Mogadishu 22, March.07 ( Sh.M.Network) Hal qof ayaa ku nafwaayay tiro 3 kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray, Dagaal culus oo saakay ka qarxay degmada Cadaado ee gobolka G/gaduud ee bartamaha Somalia, iyadoo dagaalkaasi uu u dhaxeeyo dadka deegaanka iyo maleeshiyaad reer Puntland ah.
Dagaalkaan oo saakay ka bilowday gudaha magaalada Cadaado ayaa saacado ka dib waxaa la iskula baxay meel duleedka kaga beegan magaalada, iyadoo sida la sheegay ay jiraan qasaarooyin badan oo wali aan si rasmi ah loo sheegi karin.
Sida uu ku soo waramay Wariye Qase oo ah saxafi madax banaan oo ku sugan magaalada Cadaado, dagaalka ayaa ah mid aad u xoogan, iyadoo dhawaqa rasaasta oo markii hore laga maqlyay gudaha magaalada ay ka duruqday.
Warar ayaa waxa ay sheegayaan in hal baabuur oo kuwa dagaalka ah laga gubay ciidamadii Puntland inkastoo aan la xaqiijin.
Dagaalkaan ayaa la xiriira dagaalo caasimadda Somalia ku dhex maraya ciidamo ka tirsan dowladda iyo kooxo ka soo horjeeda.
Si kastaba ha ahaatee waxaa laga cabsi qabaa in dagaaladaan ay saameeyaan deegaano kale oo ku yaala gobolada dhexe ee Somalia.
Shabelle Media Network Somalia
E-mail us: info@shabelle.net
Dagaalo xoogan oo ka qarxay degmada Cadaado
Moderator: Moderators
- Hiiraan boy
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 4756
- Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
- Location: California
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 331 Views
-
Last post by AhlulbaytSoldier
-
- 0 Replies
- 177 Views
-
Last post by Hydra
-
- 1 Replies
- 586 Views
-
Last post by Queen_Arawello
-
- 3 Replies
- 342 Views
-
Last post by AhlulbaytSoldier
-
- 1 Replies
- 830 Views
-
Last post by SahanGalbeed
-
- 2 Replies
- 535 Views
-
Last post by Karbaash_killa
-
- 1 Replies
- 489 Views
-
Last post by vangandi
-
- 2 Replies
- 450 Views
-
Last post by XimanJaale
-
- 19 Replies
- 4849 Views
-
Last post by Rabshoole