Sheekh Aadan Maxamed Nuur “Sheekh Aadan Madoobe” wuxuu ku dhashay degmada xudur, magaalo madaxda gobolka Bakool sanadkii 1956. Taxanaha taariikh nololeedkiisa oo kooban waa sida hoos ku xusan:
WAXBARASHADA
Dugsiga QurÂ’aanka Kariimka, 1965-1970
Waxbarashada Dadka Waawayn, 1970-1975
Daraasaadka culuumta islaamka oo uu ka bartay culimo iyo mashaaÂ’ikh caan ka ahaa magaalooyinka Baydhabo, Muqdisho, Baraawe iyo Qoryooleey, 1975-1980
KHIBRAD [WAAYO ARAGNIMO] SHAQO
Wakiilka ururkii SDM [Somali Democratic Movement ] ee gobolka Bakool, 1991-1992
Gudoomiyaha degmada Xudur, 1992-1995
Sanadkii 1995 wuxuu ka mid ahaa aasaasayaashii ururkii RRA [ Rahanwayn Resistance Army] wuxuuna noqday Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee ururka RRA.
Sanadkii 2003 wuxuu ka mid noqday 24-tii hogaamiye ee lagu martiqaaday Shirkii Dib u Hashiisinta Soomaaliya ee ka furmay magaalada Edoret ee dalka Kenya wuxuuna ka mid ahaa saxiixayaasha bayaankii loo bixiyay Baaqii Eldoret
Sanadkii 2004 wuxuu ka mid noqday wasiirradii ugu horeeyey ee Golaha Wasiirada dowlada fedeeraalka Soomaaliya ee lagu soo dhisay Kenya waxaana loo magacaabay xilka Wasiirka Garsoorka oo uu hayay ilaa iyo inta aan loo dooraan xilka Gudoomiyaha Baarlamaaanka.
--------------------------------------------------------------------------------------







Now I know we are a doomed nation