Kismaayo Airport is reopened by the city adminstration.

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
DONKEYMAN
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1099
Joined: Fri Jan 23, 2004 7:00 pm
Location: Somalia
Contact:

Kismaayo Airport is reopened by the city adminstration.

Post by DONKEYMAN »

KISMAAYO: Wareegto ka soo baxday xarunta Maamulka Gobolka Jubbada Hoose oo lagu shaaciyay in Garoonka Kismaayo uu furan yahay
Posted to the Web Mar 21, 11:41




Kismaayo (PP)- Wareegto ka soo baxday xafiiska maamulka Gobolka Jubbada Hoose ayaa lagu sheegay in Garoonka diyaaradaha Kismaayo dib loo furay ayna isticmaali karaan Hay’adaha Qarammada Midoobay iyo sidoo kale dadka shacabka ah.



Wareegtadaan oo ka soo baxday xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Jubbda Hoose ayaa waxaa si weyn loogu faahfaahiyay in garoonka diyaaradaha Kismaayo uu yahay mid si rasmi ah u furan lana isticmaali karo.



Guddoomiyaha Gobolka Jubbada Hoose Ilyaas Baddal Gabboose oo wareegtadaan ku saxiixnaa ayaa waxaa lagu sheegay wareegtada in Garoonka diyaaradaha ee Kismaayo uu yahay mid furan, waxaana loogu baaqay Hay’adaha Qarammada Midoobay ee ka howlgala Jubbda Hoose ay ka soo dagi karaan si saani ahna u isticmaali karaan garoonka Kismaayo.



Sidoo kale shacabka ayaa waxaa loogu baaqay inay isticmaali karaan garoonka diyaaradaha ee Kismaayo, wixii maanta ka dambeeya, iyadoo la sheegay in howlaha garoonka ay la wareegean Maamulka gobolka Jubbada hoose oo ay iyaga maamulayaan.



Garoonka diyaaradaha ee Kismaayo ayaa wuxuu ahaa bar ay isticmaalaan ciidammada Dowladda Ethiopia oo ku sugnaa halkaas xilliyadii ugu dambeeyay, balse hadda ka soo idlaaday, waxaana la sheegay in hadda uu garoonka yahay mid furan.


Maxamed Xuseen Jantiile
Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu
E-mail: jantiile@gmail.com
Saaxiibkaa u dir
Daabaco Qormadan
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”