A Latter of DUA to his excellency the President

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Somaliman%
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3787
Joined: Sat Mar 06, 2004 7:00 pm
Location: The hills. England,
Contact:

A Latter of DUA to his excellency the President

Post by Somaliman% »

Xiin this is the sign of a righteous person, read very carefully!


Warqad Furan: Ku socota Madaxweynaha Soomaaliya!


Posted to the Web Jan 17, 00:13


Waxaan ku bilaabayaa magaca Allaah!

Assalaamu Calaykum Wa Raxmatullaahi Wa Barakaatuhu!


Mudane Madaxweyne:


Anigoo ka mid ah shacabka Soomaaliyeed oo aad Madaxweynaha u tahay waxaan ugu horayntii Allaah ka baryayaa inuu isu keen sakhiro oo isu keen dumo. Adigana Allaah hakaa dhigo mid hogaanka si wanaagsan u qabta, annagana Allaah ha naga dhigo shacab wanaagsan oo waajibkooda guta. Allaah waxaan kaaga baryayaa inuu kor ahaaye kugu hago dariiqii Nabi Muxammad si aad khayr dhammaantii u heshaan adiga iyo shacabka aad madaxda u tahayba.

Waxaan warqadan furan kuugu soo gudbinayaa salaan, xusuusin, naseexo iyo duco. Arrimahaasi waxay ka mid yihiin xuquuqda aad igu leedahay oo diinta Islaamku i farayso. Waase markaad Allaah iyo Rasuulkiisa addeecdid ee Allaah ee Allaah haku waafajiyo.

Allaah waxaan kaaga baryayaa inuu xaqa kuugu sugu siduu kor ahaaye ugu sugay Abu Bakar Al-Sadiiq markuu geeriyooday Nabigu (CSS) kuguna guuleeyo inaad Soomaalida kala irdhowday si nabad ah isugu soo ururisid.

Allaah waxaan kaaga baryayaa inuu ku siiyo xikmadii Luqmaan si aad meel walba iyo mar walba talada ugu haboon sida ugu haboon iyo goorta ugu haboon u haleeshid.

Allaah waxaan kaaga baryayaa inuu ku siiyo cadaaladii laba Cumar (Cumar Bin Khataab iyo Cumar bin Cabdi Caziiz) si aad Soomaali cadaalad ugu maamushid.

Allaah waxaan kaaga baryayaa inuu ku siiyo qorsha wanaagii Nabi Yuusuf CSWS si aad Soomaali ugu dajisid qorsho ay u ayaan.

Allaah waxaan kaaga baryayaa inuu ku siiyo xishoodkii Cismaan Bin Cafaan si aad xumo oo dhan uga xishootid, xumaanaha waaweyn caddaal daradaa ka mid ah.

Allaah waxaan kaaga baryayaa inuu ku siiyo Cilmigii iyo Alla u noqosho badidii Nabi Ibraahim scws si aad shacabka soomaaliyeed ugu turtid adiguna dambi dhaaf u heshid.

Allaah waxaan kaaga baryayaa inuu ku siiyo samirkii Nabi Ayuub SCWS si aad dhibaatada wayn oo ku hortaal uga dabaalatid.

Intaas kadib waxaan kuugu naseexaynayaa arrimaha soo socda:

1) Waxaan ku xusuusinayaa hadalkii Cumar Bin Khataab (ra) oo ahaa haddii neef xoolo ahi shaam ku turunturoodo waxaan ka baqayaa in Allaah igu xisaabo oo i yiraahdo maxaad jidka uga samayn wayday marka Soomaali Allaaha hogaankooda kuu dhiibay uga baq oo cadaalad, raxmad iyo kala xigsad laÂ’aan ku maamul.

2) Sidaad ogtahay dad aan mabdaÂ’ iyo manhaj lahayni dad jira maaha, Soomaalidana mabdaÂ’ iyo manhajkoodo waa DIINTA ISLAAMKA sidaas daraadeed haddaad doonaysid inaad shacabka Soomaaliyeed u horseedid siday uga bixi lahaayeen mugdiga, dulmiga, duliga iyo dayaca soo daashaday ku maamul shareecada Islaamka dariiq kalena haku lugoyn shacabka.

Haddaad dib u jaleecdid taariikhda dunida muslimiinta; sharaf, cilmi, horumar iyo cadaalad waxaa ugu danbaysay xukunkii Islaamka, maalintii laga leexiyay xukunkii Islaamka dhibaatadii u bilaabatay waa tan maanta meel muslim joogaba ku dul habsan.

Sidaad ogtahay DIINTA ISLAAMKU waa diin cilmi (scientific religion) qarniga 21-tanaadna waa qarni cilmi, tusaale waxaa kuugu filan dadka soo gala Diinta Islaamka noocooda, waa dadka cilmiga leh ama fakara oo RUNTA si cilmi ah u baara. Sidaas daraadeed waxaan kuugu naseexaynayaa inaadan ka af qaban dadka Soomaaliyeed cilmiga iyo nolosha wanaagsan oo diintoodu xambaarsantahay.

Haddii aad isku daydid inaad Soomaali ku xukuntid xukun khilaafsan diinta islaamka waa dhici kartaa inaad kursiga madaxweynenimada mudo ku fadhidid laakin u malaynmayo inaad ku guulaysanaysid inaad Soomaali nolol wanaagsan iyo liibaan u horseedid sababtoo ah wax walba oo kale horay baa loogu soo lugooyay. Marka waxaan ku leeyahay Mudane Madaxweyne “WAARIMAYSIDE WAR HAKAA HARO”.

3) Lataliyeyaal aqoon wanaagsan leh daacadna u ah dadka Soomaaliyeed isku wareeji iskana fogee dadka dantooda ka hor mariya danta shacabka.

