Shariif Xasan “Maanta maalin ka xun ma soo marin soomaalia

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
Lacageylacag
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2123
Joined: Wed Aug 27, 2003 7:00 pm
Location: sharia enforcement agency, Tawheed controlled zone.

Shariif Xasan “Maanta maalin ka xun ma soo marin soomaalia

Post by Lacageylacag »

Guddoomiyaha Baarlamaanka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Axaddii booqasho gaaban ku yimid magaalada Brussels ee dalka Belgium, si uu ula kulmo madaxda Midowga Yurub. Waxaa wafdiga ka mid ahaa Dr Caasha Xaaji Cilmi Aamin iyo Prof Cabdiraxmaan Ibbi. Kaddib markii ay kulamadaasi u dhammaadeen ayaa Maxamed Xaaji (Ingiriis) waxa uu Guddoomiyaha Baarlamaanka la yeeshay wareysigan.

Maxamed Xaaji (Ingiriis) iyo Caasho Xaaji

S. Guddoomiye, muxuu ku saabsanaa safarka aad ku timid halkan?

J. Safarkeygu wuxuu ku saabsanaa inaan arko European Commission, gaar ahaan Lois Michel, una sharraxo xaaladda Soomaaliya sida ay tahay iyo sida xalku noqon karo iyo sida Soomaali ku heshiin karto. Waxaan is dhaafsannay wixii raÂ’yi ah, wuuna nala gartay in Soomaalidu u baahan tahay wada hadal. Lois Michel wuxuu ahaa ninkii ugu horreeyey ee masÂ’uul heer caalami ah ee raadinayey hab laysugu keeno Maxkamadaha iyo dowladda federaalka oo Muqdisho iyo Baydhabo tagay. Wixii dhacay hadda waa dheceen. Sidii ciidamada loo saari lahaa ayaan ku dhex jirnaa. Waan isla garannay wax badan, isku raÂ’yi ayaana ka noqonnay.



S. Maxay tahay, haddaba, rajadaada ku saabsan in xal siyaasadeed loo gaaro si dhaqso leh, si ciidammada Itoobiyaanka ee dalka ku jira ay uga baxaan?

J. Rajo weyn baan ka qabaa in ciidanka Itoobiyaanku ay baxaan oo la hirgeliyo qaraarkii Qaramada Midoobay ee 1775, lana keeno ciidan ka socda adduunka, lana furo dib u heshiisiin, Soomaalida qaybaheeda kala duwanna ay wada hadlaan. Anigu waxaan aaminsanahay inaan hab military waxba lagu gaari karin oo Soomaalidu heshiiso.



S. Laakiin, waxaa muuqata in dowladihii Africa ee ciidammada u soo diri lahaa Soomaaliya ay doodo ka keeneen inay soo diraan ciidan beddela kan Itoobiya.

J. Rajo weyn ayaan anigu ka qabaa inay soo diri doonaan. Caalamka oo dhan ayaa ku howlan in la helo ciidamo, Mareykanka ayaa xitaa daneynaya arrintaas oo ka fekeraya. Diyaar bey u yihiin Mareykanka, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub iyo Midowga Africa. Caalamka oo dhan ayaa ku baraarugsan in ciidanka Itoobiya ay baxaan oo la helo ciidan kale oo beddela. Sidaa darteed, waan rajeynaynaa inay ciidammada hadda jooga baxaan. Waxaan Kenya ku kulannay Jendayi Frazer (sarkaalka Mareykanka u qaabilsan Africa). Waxaan isla garannay in Soomaaliya aysan waxba ku gaari karin waxaan wada hadal ahayn. Waxaan u sharraxnay mowqifkeenna.



S. GoÂ’aanka ay dhawaan dowladda Kenya ku gaartay in xildhibaannadii adiga kugu fekerka ahaa ay ka saarto dalkeeda, qaarna qabqabato, maxaa keenay oo ku dhaliyey Kenya?

