Burbur ku yimid xabad joojintii ka jirtey magaalada Muqdisho
Click here to find Shabelle news in english
Mogadishu 24, March.07 ( Sh.M.Network) Kulan maanta ay ku yeesheen magaalada Muqdisho Odayaasha beelaha Hawiye iyo saraakiisha ciidamada ethiopia ayaa burburey, ka dib markii ciidamada Ethiopia odayaashaasi ay ku war galiyeen in ciidamada Ethiopia ay howl-gallo ka fulinayaan magaalada Muqdisho oo guri guri ay baaritaan ugu sameynayaan.
Axmed Diiriye
Kulankaankaan oo qaatey saacado ayna isugu yimaadeen saraakiisha ciidamada Ethiopia iyo odayaasha beelaha Hawiye ayaa gabi ahaanba burbruey, ka dib markii saraakiisha ciidamada Ethiopia ay odayaashii kulankaasi soo xaadirey ay si cad ugu sheegeen in ay ka laabteen go'aankii hore, markii ay u cuntami waysay waxa ka soconaya Muqdisho.
Afhayeenka beelaha Hawiye, Axmed Diiriye oo u waramay Shabelle ayaa sheegay in saraakiisha ciidamada Ethiopia ay u sheegeen in ay doonayaan in howl-gallo aad u balaaran ay ka fulinayaan magaalada Muqdisho, isla markaana ay doonayaan in ay guri guri u galaan.
" Xabad joojintii idinka waa fuliseen waana ka soo baxdeen, laakiin anaga waan ka baxnay waana badalnay qorshaha magaalada, waan galeynaa, anaga ayaa dan iyo muraad ka leh, C/laahi Yuusuf arinkiisa teena waa ka gaar" ayay yiraahdeen saraakiisha ciidamada Ethiopia sida uu shabelle u sheegay Axmed Diiriye.
Axmed Diiriye ayaa waxa uu sheegay in odayaasha ay iyaguna u sheegeen saraakiisha ciidamada Ethiopia in ay isdifaacayaan isla markaana ay ku eedeeyeen in ay xaqdarro iyo garddarro ay wataan.
Afhayeenka beelaha Hawiye ayaa ku eedeeyay xukuumadda Ethiopia in ay qaadatay fikirka Madaxweyne C/laahi Yuusuf oo ku dhisan in loo qabto beel beel kale, isagoo sheegay in Ethiopia aysan dhex dhexaad ka aheyn arimaha Somalia.
Mar wax laga weydiiyay afhayeenka in ay xiriir la sameeyeen dowladda KMG ah madaxdeeda ayaa waxa uu sheegay in aaneey jirin cid xiriir ay la sameynayaan isla markaana waxii dhaca ay mas'uul ka tahay dowladda.
Afhayeenka beelaha hawiye ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay soo fara galiyaan waxa uu ugu yeeray xagjir nimada iyo gardarada ciidamada Ethiopia ay ka wadaan magaalada Muqdisho.
Si kastaba ha ahaatee mar hadii ay burburtey xabadjoojintii shaqeyneysay shalay iyo maanta waxaa la filan karaa iska horimaadyo mar kale ka qarxa caasimadda oo dhiig badan ku daata.
Khamiistii la soo dhaafay ayay aheyd markii odayaasha beelaha Hawiye iyo dowladda Ethiopia ay wada gaareen heshiis xabad joojin ah oo galabta burbur ku yimid.
BREAKING NEWS HAWIYE: NO MORE CEASEFIRE
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- Hiiraan boy
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 4756
- Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
- Location: California
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 578 Views
-
Last post by +chilli
-
- 12 Replies
- 1543 Views
-
Last post by zidane88
-
- 1 Replies
- 577 Views
-
Last post by The_Patriot
-
- 2 Replies
- 653 Views
-
Last post by JaMaaL-23
-
- 0 Replies
- 6 Views
-
Last post by AbdiWahab252
-
- 5 Replies
- 1059 Views
-
Last post by AbdiWahab252
-
- 1 Replies
- 698 Views
-
Last post by AhlulbaytSoldier
-
- 0 Replies
- 411 Views
-
Last post by SunFromNorth
-
- 13 Replies
- 1517 Views
-
Last post by Karbaash_killa