Askari Ethiopian ah oo lagu dilay magaalada Kismaayo

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
Hydra
Posts: 96
Joined: Sat Jun 25, 2005 5:49 am
Location: In SiErRa MiSt QuEnChInG mY tHiRsT

Askari Ethiopian ah oo lagu dilay magaalada Kismaayo

Post by Hydra »

Kismaayo 25, Jan.07 ( Sh.M.Network) Bartamaha magaalada Kismaayo ee gobolka J/hoose ayaa maanta lagu dilay Nin ethiopian ah mid kalena lagu dhaawacay, ka dib markii kooxo hubeysan ay weerar ku soo qaadeen halkaasi.

Dilkaan oo ka dhacay suuqyaraha magaalada Kismaayo ayaan wali la ogeyn si rasmi ah kooxahii falkaasi geeystay, inkastoo dadka qaar ay isla dhex marayaan in nin hubeysani uu si gaadmo ah u toogtay askartaasi Ethiopianka ah.

Dhamaan waxaa la xirey goobihii ganacsiga iyo xafiisyadii shirkadaha ganacsiga ee halkaasi ku yaalay ka dib markii uu dhacay dilka sida uu ku soo waramayo wariyaha shabelle ee magaalada Kismaayo.

Durba goobta dilka uu ka dhacay waxaa gaaray ciidamo Somali iyo Ethiopian ah kuwaasi oo halkaasi ka ka xeystay dad lagu tuhmayo falkaasi, inkastoo dadkaasi ay ahaayeen dad rayid ah.

Waa markii ugu horeysay oo dil magaalada Kismaayo loogu geeysto askar Ethiopian ah.



Farxaan lafoole

Shabelle Media Network J/hoose
E-mail us: info@shabelle.net


http://www.shabelle.net/2007/January/n10319.htm
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”