadal ka soo yeedhay Ra’iisul Wasaaraha Dowladda TFG, Cali Maxamed Geeddi, kaas oo waraysi uu siiyey BBC-da ku sheegay in Somaliland ay ka mid tahay Soomaaliya, isla markaana awaamiirta dowladdiisu ay saamaynayaan.
Cali Maxamed Geeddi waraysigiisa oo maanta la dhegeystey, waxa uu ka hadlayey goÂ’aanka dowladdiisa Baydhaba ay ku xidhay xuduudaha dhuleed, cireed iyo badeed ee Soomaaliya, kaas oo uu sheegay in Somaliland ay ka mid tahay dhulka uu saamaynayo.
“Waxa fajiciso iyo amankaag ah in maamulkaas dhawaaqiisu yahay mid riyo ah, kuna salaysan dhalanteed ka fog xaqiiqada, ” sidaa waxa yidhi warsaxaafadeed uu caawa Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland.
“Sideedaba Somaliland iyada ayaa ka masuul ah ammaanka, maamulka iyo maaraynta dalkeeda guud ahaan, iyada oo aan cidna uga qaadanayn fasax talada dalkeeda, ” ayuu raaciyey.
Warsaxaafadeedku waxa uu intaas ku daray in hadalka Cali Maxamed Geeddi uu dadka reer Somaliland ku soo kicinayo ladhka nabarro hore oo ay isilowsiinayaan, iyaga oo ka raacanaya dantooda.
“Faranfardaynta degdegga ah ayaa Jamhuuriyadda Somaliland uga digeysaa duqaas isaga ah, ” ayuu yidhi Warsaxaafadeedku, waxana uu intaas ku daray in waxa keliya ee dhexmari kara dowladda Soomaaliya iyo Somaliland ay tahay derisnimo wanaag.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, warsaxaafadeedkiisa waxa uu uga digey Shirkadaha leh gaadiidka Cirka iyo Badda ee ka goosha Somaliland inay u hoggaansamaan ama ay u dheganuglaadaan awaamiirta Cali Maxamed Geeddi, isaga oo sheegay in shirkadda u hoggaansata amarkaas ay xukuumadda Somaliland kala noqon doonto ruqsadda.
Digniintani waxa kale oo uu warsaxaafadeedku sheegay inay la wadaagaan shirkaddahaas hayÂ’adaha Qaramada Midoobey iyo kuwa Samafalka caalamiga ah.
Ra’iisul wasaaraha dowladda Soomaaliya ee Baydhaba, Cali Maxamed Geeddi oo ay waraysatay BBC-du ayaa mar la weydiiyey in amarka xidhitaanka xuduudaha Soomaaliya ay ku jiraan meelaha maamuladu ka jiraan, sida Somaliland iyo Puntland, waxa uu si jeesjees leh ugu jawaabey, “Laan laan iyo waxaasi ma jiraan ee Soomaaliya waa Soomaaliya…”.
Hadalkan ayaa waxa uu yimi iyada oo dowladda Itoobiya oo taageeraysa dowladda Cali Maxamed Geeddi ay ciidamadeedu ku khasbeen Maxaakiimta Islaamiga ah ee Soomaaliya oo ka talinayey Koonfurta Soomaaliya inay dib uga baxaan dhul badan oo ay hore u haysteen, isla markaana ay u gacangelisey dowladda Mr. Geeddi oo haysatey magaalada Baydhabo oo keliya.
Xukuumadda Somaliland ayaa iyadu si cad ula safnayd maamulka Baydhaba iyo dowladda Itoobiya duullaanka ay kaga soo horjeedaan Maxaakiimta Islaamiga ah.
Hadalkan ka soo yeedhay Cali Maxamed Geeddina ayaa muujinaya in maamulkiisu uu helay isku hallayn iyo cudud milateri oo uu ku muquunin karo cid kasta oo diidda maamulkiisa.
C/risaaq M. Dubbad, Hargeysa.
DUCAALE AYAA JAWAAB KA BIXIYEY HADAL KA SOO YEEDHAY GEEDDI
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- fagash_killer
- SomaliNet Super
- Posts: 13942
- Joined: Wed Dec 29, 2004 3:28 pm
- Location: And You Can Run For ya Back-up But Them Machine Gun Shells Gone Tear Ya back Up
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 407 Views
-
Last post by CoolPoisoninthisbijj
-
- 0 Replies
- 845 Views
-
Last post by Adan_1
-
- 27 Replies
- 3499 Views
-
Last post by AlpArsalan
-
- 0 Replies
- 589 Views
-
Last post by muftaax
-
- 0 Replies
- 418 Views
-
Last post by kaliil
-
- 12 Replies
- 664 Views
-
Last post by Goljano Lion
-
- 6 Replies
- 684 Views
-
Last post by mahoka
-
- 4 Replies
- 711 Views
-
Last post by mahoka
-
- 1 Replies
- 805 Views
-
Last post by KingWaslawi