DF oo laga taageray Sh/Hoose
12 Jan 12, 2007, 14:46
Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Barre Aadan Shire (Hiiraale) ayaa maanta kulan ka dhacay deegaanka Shalaambood ee gobolka Sh/Hoose waxaa uu kula kulmay maamulka gobolkaasi iyagoo ka wada hadlay sidii maamulka gobolka ugu qeyb qaadan lahaa nabad kusoo dabaalida dalka Soomaaliya iyo sidii hubka loogu wareejin lahaa dowladda Federaalka KMG ah.
Col. Barre Hiiraale oo shir guddoominayey oo labo maalmood kahor soo gaaray gobolka Sh.Hoose ayaa waxaa uu ka dalbaday maamulka gobolka in hubkooda ay ku wareejiyaan dowladda Federaalka iyadooo ay geynayaan ciidamada gobolka iyo tiknikada goobaha loo cayimay in la geeyo hubka.
Bare Hiiraale ayaa ka codsaday shacabka gobolkaas in ay taageeraan dowladda isla markaana ka shaqeeyaan xasilooni kusoo dabaalida dalka, isagoo amar ku bixiyay in loo hoggaansamo awaamiirta dowladda Federaalka KMG ah.
Maamulka gobolka Sh.Hoose ayaa soo dhoweeyay codsiga Bare Hiiraale iyagoo si weyn u taageeray dowladda Federaalka, Cali Bariire oo u hadlayey maamulka gobolkaasi ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in hubkooda ay ku wareejiyaan dowladda.
Barre Hiiraale ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu soo gaaro magaalada Muqdisho oo ku sugan Madaxweynaha dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed.
Cali Muxiyaddiin Cali, GO

