Shir iyo kulamo faro bdan oo ay yeesheen aqoonyahanada, culumo udiinka ,
waxgaradka iyo haweenka beelwaynta Absame, ayaa lagu lafo guray sida looga
arinsan lahaa xaalada cusub ee Somaaliya.
Shirkaas kadib waxay beeshu soo saartay go'aano iyo baaq, sidaan ayayna u
qoreen.
Kadib markii umadda Soomaaliyeed ay aayeheeda ka tashatay iskana wareejiyeen
gaalo raacyadii iyo jaajuusiinta cadawga caadaystay dhiiga iyo ka ganacsiga
ummada ayaa cadawgii ay u shaqaynayeen is qarin waayay barqocadna soo
badheedhay taasoo marqaati madoonto u noqonaysa inaan cadawgu doonaynin
nolosha iyo horumrka umadda Soomaaliyeed.
Hadaba hadaan nahay Beelwaynta Absame waxaan soo saarnay go'aanadaan.
1. Beesha Absame oo ah lafdhabarka halgan kasta ee umadda soomaaliyeed
la gasho cadawga kala duwan ee umadda Soomaaliyeed, ayay beeshu go'aan ku
gaartay in ay sii xoojiyaan kor u qaadida halganka xoreynta Soomaaliya oo
dhan, islamarkaana ay la shaqeeyaan dhamaan cid kasta oo isku taagta
midnimada iyo xoreynta umadda Soomaaliyeed.
2. Beesha Absame ma aqoonsana wax dawlad ah ee ka jirta geyiga
Soomaliya balse ay jirto duulaan qaawan oo ay soo qaaday xabashida soona
adeegsatay caade qaatayaal magac Soomaaliyeed wata.
3. Beesha Abasme waa ka soo horjeedaa kala qaybinta umadda
soomaaliyeed sidoo kalena magac u bixinta hadba ninka ay xabashidu ku
dilayso ummada Soomaaliyeed. Sidaas awgeed wax wada dhalad naga dhexeeya ma
jiraan C/laahi yuusuf iyo waxa raacsan marba hadii aan ku kala tagnay
kitaabka Allaah iyo sunada Rasuulkeena sharafta badan (CSW).
4. Beesha Abasame way ka dhiidinaysaa xasuuqa lagu hayo umadda
soomaliyeed meel kasta oo ay joogto, iyadoo xasuuqaan uu qarniyaal ku socday
umadda soomaaliyeed.
5. Waxaan ugu baaqaynaa umadda Soomaaliyeed inay iska difaacaan
cadawga gardarada ku haya dhawrtaana sharaftooda iyo midnimdooda kana
digtoonaadaan dhagaraha cadawgu u maleegayo. Guushana waxaa helaya xaq u
dirirka iyo ninka dhulka u dhashay.
6. Beesha absame aqoon fiican ayay u leedahay dhaqanka xabashida iyo
dadka ay ku shaqaysanayso sidaa daraadeed waxaan umadda soomaaliyeed u
sheegaynaa in xabash uusan soo kordhinaynin hormar iyo nolol ee waxa laga
dhaxlayo ay tahay bur bur iyo in laysku diro iyaga dhexdooda. Inkastoo cadaw
uusan kala roonayn hadana xabashida taariikh madaw ayay umadda Soomaaliyeed
ku leedahay, marnaba ku naaloonmayaan dhulka soomaaliyeed.
7. Beeshu Waxay aaminsantahay in la gaadhay xiligii Soomaali
midoobilahayd gumaystahana gabalkiisu dhacay, lana gaadhay xiligii la
dulaysan lahaa.
8. Darajada Xabashi bixiso ee ugu sareysa waa jaajuus, waxayna isku
dishaa jaajuusiinta dhexdooda, sidaa awgeed kan la socda iyo kan aan la
socon waa isugu mid.
9. Xabashida iyo waxa raacsan hoog iyo halaag ayay ku danbayn doonaan
aduunka inta la jooga aaqirana ciqaab iyo caro Allaah ayaa u danbaysa.
10. Hababa waxaan umadda Soomaaliyeed ugu baaqaynaa inay taageeraan
walaalahooda dagaalka kula jira cadawga umadda Soomaaliyeed islamarkaana
maskax, maal iyo muruqba ka qayb qaataan. Maantay wax noo hadhay malaha wax
aan dhawrayno oo aan ahayn inaan ku dhimano wadada xaqa ahna majiraan.
11. Cadawgu wuxuu qorsheynayaa inuu xasuuq ba'an u geyso umadda
soomaalyeed gaar ahaan meelaha laga diidan yahay, hadaba ummadda waxaan ugu
baaqaynaa inay ku jihaadaan oo iska celiyaan duliga lala maagan yahay.
Waxaan ugu baaqaynaa beelaha Soomaaliyeed ee beenta loo sheegayo inay
walaalohood garab istaagaan dagaalkana la galaan.
12. Ugu danbayn Beeshu waxay taageersatahay cid kasta oo u gargaarta
Kitaabka Allaah doonaysana inay ku xukunto dalka.
1. Dr. Maxamed Cabdi Nuur
2. Col. Yuusuf Cali Cumar
3. Nuur Yuusuf Cumar
4. Sheekh Maxamuud Yuusuf Geele
5. Rashiid Yuusuf Cilmi
6. Rashiid Kaahin Cumar
7. Col. Maxamed Sh. Daahir
8. Ugaas Carab Geele
9. Suldaan Cabdi Jaamac
10. Maxamed Cali cagaweyne
11. Prof. C/naasir Maxamed Xaashi
12. Bashiir Sh. Maxamed
13. Baaruud Cabdi Siciid
14. Bashiir
15. Maxamed Sh. Axmed
16. C/qaadir Yuusuf
17. Xuseen Qoriyow
18. Asad Maxamed Caalin
19. Sabriye
20. Shuuriye Maxamed Daahir
21. C/qaadir Sh. Cabdi
22. Muxaydiin Cali Xeydar
23. Saadiq sh. Khaliif
24. Saxane Shaafici
25. Maxamed Guure Warfaa
26. Mustaf Cali Dahir
27. Saarane Cali Ismaaciil
28. Shaafi
29. C/wali Yuusuf Cali
30. Haybe
31. Yaasiin Baynax
32. C/qaadir Sh. Maxamed
33. Axmed Sh. Maxamed Hamin
34. Xareed Barre Digaale
35. C/qaadir Cabdi Xirisi
36. Sh. Xuseen Shugri Cilmi
37. Sh. C/casiis Macalin
38. C/baasid Jirde
39. Maxamed D. Maalim
40. Faarax Xasan Nuur
41. Maxamed Muxumed Goodir
42. Mustafa Sheekh Xasan
Baaq ay soo saartay beesha Absame ee ku nool Sweden.
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- Hiiraan boy
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 4756
- Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
- Location: California
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 9 Replies
- 708 Views
-
Last post by Kramer
-
- 0 Replies
- 2575 Views
-
Last post by CoolPoisoninthisbijj
-
- 7 Replies
- 583 Views
-
Last post by eyes-only
-
- 19 Replies
- 3219 Views
-
Last post by NewHargeisaGirl
-
- 23 Replies
- 1950 Views
-
Last post by Saraxnow
-
- 29 Replies
- 361 Views
-
Last post by Samatr
-
- 12 Replies
- 2461 Views
-
Last post by Siciid85