GABADHA SOOMAALIYEED WAA MID DULMAN!

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
HELWAA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19743
Joined: Mon Apr 17, 2006 9:51 am

GABADHA SOOMAALIYEED WAA MID DULMAN!

Post by HELWAA »

Aslam aleykum

This is a great article......read it Cool



Gabadha Soomaaliyeed waa mid Dulman.


Markaan raadraac ku sameyna sooyaalka Soomaalida, gabadha Soomaaliyadda ah waa mid aad u dulman una dayacan, wuxuuna mulmiga lagu bahdilaya gabadha billoowdaa maalinta ay dhalata. Waa marka koowaade, gabadhu markey dhalata looma mashxarada lamana soo dhaweeya, lama gardaadiya looma wanqaliya (walqala) hooyada dhasheyna lama baxnaanina lamana baaniya aabbuhuna kuma farxa iney gabadh u dhalata sida loogu riyaaqa wiilka ee markuu dhasha ay gurxanka rasaasta iyo guuxa mashxaradka dhagaha dhageystaha u buuxiyaan si xaddhaaf ah waliba eex ah.
Waxbarashada wiilka iyo gabadha.
Sida badan Soomaalida quraanka ayaa caruurta labaraa si uu garaadkooda anshaxa diinta Islaamka ugu barbaaro, laakiin wiilka ayaa mudnaanta koowaad la siiyaa waayoo, asaga ayaa mood iyo noolba laga bixiyaa - ajuurada macalinka laga dhiibaa, si uu u aflaxo oo diinta iyo axkaamta Islaamka u barta. Gabadha waxaa la dhahaa "Iska loox-jiida", mararka qaarna malcamadda quraanka waa laga saaraa oo waxaa lagu doodaa iney wiilka reebtay, oo ay tahay qumeeyo - mid hibo iyo hooda-xun. Bal eeg dulmiga ka dhanka ah gabadha ee maskiintan Soomaaliyeed loo geysanaya. Waa meel-ka-dhac liid ah oo xadgudub ah! Tolow miyaanan la wada dhalin wiilka iyo gabadha loo kala eexanaya? Halkee falsafaddan gunnimada ah laga soo minguuriyey waa yaabe?
Waxbarashada maaddiga ahna sidaasoo kale ayaa loogu dulmaa gabdhaha Soomaaliyeed marka laga reeba waalidiinta garaadka wacan ee ilmahooda si waliba eex ay ka maqneyn wax u wada bara. Kuwanse waa boqolkiiba caddad aad u yar.
Guurka Gabadha iyo Wiilka.
Gabadha Soomaaliyeed ma ahan mid xulashada dookheeda u madaxbannaan oo waxey laheyste iyo dhibbane u tahay labada dhalay - aabbaha iyo hooyada. Waxaa loo guuriyaa oday gaboobay oo lacag baa la dhaafsadaa dil af iyo addin ahna waa u dheer yahay oo ninka ayaa siduu doona ka yeela. Waxaa dhacda iney diyoota oy dibadgalowda dabadeedna uu dugaag cuna ayadoo ka baxsaneysa duqa waayeelka ah ee qasabka loogu daray ayadoo uu aabbaheedna ku faanaya xoolaha xaddiga badan ee uu ka qaatay - yaradka dab, duunyo iyo dux-xiyaaleedba leh. "Ku go'!" ma tidhi?
Wiilkana waxaa loogu bishaareeyaa inuu gabdhuu doona ee dookhiisa qancisa la haasaawa dabadeedna la heshiiya oo hanti ceyn walba ahna laga dhiiba. Maalkii dulmanta - gabadha, laga soo xereeyey ayaa asaga loogu guuriyaa oo uu ku daanshadaanshoodaa. Wuxuu kaloo xor u yahay inuu gabadha fura goortuu doona eeddana asaga lama saara ee ayadaa lagu dhahaa "Waa wax dhimatay oo ninkeeda iyo reerkeeda ayey dhaqan weyday". Bal eeg bahdilkan baaxadda weyn! "Ashqaraar"!
Gabadha mar haddii la guursada ninka ay u dhaxday baa ka masuul ah, wixi ay reer-aabbaheed ka fishana waa dhibaad iyo dheef aan joogta aheyn. Hadduu ninka ay u dhaxday dilana dhiiggeeda ayaa loo geed iyo gogol fariista ayadoo maalka laga taabaya uun loo danleeyahay! Looma aara sida wiilka rag loogu laaya reerana loogu gumaada, dilkiisana ay colaad kulul oo lagu hoobta uga dhalata. Tolow ma dhulkaa dhalay?
Waxaasoo gef iyo godob ah ayadoo gabadha (gabdhaha) lagula kaca, haddane ayagaa qoyska udub-dhaxaad u ah oo marka ay marwada geeriyoota qoysku sida tusbax la furay buu u kala firxadaa. Waxaan dhihi karnaa maahmaahdan guunka ah ayaa ugu dhaw caddaalad gabdhaha iyo wiilasha loogu garsooray "Naag la furay fadhi uma yaalla ninki furayna falkiisii ku noqay". Ma is-tidhi quursi haweenka loo geysanayaa ku jira oo eex iyo anaaniyadi kama marna? Hadalku waa haa oo mayana u dhaw macna ahaan - semantically - gist of the connotation. Gabadhu mar waa walaasheen, marna waa hooyadeen marka kalana waa gacaliso aan maalmaheenna dhibaatada iyo faraxaddba la qeybsanna oo waxey ku dajisaa adigoo murugeysan oo mashaakil ku haysta waaba haddey tahay marwo kabo ah illeen habluhu waa "Kabo iyo kalaridee".
Dooddeydan oo ah mid ku qotanta Soomaalidii raacatada aheyd ayaan dhihi karaa wali gabdhuhu kama badqabaan dulmiga iyo daannada aan ku hayna waloow aan nahay bulsha yara bislaatay - semi-civilised society. Taasi waxaan ula jeedaa gabdhuhu gurradi iyo jirdilki waliba waa qabaan. "Imisey gankoodii ushu ugudub ku taallaa?"
Ma is-tidhi abwaan Stanza waa dumaraawi - real femenist. Haddey jawaabtaadu haa tahay macnuhu maya kama foga ee waxaa un ii muuqda dulmi aan inaragoow la yaabay ee adiguna ma la yaabtay? Waa uun laba mid inaad aniga ila yaabbantahay iyo inaad khaladkaaga garoowsatay. Sow gabadhaha kama calool-jilicsana wiilasha? Haa oo kun jeer laaban weeyaan hadalcelintu. Isku soo duuboo waxaa waxaa qormadan igu hinjiyey maraan dhawaan arkey dulmigan oo wali taagan oon dhihi kara waa ceeb.
Waxaan ku talabixinayaa inaan gabdhaha laga eexanin raggana la rafaadinin, waayoo waxaa qurbaha ka dhacay ceebo la yaab leh oo ay gabdhaha Soomaaliyeed raggooda kula keceen kuwaasoo ah wax ka dhan ah dhaqankeenna Soomaaliyeed ee Islaamka.
Qore: Abwaan Maxamed Cabdiqaadir Daauud (Stanza).

