Dumarka Soomaaliyeed Iyo Nolosha Qurbaha

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
HELWAA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19743
Joined: Mon Apr 17, 2006 9:51 am

Dumarka Soomaaliyeed Iyo Nolosha Qurbaha

Post by HELWAA »

Dumarka Soomaaliyeed Iyo Nolosha Qurbaha

Marka hore Mahad oo idil waxey u sugnaatay Allaah, Naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeeni ayey korkiisa ahaatay.

Sida aynu ka warqabno kadib bur burki ku dhacay Qaranki Soomaaliyeed, waxa dadka Soomaaliyeed soo wajahay dhibaatooyin aad iyo aad u tiro baddan, oo ay ugu weyntahay dhibaatooyinka lagala kulmay soo qixitaanki loo soo qaxay Qurbaha, gaar ahaan ( Europe, America, Australia iyo Carabaha). Dhibaatooyinkaas waxa ay si toos ah intooda baddan ay taabanayeen Dumarka Soomaaliyeed iyo caruuraha Soomaalida.

Run ahaanti waxa qurbaha u soo qaxay Dumar aad iyo aad u tiro baddan, oo qaarkood ay Raggooda la socdaan, qaarkood ay waalidkood la socdaan, qaarkood keligood ah ( Single ) iyo qaar caruurtooda wata, aanse ragoodu la socon. Dumarkaa faraha baddan ee qurbaha yimid waxey isugu jiraan kuwo isdabbiri kara, oo howlahooda iyaga keligood qabsada, kuwo uu raggooddii ay la socdaan, oo wax walba loo qabto, iyo kuwo aan isdabbiri karin, aan heysanna cid wax u qabata. Marka dhibaatada aan doonayo inaan maqaalkan uga hadlo waa dhibaatada heysata dumarka keliga ah ( Single mother ) ama ay la joogaan raggooda laakiin aanan ku heysan wax daryeel ah ama laga yaabee inuu (Full Time) Shaqeeyo, oo uusan waqtiba u heyn reerka.

Waxyaalaha aadka looga naxo ee heystaa dumaradaa waa markaad soo gasho xafiisyada, oo aad ku arkeyso hooyo keligeed ah oo jiideysa illaa iyo 3-4 caruur ah, oo aan luqada garaneyn, qolyaha xafiiska joogana ay ku oronayaan maanta turjubaan kuuma heli karno ee maalin hebla soo noqo, iyadoo marka iska calaacaleysa oo oroneysa ma heysto cid aan caruurti uga soo tago, soo kaxeyntooda waa igu dhib ee please maanta haley qabto danteyda. Nasiib darro waxa dhici karto inaan dareenkeeda la fahmin, in ay nasiib qof Soomaali ah oo luqada ku dhaama ay aragto mooyee. Waxa kaloo taas ka sii daran mararka qaar waxaad arkeysaa dumar ku jiidaya caruurtood Gaariga ciyaalka ( Push chair ) oo taagan halka Buska laga raaco. Sida caadiga ah Buska wuxuu qaadaa illaa iyo labo Gaari, marka waxaa dhaceysa in maalintaas oo dhan ay meesha taagan tahay oo uu bus walba ka tegayo. Sida aan maalin dhaweyd la kulmay, waxa aan imid meel Bus laga raaco oo magaaladeyda ah, waxa taagneyd gabar Soomaaliyeed, oo wadata ilmo yar oo ay ku jiideysay gaariga caruurta iyo mid kale oo ka yara roon. Shan daqiiqo kadib waxaa yimid Buski, oo waxaan rabay inay iga hormarto, dareewalki baa yiri maya wuu buuxaa halka loogu talagalay gaariga. Haddii la laabi lahaana waxey tiri waa nooca aan laabmeyn. Gabadhi wey iska calaalcashay oo waxey ii sheegtay inuu yahay buski 5aad ee ka tagaya. Buskana 15ki daqiiqoba mar buu soo marayaa. Waxey aheyd maalin uu roob daÂ’ayo, qaboow baddan uu jiro halka ay u socoto aad bey u fogtahay. Arimaha noocan oo kale waa wax maalin walba dhacaya.

Waxyaalaha kale ee aad looga naxo waxa ka mid ah, inaad maqleyso meel fog baan deganahay, oo cid nasoo booqato ma jrto wax muslin ah iyo Soomaaliba nooma dhawa. Qofka noocaas oo kale waxa dhici karto cidlo darted inuu isla hadlo.

Dhibaatooyinkaas aan soo sheegnay iyo kuwo kaloo fara baddanba waxaanu oran karnaa waxa eedeeda 1aad iska leh ragga u dhaxa dumaradan, oo ay dhici karto inay qaarkood habeenki oo dhan ay qayilayaan, maalintiina ay hurdaan. Sidoo kale waa suurto gal inuusan wax balwad ah laheyn laakiin uu maalin oo dhan fadhiyo golayaasha sheekada ( Fadhi Ku Dirir ) oo uu fiidkii guriga aadayo. Qofku hadduu shaqeeyo cudur daar buu yeelan karaa ama haddii uu arday yahay oo uu waxbaranayo, waayo wuxuu u maqan yahay waa Mustaqbalka reerka. Sidoo kale gabdhaha Soomaaliyeedna eeda waxbey ku leeyihiin, oo waxaad maqleysaa ninkeyga waa leygu diray, oo haddii aan sidan moodayo ma eryeen. Runti waa wax laga naxo hadalada qaar.

