yeah sure
cry the beloved state
Iskaashiga Naga Dhexeeya [Somaliland] Kuma Jirto Inaanu Qaran Madax Bannaan U Aqoonsano," Siyaasadda Itoobiya Ee Ku Wajahan Soomaaliya
Geeska Afrika — Hargeisa, Somaliland — 11 January, 2007
--------------------------------------------------------------------------------
Addis-Ababa (Geeska) – Dowladda Itoobiya oo hadda ciidamadeedu ay ku jiraan gudaha fog ee Soomaaliya, kadib markii iyagoo taageeraya dowladda KMG ah ee Cabdillaahi Yuusuf ay eryadeen Maxaakiimta Islaamiga ah ee gacanta ku hayey badiba Koonfurta Soomaaliya ayaa dhowaan sharraxaad dheeraad ah ka bixisay siyaasadeeda ku wajahan Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland, islamarkaana cadaysay in iskaashiga ay la leedahay Somaliland aanay ka mid aanay ku jirin inay u aqoonsato qaran Madaxbanaan sababo dhawr ah dartood....
Warqad ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, 29kii November 2006, ka hor intii aanay ciidamadeedu weerarin Soomaaliya, ayaa dowladda Itoobiya ku qeexday siyaasadeeda Soomaaliya, taas oo ay faahfaahin kaga bixisay danaha iyo ujeeddooyinka Itoobiya ka leedahay Soomaaliya ee dhinacyada dhaqaalaha, Siyaasadda iyo Nabadgelyada, iyada oo isku deyeysa inay mugdiga ka saarto shakiga iyo dareenka dunida iyo Soomaali badaniba ka qabto siyaasadda Itoobiya iyo faragelinteeda.
Itoobiya waxay sheegtay in xidhiidhka Soomaaliya iyo Itoobiya aanu ahayn mid caafimaadqaba ilaa bilowgii, waxayna xustay in dagaalo – dagaal weyn iyo mid yar – ay dhexmareen labada dal, kuwaas oo salka ku hayey fikraddii “Soomaaliweynta” [Shanta Soomaaliyeed] ee Soomaaliya.
Waxay sheegtay Itoobiya in fikraddaas “Soomaaliweyn” oo ay ku tilmaantay “Riyadii Madhnayd” ay baaba’day, meeshana ka baxday, kadib markii Soomaalida Itoobiya ay doorteen inay xorriyad, sinnaan iyo dimoqraadiyad kula noolaadaan dadyowga Itoobiya. Waxa kale oo ay tilmaantay in fikraddaasi si buuxda meesha uga baxday, kadib inkabadan 10 sanadood oo Soomaaliya dowlad la’aan tahay.
Hase yeeshee, waxay sheegtay in burburka iyo dowlad laÂ’aanta Soomaaliya lafteedu ay Itoobiya ku tahay khatar isa-soo taraysa, iyada oo xustay inay sababtay in Soomaaliya ay u gacangasho kooxo xagjir ah iyo argagixiso, waxa kale oo ay noqotay wadda-halaq oo ay soo maraan kuwa doonaya inay khatar geliyaan Itoobiya.
Marka taas laga yimaaddo, Itoobiya waxay warqadda kaga hadashay muhiimadda xidhiidhka Soomaaliya iyo danaha dhinaca dhaqaalaha iyo horumarinta ee ay labada dal wadaagi karaan. Waxayna caddaysay in Itoobiya iyo Soomaaliya midba uu hayo wax uu ka kale u baahan yahay – Biyaha Webiga iyo Badda.
“Marka la eego khayraadka dabiiciga ah, ” ayay tidhi, “Dhammaan webiyada waaweyn ee Soomaaliya waxay ka yimaaddaan Itoobiya”.
Iyadoo arrintan ka sii hadlaysa waxay sheegtay in qorshaha waraabka beeraha ee Soomaaliya oo ay ku tiirsan yihiin dad badani uu yahay mid aad u liita. Isla markaana marka Itoobiya sii kordhiso horumarkeeda, ay lagama maarmaan noqonayso in Itoobiya xidhato biyaha webiyada, iyadoo u xidhanaysa waraabka beeraheeda.
“Xidhidda ama xadididda Biyaha webiga ee Itoobiya waxay Soomaaliya ka caawinaysaa inay ka celiso fatahaadaha, waxayna noqonaysaa arrin waxtar leh, ” ayay tidhi. Waxayna raacisay iyada oo tilmaamaysa waxyaabaha ka iman kara taas, “Laakiin, dhinaca kale, waxaa ka dhalan kara [xidhista webiyada] khilaaf ama isku dhac yar, laakiin, mushkiladdaas waxa lagaga hortegi karaa mabda’a “Wax Is-weydaarsiga” (Give and Take), iyadoo la tixgelinayo danaha labada dal”.
Marka sida warqaddu qortay in dowladda Itoobiya ay leedahay dhulka ay ka yimaaddaan biyaha webiyada, taasna Soomaaliya ay u baahan tahay, iyada oo ka hadlaysa waxa Soomaaliya hayso ee Itoobiya hayso, waxa ay sheegtay in Soomaaliya aanay door taban iyo mid togan toonna ku lahayn horumarinta Itoobiya. Waxayna raacisay, “Iyadoo ay sidaas tahay ayaa Soomaaliya waxay leedahay dekedo door ah, kuwaas oo Itoobiya ay isticmaali karto ama siin kara adeeg dekedeed. Laga bilaabi Zaylac oo dekeddeeda Itoobiya isticmaali jirtey taariikh hore oo dheer, ilaa Kismaayo waxaa ku yaalla wax aan ka yarayn 7 dekedood oo Soomaaliya ah, kuwaas oo aanu ka isticmaali karno waddankayga qaybihiisa kala duwan”.