4) Shacabka Soomaaliyeed karaamadiisii dhuntay waxay ila tahay inaad u horseedi kartid inay u soo noqoto haddaad samaysid labo arrimood oo kala ah:
a) Ilo dhaqaale oo loo abuuro b) in laga daaweeyo sunta la cabsiiyay, siiba dhalinyarada indhaha ku kala qaaday dil, dhac, qabsasho iyo belaayo aan laga sheekayn karin. Daawada la hubo inay ku daawoobi karaan si deg deg ah waa iyadoo culimo diinta aqoon xeel dheer u leh Allana ka baqaysa ay si joogta ah ugu muxaadareeyaan oo u carro rogaan sida beerta loo carro rogo markii la rabo in miro cusub lagu beero.

Waxaan kaloo oran lahaa adduunka kaalmaha aad ka dalbanaysaan ku darsada dhakhaatiir aqoon u leh cudurada ka dhasha xaaladaha dadka Soomaaliyeed soo maray, siiba dhallinyarada. Waxay ila tahay haddii laysugu dhafo muxaadarooyin diini ah, in dheer garad wanaagsan oo wax u sheega, tababaro jirka ah iyo dhakhaatiir nafsiyan u daaweeya inay dhicikarto inay noqdaan dad caadi ah ama ku dhaw.

Mudane Madaxweyne,

Sidaad ogtahay dadka Soomaaliyeed badidoodu hadal kasta oo lagula hadlo waa haybsanayaan oo dhegaysan mayaan inta ay ka ogaadaan qofka hadlaya qabiilkiisa. Sidaas daraadeed waxay u baahanyihiin in lagula hadlo hadal ayan haybsan waana (Allaa yiri iyo Rasuulkaa yiri).

Soomaali in la xukumaa u malayn mayo inay adagtahay haddii dariiq sax ah loo maro sababaha soo socda dartood:

Waa dad wax walba oo dad wadaago wadaaga 1) waa isku diin, 2) waa isku madhab, 3) waa isku af, 4) waa isku caadooyin, 5) waa isku midab, 6) waa isku dal, intaasba waxaa u dheer 7) waa wada qaraabo oo meesha laga yiraahdo war Soomaali haygu haybsan meel uunbuu igasoo galayaaye dad reer magaal ah (sophysticated) oo si qodo dheer u fakara maaha aha, 9) waa dad is jecel oo Soomaali necayb qoda dheer isuma qabaan sida dadka wada daga dalalka
qaarkood. Shacabka Soomaaliyeed waxaa isu kaashaday laba cudur oo dilaa ah
a) jahli iyo iyagoo waayey madax wanaagsan oo daacad ah. ALLAAH ADIGA HAGAA DHIGO BILOWGII MADAX WANAAGSAN.

Waxaan dhanbaalkayga ku gaba babaynayaa ducadan Allaah waxaan kaaga baryayaa inuu kugu daro addoomadiisa uu kor ahaaye u bixiyay XIBAADU RAXMAAN Allaah kor ahaaye haku waafajiyo toobada oo hakaa aqbalo markaas ka dibna dambiyadaad gashay xasanaad ha kuugu badalo, dabeecadahaaga inta xun xunna dabeecado wanaagsan ha kuugu badalo (suurada Furqaan 63-76).

Allaah xaqqa hayna waa fajiyo
Assalaamu calaykum Wa Raxmatullaahi Wa Barakaatuhu
User avatar
biko
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9077
Joined: Wed Aug 27, 2003 7:00 pm
Location: just right the corner.

Post by biko »

Waxaan ku bilaabayaa magaca Allaah!


does the man understand the meaning of Allah?

thats like sending a dua to hitler.
User avatar
Ashlee~
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5989
Joined: Thu Jul 06, 2006 5:39 pm
Location: Hogtown
Contact:

Post by Ashlee~ »

Somaliman

Why did you copy that from SOL?


Biko

Hitler was a gaal. Abdullahi yusuf declares his islam until he denies it then you are doing yourself a disservice.
User avatar
Mystic_Angel
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4308
Joined: Mon Nov 28, 2005 7:21 pm
Location: we are the living graves of murdered beasts, how can we expect any ideal conditions on somalia?
Contact:

Post by Mystic_Angel »

war heedhe miyaad iloowday meeshii... Question
User avatar
Sir-Luggoyo
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7827
Joined: Thu Feb 17, 2005 1:18 pm
Location: Baar Luga Baxsi

Post by Sir-Luggoyo »

Maatadan sidii kayn dab galay, ololku diiraayo
Oo dawladay dhawrayeen, maanta dabar goysey
Oo kii jidhkiisu u danqado, daalin lagu sheegi

Waa waxan damiirkiyo caqliga, nooga daadegine
Ninka shalay adoogaa dilee, adi ku soo doontay
U dulqaado waa ceeb hadaad, daawo leedahaye

Mar hadday dugaag keensadeen, duban carruurteena
Oo diinta eebbiyo salliga, la isu diidaayo
Oo talo intii door ahayd, xabashi loo daayey

Xaq la duugey feedhaa dambaa, laga dilaacshaaye
Haadkii abraha loo dalbaday, yaa ku soo degiye
Doofaarta raacdiyo amxaar, sow ka durug maaha?
User avatar
Somaliman%
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3787
Joined: Sat Mar 06, 2004 7:00 pm
Location: The hills. England,
Contact:

Post by Somaliman% »

mesha walal... ma wixi waagi
User avatar
Samatr
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14767
Joined: Fri Feb 11, 2005 4:56 am
Location: Somewhere only we know :P

Post by Samatr »

Yeah in the private group, let me switch nicks and change to my Xplosive nick, so I can get to the group. Laughing
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”