MUQDISHO: Jabhadda Xoreysta Somali-galbeed oo soo saartay warsaxaafadeed ay kaga hadlayaan dagaallo...
Posted to the Web Feb 23, 12:22
Muqdisho (PP) - Shir Saxaafadeed ku aadan dagaallo ka dhacay deegaannada ismaamulka Soomaalida ee kilinka shanaad ayaa waxaa soo saaray Jabhada Xoraynta Soomaali-Galbeed.
Shir saxaafadeedkaan ayaa lagu sheegay in deegaanka Gosolalay oo ka tirsan gobalka Dhagax-buur uu dagaal culus ku dhex-maray Jabhadda Soomaali-Galbeed iyo Ciidammada Ethiopia ee xoogga ku haysta dhulka Soomaali-Galbeed.
Dagaalkaan ayay wararku sheegayaan in Jabhadda Soomaali-Galbeed ay ciidammada Ethipoia kaga dileen 29-Askari iyagoo sheegay inay ku dhaawaceen dagaalkaas tiro kale oo ka tirsan Askarta Ethiopia.
Jabhadda Somaligalbeed ayaa dhankooda waxay sheegeen inay kaga dhinteen dagaalkaas 3-ruux oo kala ah; Macalin Bashiir Xabiib, Mujaahid Ciise iyo Cabdulaahi Yare, waxaana dhammaantood la sheegay in lagu aasay halkii ay ku dinteen.
Jabhadda Soomaali-Galbeed ayaa bilihii ugu dambeeyay ka waday dhulka Soomaali-Galbeed diyaar-garow culus ugu jiraan sidii ay dagaal kale ula geli lahaayeen Ciidammada Ethiopia ee Somaligalbeed xoogga ku haysta.
Jabahaddu waxay ugu baaqaysaa dhammaan Shacabka Soomaaliyeed inay u diyaar garoobaan sidii ay dadka Soomaaliyeed gacan u siin lahaayeen jabahadda, isla markaana ay shacabku ku taageen Somaligalbeed dagaallada ay xornimada ku doonayso.
Sidoo kale Midowga Jabhadda Xoraynta Soomaali-Galbeed waxay ugu baaqaysaa Beelaha walaaha ah ee ku dagaalamaya deegaanka Daruur ee gobalka Dhagaxbuur inay si shuruud la’aan ah ku joojiyaan dagaalka kuna dhammeeyaan wax kasta oo dhexdooda ah wada hadal iyo is-afgarad ogaadaana cida kaliya ee faa’iidaysa dagaalka inay tahay gumaysiga haysta dhulkooda oo mar walbana ka shaqaynaya inay iyagu isku mashquulaan waana inay ogaadaan dagaal wiilbaa ku dhinta ee wiil kuma dhasho.
Maxamed Xuseen Jantiile
Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu
Either With US (Somalis) Or With THEM (Tigres) !!!!!!!!!!!!!
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- Enemy_Of_Mad_Mullah
- SomaliNet Super

- Posts: 20796
- Joined: Fri Mar 10, 2006 6:27 pm
- Location: In the plains out in hawdka im'a tell ya, mess with the reer and a vest could'nt help ya
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 2 Replies
- 344 Views
-
Last post by Daanyeer
-
- 0 Replies
- 324 Views
-
Last post by Somaliweyn
-
- 3 Replies
- 3099 Views
-
Last post by The_Patriot
-
- 7 Replies
- 755 Views
-
Last post by fagash_killer
-
- 10 Replies
- 773 Views
-
Last post by Enemy_Of_Mad_Mullah
-
- 0 Replies
- 1091 Views
-
Last post by TheLoFather
-
- 59 Replies
- 2199 Views
-
Last post by Alchemist
-
- 47 Replies
- 2497 Views
-
Last post by Gedo_Boy
-
- 5 Replies
- 385 Views
-
Last post by galia