-Qoraaga soomaaliyeed ee la yiraahdo Nuuradiin faarax ayaa weéraray xijaabka ay qaataan gabadhaha qaatay aayada ilaahay ee soomaaliyeed isagoo ku andacooday in xijaabkaas uu ka soo jeedo caado carbeed.
Nuuraddiin Faarax oo dhowaan buug cusub oo la magac baxay "Knots" kusoo bandhigay magaalada Minnesota ee carriga Mareykanka ayaa hadal uu ka jeediyay daah furkii buugga wuxuu kaga hadlay arrimo badan oo ku saabsan dhaqanka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in xijaabku yahay wax uu ugu yeeray "Afghan business.
Qoraagaan ayaa waxaa uu ku nuuxnuuxsadey in Buugiisii i ugu horeeyey uu ku sheegay in Ceebla goortii ay aragtay haweeneydii xijaabnayd ay ka carartay oo lafaheedii uga baxasatay, marka waxaan aad dhaqankeena kusoo darteen, yaa halkan fadhiya caawa oo taa qiil u heli kara.
Nuuraddiin Faarax ayaa si cad u sheegay mar uu rabay inuu la hadlo gabdhihii soomaaliyeed ee ka soo qayb galay xaflada daahfurka buugiisa ayuu amaanay gabadhihii isagoo yiri gabdhuhu waa ay wanaagsan yihiin waxaa ayna ku jiraa sidii ay noloshooda u badbaadin lahaayeen si ay dad kooda wax u tari la haayeen,isagoo islamarkaasna hadalkiisii sii raaciya mararka qaarkood waan ka niyad gabaa gabdhaha soomaaliyeed marka ay soo xirtaa maryaha waaweyn ee dhaqankeena aan lagu aqoon waxaan u jeedaa dharka sucuudiga
waxaa ay soo galiyeen dhaqankeena waxbadan oo aan ku jirin markaas bay igu oranayaan kani waa dhaqankeenii.
kani maha dhaqankeena sababtu waxaa weeyey Ilaahay waxaa uu yiri jirkiina qariya marka uu la hadlayey haweenka oo is astura laakiin sidan maha is asturidu sidan carabta ayaa lagu yaqaan.
Waa aflagaado cad oo Nuuraddiin Faarax uu u gaysatey xijaabka ay xirtaan gabdhaha jirkooda asturay una hogaansamay waajibkii rabaaniga ahaa ee Alle saaray.
aflagaadadani waxay cadaynaysaa sida nuuradiin jaahilka uga yahay aqoontana aanu ugu lahayn diinta islaamka iyo shuruucdeeda wuxuu aflagaadeeyey arin cad sida qoraxda oo ilaahay ku amray haweenka muslimiinta ah inay qaataan xijaab sida ku cad aayada 59 ee suurada al axzaab ee ilaahay yidhi"
nebiyoow ku dheh xaasaskaaga iyo gabdhahaaga,iyo hawenka muuminiinta ah inay isku dedaan shukadooda" sidoo kalana rasuulkeenii suubanaa salalaahu calayhi wasalam wuxuu axaadiis badan ku sheegay sifada iyo habka ay gabarta muslimada ahi isu xijaabayso"laakiin su,aashu waxay tahay maxaa sababay in
nuuradiin u cadhoodo xijaabka iyo dumarka xijaabanbba? waa su,aal da wayn oo madax daalinaysa jawaabtana isaga laga sugayo"su,aasha labaad ee aan nuuradiin waydiinayana waxa ay tahay dhaqanka soomaalida iyo islaamku mays diidan yihiin?
waxaan u sheegayaa nuuradiin in kuwo badan oo ka horeeyey ay la dagaalameen xijaabka guud ahaan gaar ahaan ku dhaqanka shuruucdeeda"qaar badan baa xijaabka gaar ahaan ku gubay fagaarayaal"sida gabadhii u dhalatay wadanka masar ee huda shacraawi halka dawlado islaam ah kuwo reer galbeed ahiba ay diideen in gabadh xijaabani iskuul ama jaamicad dhigato"laakiin fadliga ilaahay xijaabkii waa sii fidayaa ilaahayna wuxuu yidhi:waxay doonayaan inay nuurka ilaahay afkooda ku damiyaan ilaahna waa diidi inuu nuurkiisa taamyeelo mooyaane"
weeradada xijaabka iyo dumarka xijaaban lagu hayana maaha waxa hadda bilaabmay oo nuuradiin u horeeyey mana noqon doonaan midkii ugu dambeeyey
mise nuuradiin wuxuu mooday in xijaabku gabdhaha dabro oo uu u diido ka qayb qaadashada horumarinta nafteeda iyo bulshadeeda waa mid mar kale muujinaysa sida nuuradiin farah aqoondaradu uga hayso taariikhda islaamka"laga soo bilaabo xilligii rasuulka salalaahu calayhi wasalam ilaa maanta hawwenka musliminta ah ee xijaabani waxay qayb wayn ka soo qaateen u adeega bulshooyinkooda dhinac kasta '
nuuradiin waxaan kula talin lahaa inuu ka cudur daarto hadaladiisii uuna ilaahay u noqdo dambi dhafna waydiisto uuna iska i laaliyo inuu noqdo mid loo adeegsado wax u dhinka iyo duminta islaamka halkii uu maqaaladiisa iyo qoraaladiisa ka dhigi lahaa kuwo uu kudifaaco diintiisa xilligan weerada culus lagu hayo waa nasiib darro inuu isagu weeraradaa ka qayb qaato
qoraaga nuuradiin faarah oo xijaabka aflagaadeeyey
Moderators: Moderators, Junior Moderators, Islam mods
-
- Posts: 55
- Joined: Wed Dec 31, 1969 7:00 pm
- Location: from
Re: qoraaga nuuradiin faarah oo xijaabka aflagaadeeyey
nuradiin Faarax, hadii aqligiisa kala saari wayay wixii diin ah iyo wixii dhaqan ah, maxan u sameyn karnaa. Maxaa meherka loo waydiin waayey? IllAHAy ayaa laga magan galaa jaahilnimada noocaas ah.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 3 Replies
- 1479 Views
-
Last post by jiija_najma_hoodo
-
- 3 Replies
- 281 Views
-
Last post by Dhaga Bacayl
-
- 2 Replies
- 299 Views
-
Last post by Lacageylacag
-
- 1 Replies
- 538 Views
-
Last post by Minneapolis Mayor
-
- 33 Replies
- 6015 Views
-
Last post by musika man
-
- 22 Replies
- 1526 Views
-
Last post by GeoDesic
-
- 28 Replies
- 1502 Views
-
Last post by foolxume2005
-
- 7 Replies
- 380 Views
-
Last post by Murax