Idaacadaha HornAfrik iyo Shabelle oo maleeshiyo ka difaaca Dowladda KMG Somalia sameystay.
Muqdisho ,Talaado ,Marso , 27, 2007 , Waagacusub Online
Idaacadaha HornAfrik iyo Shabelle ee ku yaala Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Somalia, ayaa maalmihii ugu dambeeyay bilaabay inay sameystaan maleeshiyo aad u hubeysan oo iyaga ilaaliya kadib markii dowladda federalka ku amartay inay albaabada u laabaan.
Idaacadahaan hortooda ayaa lagu arkayaa Maleeshiyo aad u hubeysan oo dhufeeyso ka qotay iyo kuwa kale oo qoryaha waa weyn ee dagaalka la fuulay dabaqyadda sare iyagoo xiliyada dambena baaraya baabuurta agagaarahooda isaga goosha.
Idaacadda Shabelle ayaa agagaaraha dabaqa ay degan tahay ee Global waxay dhigtay ilaalo xoogan oo ku hubaysan qoryaha fudud taas oo la sheegay inay cabsi badan gelisay Wariyaashii Idaacada u shaqeeynayay oo qaarkood aan laga maqal shalay iyo manta.
Idaacada HornAfrik oo ku taala agagarka Isgoyska Ifka Xalane ee magaalada Muqdisho ayaa Maleeshiyooyin boqol ka badan sameeysatay si ay isaga difaacdo Ciidamadda dowladda federalka oo ay aad uga baqanayaan weerar ay ku qaadaan Idaacadaas.
Horey ayuu Agaasimaha Idaacada HornAfrik Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan u sheegay inuusan marnaba xiri doonin idaacada kadib markii DF ay ku amartay in albaabada loo laabo idaacadaasi, isagoo ku goodiyay inuu is difaaci doono hadii ciidamada Dowlada ay soo weeraraan.
"Beesha Hawiye ayaa HornAfrik iska leh, waxaan beesha u sheegayaa inay Dowlada KMG Somalia iska celiso si aan idaacadooda wax tarka u leh looga damin" ayuu yiri Axmed Cabdisalaan.
Dhinaca kale, Agaasimaha Idaacada Shabelle Shukri Sheekh Cali Buraale ayaa sheegtay inaysan marnaba idaacadaasi albaabada u laabi doonin, iyadoo Dowlada KMG Somalia ku eedeysay inay tahay Dowlada musuq maasuq iyo kaa eexasho wado, waxeyna sheegtay in Shabelle ay runta sheegto isla markaan aysan runta qofna kala cabsan doonin.
Mrs. Shukri ayaa tibaaxday inay idaacada daafacayaan ciidamo hubeysan hadii ciidamada Dowlada KMG Somalia isku dayaan inay idaacada soo weeraraan.
Dhawaan ayey aheyd markii wareegto kasoo baxday Dowlada KMG Somalia lasoo gaarsiiyay Idaacada HornAfrik,Shabelle iyo Xafiiska Tv-ga Al-Jaziira ee magaalada Muqdisho taasoo lagu amrayay in albaabada loo laabo goobahaas, waloow HornAfrik iyo Shabelle ay arintaasi gaashaanka u daruureen balse Tv-ga Al-Jaziira uu shaqadii joojiyay.
Lama oga talaabada ay Dowlada KMG Somalia ka qaadi doonto idaacadahaan diiday inay u hogaansadaan amarka DF kasoo baxay,laakiin dowladda xilligaani waxay u muqanee mid madaxa la gashay caqabado aysan ka dhamaan Karin oo dhaawacay jiritaankeedii dowladnimo,waxaana Muqdisho laga dareemayaa qadiyad qabiil oo ka dhana dowlada.
HornAfrik iyo Shabelle oo maleeshiyo ka difaaca TFG sameysta
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- Hiiraan boy
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 4756
- Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
- Location: California
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 390 Views
-
Last post by Jeffrey Dahmer
-
- 0 Replies
- 521 Views
-
Last post by sadeboi
-
- 5 Replies
- 1022 Views
-
Last post by AbdiWahab252
-
- 5 Replies
- 839 Views
-
Last post by Karbaash_killa
-
- 111 Replies
- 8801 Views
-
Last post by Sadaam_Mariixmaan
-
- 19 Replies
- 1483 Views
-
Last post by fagash_killer
-
- 1 Replies
- 474 Views
-
Last post by LionHeart-112
-
- 5 Replies
- 529 Views
-
Last post by HELWAA
-
- 11 Replies
- 1257 Views
-
Last post by HaragWafi85
-
- 6 Replies
- 465 Views
-
Last post by kambuli