Muqdisho, Isniin, March 26, 2007 Simba Radio
Hoos Ka Daawo Sawirada
Maxaabistii ciidamada Dowlada KMG Somalia looga qabtay dagaalkii ka dhacay Agagaaaraha Wasaarada Gaashaandhiga 21-kii bishaan ayaa waxaa maanta gabi ahaaba sii daayay odayaasha beelaha Hawiye.
Maxaabiistani lasii daadayay ayaa waxaa ay tiradoodaay gaareysay sida la sheegay 18 Maxbuus oo dagaalka lagu qabtay waxaana sidoo kale jiray maxaabiis iyaguna tiradooda ay aheyd 6 kuwaaso la sheegay dhaawac ahaan loo qabtay kadibna lasii daayay waxaana ay noqonayaa gabi ahaanba maxaabiistii Dowlada laga qabtay ee lasii daayay 24 Maxbuus.
Maxaabistani oo ka tirsanaa Ciidamad Dowlada ayaa waxaa maanta lagu wereejiyay eheladooda oo halkaasi yimid in kastoo qaar kale oo aysan eheladooda joogin ay ku jireen.
Kahor inta aanan la wareejin ayaa waxaa Maxaabiistani la waydiiyay xaaladooda iyo intii lahayay sidii loola dhaqmay waxaana ay gabi ahaanba ay sheegeen in ay ahaayeen ciidamo ka tirsanaa Dowlada KMG Somalia oo ka qayb qaatay dagaalkii ka dhacay 21-kii bishaan March agagaaraha Wasaarada Gaashaandhiga isla markaana lagu qabtay dagaalkaasi.
Waxaa ay sheegeen in si wanaagsan loola dhaqmay oo aysan jirin wax xad gudub ah oo loo gaystay intii lahahay oo ay maxaabiista ahaayeen.
Odayaasha beelaha Hawiye ayaa waxa ay u wakiisheen in ay maxaabiistani wareejiyaan Siyaasiga C/laahi Sheekh Xasan iyo afhayeenka beelaha Hawiye Axmed Diiriye.
Afhayeenka beelaha Hawiye Axmed Diiriye oo ka hadlay goobtii lagu wareejinayay ragani Maxaabiista ahaa ayaa waxa uu sheegay in ay siidaynayaan oo aysan jirin cidka naxaysa oo waydiisatay isla markaana ay yihiin ragani dad Soomaaliyeed loona baahneyn in ay helaan xoriyadooda.
Afhayeenka ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in ay yihiin ragaani dad lasoo marin habaabiyay oo aanan iyaga ogayn waxa ay u dagaalamayeen.
Wareejintani ayaa waxaa la filayay rag ka tirsan Dowlada KMG Somalia oo lagu casuumay in ay kasoo qayb galaan in kastoo aysan suura galin.
----------------------------------------------
CHECK THE PICTURES OUT