Dhinaca xaaladda Siyaasadeed ee wakhtigan ka jirta Soomaaliya iyo xidhiidhka mustaqbalka oo ay aad ugu dheeraatay warqadda ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, waxay sheegtay in nabad iyo xasilooni ka dhalata Soomaaliya ay dani ugu jirto Itoobiya, waxayna sheegtay in nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya ay iman karto marka Soomaaliya ay ka dhalato dowlad la dagaalanta qalalaasaha, argagixisada iyo xagjirnimada, iyada oo ay iskaashanayaan dowladaha deriska ah.
Iyada oo taas sii sharraxaysa, Itoobiya waxay meesha ka saaraysaa dareemada iyo dardaarwerinta ku xeeran ee ah in dowlad noocaas ah oo laga dhiso Soomaaliya ay soo noolayn karto fikraddii “Soomaaliweyn”, isla markaana nabadda, dimoqraadiyadda iyo horumarka Soomaaliya aanu dan u ahayn Itoobiya. Waxana ay tidhi, “Aragtidani waa mid aasaasiyan khaldan oo khatar ah”.
“Si ka duwan fikraddaas, ” ayay tidhi Itoobiya, “Haddii nabad iyo dimoqraadiyadi ka dhalato Soomaaliya, waxaanu fursad u heli doonaa inaanu si baaxadleh oo joogto ah u isticmaalo Dekedaha Soomaaliya”.
Waxa kale oo ay sheegtay inay fursado taas la mid ah u heli doonaan inay iska isgaashaanbuuraystaan dowladda cusub la dagaalanka wixii nabadda Itoobiya wax u dhimaya ee ka imanaya Soomaaliya, inay labada dal ka wada shaqeeyaan qorshayaal lagu horumarinayo isticmaalka biyaha webiyada iyo inay iskaashi ka sameeyaan dhinaca waxbarashada, dhaqanka iyo arrimaha la xidhiidha.
Warqaddu waxay kale oo soo qaadday arrinta Somaliland iyo sida uu suurtagal u yahay aqoonsi ay Itoobiya aqoonsato goonni-isu-taagga Somaliland.
Iyada oo ka hadlaysa xaaladda hadda ka taagan Soomaaliya, waxay sheegtay danahaa ay ka leedahay darteed, in Itoobiya aanay marna dhigayn rajada ah in nabad iyo dimoqraadiyadi ka hirgasho Soomaaliya. Isla markaana Itoobiya aanay ku joogeyn keliya dedaalka caalamiga ah ee nabad iyo dimoqraadiyad in laga dhaliyo Soomaaliya, balse, waxa kale oo ay isku deyeysaa inay wax ka qabato qaska iyo qalalaasaha Soomaaliya laftiisa.
Sidaa darteed, waxay sheegtay in haddii uu sii socdo qaska iyo qalalaasaha Soomaaliya, Itoobiya ay qaadayso tallaabooyin ay ku yaraynayso khatarta kaga imanaysa Soomaaliya. Waxayna warqaddu xustay saddex arrimood oo ay ugu horrayso inay caawiso, isla markaana iskaashi la samayso meelaha nabadgelyada iyo maamuladu ka jiraan ee Soomaaliya – Somaliland iyo Puntland.
“Ta koowaad, waxaanu isku deyaynaa inaanu caawino gobolada xasiloonidu ka jirto ee aanay gabboodsan kuwa xag-jirka iyo argagixisadu, si loo sii ambaqaado oo weliba loo xoojiyo xasiloonida ka jirta, ” ayay tidhi warqadda Mawqifka Itoobiya. Iyadoo taas sii faahfaahinaysana waxay raacisay, “Kuwaas [goboladaas] la magacaabi karaa waa gobolada loo yaqaano Somaliland iyo Puntland. Dedaalkan lagu xadidayo khatarta iyo khasaaraha, lagana caawinayo goboladaas inay sii wadaan xasiloonidooda, haddii ay lagama maarmaan noqoto in xidhiidhka lagu sii xoojiyo dhinacyo kale sida ganacsiga, gaadiidka iyo wixii kale ee khuseeya danaha dalkayaga iyo dadka deggan gobolka”.
Iyada oo iftiiminaysa warqaddu in tani ay keeni karto in Itoobiya aqoonsato Somaliland, waxay tidhi, “Su’aal ayaa ka dhalan karta, taas oo ah in Somaliland loo aqoonsado dal madax bannaan. Tan inay horseeddo ama hoggaan-qaaddo ma aha wax ay doorbidayso Itoobiya, sababtoo ah waxay abuuraysaa dareen aan qumanayn inay Soomaalida inteeda kale ka bixiso iyo dar kale oo iyaguna shaki ka muujin doona ujeedadayada. Sidaa darteed, iskaashiga aanu la leenahay goboladaas [Somaliland iyo Puntland] kuma jirto inaanu maamul-goboleedyadaas u aqoonsano dal madax bannaan. Laakiin, waxaanu sii wadaynaa inaanu ka caawino goboladaas inay sii wadaan nabadda iyo xasiloonida, taas oo faa’iido noo ah annaga, dadka dhulkaas ku noolna waxtar u ah”.
Dhinaca Soomaaliya waxay sheegtay Itoobiya in laba arrimood ay u bannaan tahay, kuwaas oo ah inay u feejignaadaan ammaankooda iyo inay caalamka iyo Soomaalidaba ku qanciyaan inay la fahmaan khatarta ka soo ifbaxday Soomaaliya, kadibna ay tallaabo ka qaadan ay ku badbaadinayaan qaranimada Itoobiya.
Source: Wargeyska Geeska Afrika.