J. Dowladda Kenya waxay u fekertay in xildhibaannada ay waddankii aadaan. Si kasta oo ay tahay, anigu uma arki arrin sax ah. Xildhibaan kasta fekerkiisa ayuu ka hadlayaa, xaq ayuuna u leeyahay inuu ka hadlo. Waxaa iyaga u darnayd statement ay soo saareen xildhibaannada oo ku saabsanaa in ciidanka Ethiopia ay dalka ka baxaan oo aysan oggoleyn in Soomaaliya la haysto. Waxay xildhibaannadu naqdinayeen hadalkii Wasiirka Arrimaha Gudaha. Hadda arrimahaas dhib kama jiraan. Mar walba waa ku noqon karaan, wax kale oo dhibaato ah ma jiraan. Markaa oo keliya ayay rabeen in laga baxo Kenya.



S. Haddii aad Kenya ka soo tagteen, maxaa hadda qorshihiinnu yahay xildhibaannadiina u soo guuray Djibouti?

J. Annagu uma soo guurin Djibouti ee waxaan rabnay inaan Madaxweynaha Djibouti oo ah nin aad iyo aad ugu howlan dib u heshiisiinta Soomaaliya inaan talo iyo tusaale wax la gaarno. Dowladaha deriska oo dhan baan la hadlaynaa, sidii wanaag lagu gaari lahaa, dib u heshiisiintiina loo soo celin lahaa, dhibaatadana looga bixi lahaa.



S. Guddoomiye, maxaa ku sawiri kartaa xaaladda Soomaaliya ay maanta ku sugan tahay iyo haysashada Itoobiya ay haysato Soomaaliya?

J. Arrimaha Soomaaliya aad iyo aad bey meel qatar ah u marayaan. Waxay taagan yihiin meel qof walba oo Soomaaliya uu ka tiiraanyoodo. Dowladda Itoobiya oo aan deris nahay oo wax badan ay naga dhexeeyaan inay dalkii qabsato waxaan u arkaa mid nasiib darro ah. Maanta maalin ka xun ma soo marin Soomaaliya.



S. Waxaad horey ugu baaqday in ciidanka Itoobiya ee xoogga ku galay Soomaaliya laga dhaadhiciyo oo la isku dayo in xoog looga saaro dalka. Sidee taa u suura geli kartaa bey kula tahay?

J. Waxaan aniga ka codsaday Itoobiya inay naga baxaan. Haddey bixi waayaan kolley xoog lama huri doono. Ninna ma ogolaan karo inuu nin kale qabsado. Marka hore in wada hadal lagu fiiriyo ayaan ku baaqay, haddey bixi waayaanna waa ku qasban yihiin Soomaalidu inay xorriyaddooda u diriraan. Anigu ma oggolaan karo in Soomaaliya la qabsado.



S. Sidee u aragtaa Madaxweynaha KMG ah, Cabdullaahi Yuusuf iyo RaÂ’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi oo isu arka in ciidanka Itoobiya ay yihiin kuwo iyaga gacan siinaya?

J. Wallaahi iyagu sharciga kuma socdaan. Baarlamaanku ma ansixin in ciidamo Itoobiya la keeno dalka, Golaha Ammaankuna ma ansixin. Waxaan rabaa inay naga baxaan. Aniga iyo iyaga isku aragti kama nihin arrinta Soomaaliya, weligeenna isku aragti ma noqon. Iyagu waxay aaminsan yihiin in Soomaaliya lagu xukumi karo qori caaradiis, aniguna ma aaminsani.



S. Guddoomiye, Golaha Baarlamaanka aad madaxda u tahay wuxuu ansixiyey usbuucan sharciga xaaladda degdegga ah (Martial Law). Sharci sidan xasaasi u ah, ma ansixin lahayd adigu haddii aad shirguddoominayso kulanka Baarlamaanka?

J. Anigu ma ansixin lahayn marnaba. Xubnaha Baarlamaanka iyagaa ikhtiyaar leh, laakiin anigu waxaan u arkaa inuu qalad yahay sharcigaas. Martial Law wuu ka hor imaanayaa Distoorka. Dib u heshiisiin iyo Martial Law isku meel ma geli karaan, waxaana u arkaa arrin qalad ah oo hor istaagi doonta dib u heshiisiintii socotay, wax weynna u dhimi doonta.



