more about the flying source
B/weyne 26, March.07 ( Sh.M.Network) Wax u eg dayax gacmeed ayaa lagu soo waramayaa in uu ku soo dhacday deegaan ku dhow degmada Buulo Burde ee gobolka Hiiraan.
Wariyaha shabelle ee gobolka Hiiraan Cumar Kiyow oo xiriiro kala duwan la sameeyay magaalada Buulo Burde ayaa dadka ku nool halkaasi waxa ay u xaqiijiyeen in meel 40 KM dhinaca waqooyi kaga beegan degmadaasi uu maalin ka hor ku soo dhacay sheey weyn oo leh muuqaalka dayax gacmeedka kaas oo aan la xaqiijin karin, waxaana uu ku fadhiistay sida la sheegay dhul baaxadiisa ay dhan tahay 100 MT oo isku weer ah.
Qaar ka mid ah dadka reer Miyiga ee xoolaha u iib keena magaalada Buulo Burde ayaa waxa ay shabelle u sheegeen in indhahooda ay saareen markii uu soo dhacayay, isla markaana uu bixinayo nalal fareejo ah xilliyada habeenkii, waxaana laga dhex maqlayaa luuqado aan la fahmi karin.
Wali lama xaqiijin karo in aaladaan soo dhacday ay tahay Dayax gacmeed iyo in kale, waxaana uu ku soo dhacay Tuulo la yiraahdo Cowsweyne.
Sheygaan ayaa markii uu soo dhacayay waxaa sawaxankiisa laga maqlay nawaaxiga Buulo Burde, mana jiro wax burbur ah oo soo gaaray qalabkaasi, iyadoo xilliyada maalintii uu tuurayo aaro, taasoo ku abuurtay dadka baqdin.
Waa markii ugu horeysay oo dhulka Somalia lagu arko qalab ceenkaan oo kale ah oo ka soo dhacay hawada.
Cumar Kiyow