Waxa magaalooyinka Soomaalida ay degaan ka jira xafiisyo baddan oo u adeega danaha Bulshada, oo had iyo jeer looga khidmeeyo. Nasiib darro waxa dhici karta in gabadha Soomaaliyeed loo sheeko xumeeyay oo lagu yiri xafiiskaa wuxuu u adeegaa reer hebel, ee ha aadin ama lagu yiri Soomaalidu waxba ma yaqaanaan, ee waxaaga ha u geysan. Nasiibdarada jirta waa Soomaali baddan oo aan bulshada wax dheef ah kusoo kordhineyn haddana maalin walba u taagan inay dadka kala dilaan, oo ay isku diraan. Iyagoo abuuraya sheekooyin been ah, oo ay kaarka kaga gubayaan shaqsiga u heelan inuu u khidmeeyo dadkiisa.

Anigu waxaan talo ahaan kusoo jeedin lahaa arimahan:-

In dadka ay dhibtu heyso ay u tagaan Goobaha loogu adeegayo bulshada, oo ay joogaan dad walaalahooda ah oo luqadooda wax walba ugu qabanaya.

In Dumarka Hormuudka u ah ururada Dumarka ay had iyo jeer wacyi geliyaan dumarkan tabarta darran ee aan heysan cid u gargaarta.

In Dumarka ay dhexdooda isu axsaan sameeyaan, si ay dhexdooda wax isugu qabtaan. Ogow inta aad axsaan sameyso in laÂ’eg ayaad minallaah ka heleysaa. Waxaan ula jeedaa gabadha kale ee dhibkaaga oo kale qabta, markeeda carurrta ka hey, si ay adna berri kuugu heyso. Oo Booqashada dhexdiina ku badiya.

In Bulshadu ay iska qabtaan dadka had iyo jeer beenta iyo barobogaandada kula dhex wareegaya dadka, oo dadka kala dilaya.

In Dumarka Soomaaliyeed ay isku dayaan inay bartaan Waxbarashada Asaasiga ah ( Basic Skills Education ) oo ay ka faaÂ’ideystaan dumarada kale oo ay aqoontoodu sareyso ama ay la xiriiraan Communitiyada Soomaalida, ama College-yada Magaalada ku yaal.

In Ragga kuwooda shaqeeya, ay waxbaraan dumarkooda si ay gabadhu isu dabbirto xilliga ay keligeed tahay.

Ragga Qayila, ogaada aakhiro suÂ’aal baa danbeysa oo waa leydiin weydiin doonaa masÂ’uuliyadi reerka ee aad dayacdeen.

Kuwa fadhi ku dirirada ka sheekeeya, ogaada wax baddan reerkiina oo aad u khidmeysaan ayaa idinkaaga kheyr baddan sheekadan iyo siyaasadan aan meel lagu gaarayo jirin.

Gabdhaha Hormuudka u ah Ururada Dumarka, waxaan oran lahaa ha sameeyaan ( Out Reach Sessions ) oo ha booqdaan guryaha Dumarad dhibtu heyso, si ay u ogaadaan heerarka dhibaatooyinkooda. Xitaa komuunitiyada kale wey sameyn karaan arintan.

Waxaan qabaa haddii talooyinkaas iyo kuwo kaloo la mid ahba la qaato in wax baddan ay dhibaatooyinku u yaraanayaan. Ogow Qurbo noloshiisu wey dhib baddan tahay, oo ma joogno dhulkeeni ay ciidu noo hiilinaysay, oo hawadu ay wanaagsaneyd, darisku uu ahaa kuwo had iyo jeer iska warqaba. Marki aanu waddanka joognay dhibaatooyinkan ma muuqan oo bulshadu iyagaa isu gargaarayay midba midka kale.

Soomaliyeey aynu isu gargaarno, oo isu diir naxno, Aynu taageerno keena dhibtu heysato. Ogow haddii halkan dadka la siiyay dhaqaale ay noloshooda ku dabbiraan, laakiin waxyaalo kale oo fara baddan oo cid dabbiri karta aanay jirin ayaa maqan. Sida lagu dabbiri karaana waa bacda Allaah, inagoo isu gargaarna, gacmaha isqabsana, Axsaanka oo aynu dhexdeena ku badino iyo inagoo is booqana had iyo jeer.

Hadalkeygi waa iga intaas, wixi aan saxay waxey u sugnaatay Allaah, wixi aan khaldeyna waa nafteyda iyo sheydaan.

Wabillaahi Towfiiq

http://www.4somaliwomen.com

4 somali women.com
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”