S. Laakiin sidee macquul u noqon kartaa in qof xildhibaan ah oo ka tirsan Baarlamaanku uu u codeeyo ansixinta sharci suuragelin kara in qofkaas isaga laftiisa la xiro ama lala wareego hantidiisa?

J. Sida aniga ii muuqata, sidaan horeyba u sheegay, waxaan u arkaa inaysan dadku xor ahayn. Ma dhici karto in Baarlamaan Soomaali ah uu maanta ka hoos shaqeeyo Itoobiya oo wax dimoqraadiyad ah oo shacabka u roon uusan ka fekerin. Suuragal ma ahan inuu Baarlamaan sidaas ah ka shaqeyn karto danta Soomaaliya.



S. Maadaama aad xiriir dhow la lahayd Madaxdii Maxkamadaha Islaamiga ee la maquuniyey, xaggee baad is leedahay wey ku dambeeyaan?

J. Ma garan karo anigu meel ay ku dambeeyaan. Dagaallo ayaa dhacay, dadkiina way kala firxadeen. Dowlad dhan oo diyaaradaheeda iyo dabaabaadkeeda wadata ayaa soo beegsatay, laakiin waa fiicnayd in guushaas weyn ee ay gaareen la ilaaliyo. Soomaaliya waxaan rajeynayaa in Ilaaheey ka saaro dhibka, xalna u keeno, cadowgeedana uusan ka faaÂ’iideysan, Soomaaliduna heshiiso. Markeygii hore waxaan ku mashquulsanaa in dadka Soomaalida oo ah dad isku dad ah ay iyaga wax walba dhammeystaan. Wada hadalka intii karaankeyga ah waan ka shaqeeyey, waxna waa layla qaatay, waxna waa layga diiday dhinaca Maxkamadaha.



S. Waxaa maalmahaan la werinayey in qaar ka tirsan xildhibaannada Golaha Baarlamaanka ee taageera Cabdullaahi Yuusuf iyo Cali Geeddi ay doonayaan inay soo gudbiyaan motion ay xilka kaaga xayuubiyaan. Maxay kula tahay?

J. Waxaan anigu u arkaa arrin qeyru sharci ah. Waqti kursi laga hadlo uma jeedo hadda. Dad iyo dhul ayaa iga maqan xilligan. Wax weyn uma arko waxay wadaan. Iyaga laftirkooda waxaan u arkaa dad aan iqtiyaar lahayn.



S. Waxaan wada ognahay in dowladda Itoobiya ay muddo dheer gacmaha kula jirtay siyaasadda Soomaalida. Weli ma kula soo xiriireen oo ma ku weydiisteen inaad la shaqeyso?

J. Anigu waxba kama qabo in laba dowladood oo jaar ah oo saaxiib ah la noqdo, laakiin dowlad dowlad u talinaysa raalli kama noqonayo. Anigu deris wanaag ma diidani. Wax wada hadal ah oo goonideyda aniga iyo Itoobiyaanka na dhex maray ma jirto.



S. Maxaad ku dhihi lahayd dadka akhrisan doona wareysigaaga?

J. Soomaalida waxaan ku dhihi lahaa inay aad u tashadaan, isna tala-geliyaan oo ay wax walba ogaadaan. Gaar ahaan in mustabalkooda, sharaftooda iyo dadnimadooda sidii ay ku soo ceshan lahaayeen ay u guntadaan. Arrinta hadda dhacday inay u arkaan wax aad u xun, anigoo aaminsan inay aad iyo aad u dareensan yihiin, haddana in codkooda kor loo maqlo ayaan kula talinayaa.

W/D: Maxamed Xaaji Ingiriis

ingiriis@yahoo.com
User avatar
Sir-Luggoyo
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7827
Joined: Thu Feb 17, 2005 1:18 pm
Location: Baar Luga Baxsi

Post by Sir-Luggoyo »

I think it's high time for the Speaker to resign and exit the landfill Tigre Prostitute Group before it taints his integrity. So far he has managed to shine in the middle of a bunch of gloomy and greedy cluster, he successfully showed the world that he is not ready to compromise and sell his dignity, decorum and country, and history will engrave his name in the golden pages of the country.


He is a man among a bunch a hyenas
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”