http://www.4somaliwomen.com/index.php?o ... 5&Itemid=9
User avatar
DawladSade
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13940
Joined: Fri Apr 22, 2005 9:38 pm
Location: Xornimo

Re: GABADHA SOOMAALIYEED WAA MID DULMAN!

Post by DawladSade »

ayaan xirsi # 2 baa nagu soo socoto bilaash yey xijaab noosoo xiran...
Bagamundo
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1334
Joined: Fri Feb 16, 2007 5:21 am

Re: GABADHA SOOMAALIYEED WAA MID DULMAN!

Post by Bagamundo »

It's true,somali girls are treated like shit.


It's time we start respecting them.
HELWAA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19743
Joined: Mon Apr 17, 2006 9:51 am

Re: GABADHA SOOMAALIYEED WAA MID DULMAN!

Post by HELWAA »

[quote="Bagamundo"]It's true,somali girls are treated like shit.


It's time we start respecting them.[/quote]




THAT IS RIGHT BRO.....IT'S TIME TO RESPECT THE SOMALI WOMEN Smile
User avatar
The-Screw
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19924
Joined: Thu Oct 18, 2001 7:00 pm
Location: Somewhere in the PNW

Re: GABADHA SOOMAALIYEED WAA MID DULMAN!

Post by The-Screw »

i'll respect them if and when they respect themselves, their culture, religion & family. etc,

laakiin ha i dhihin qoftoo video vixen u eg oo somali by name respect garee,


i'll spill my dr pepper all over her.
HELWAA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19743
Joined: Mon Apr 17, 2006 9:51 am

Re: GABADHA SOOMAALIYEED WAA MID DULMAN!

Post by HELWAA »

screw

It dosent matter if she is a (night lady)...i hope you understand what i mean by that because i dont wanna insult my sisters......she deserve ur respect.....waa inaad qadareysid sida walaasha oo kale. Very Happy
Bagamundo
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1334
Joined: Fri Feb 16, 2007 5:21 am

Re: GABADHA SOOMAALIYEED WAA MID DULMAN!

Post by Bagamundo »

Helwa, u read "infidel", did you?
User avatar
The-Screw
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19924
Joined: Thu Oct 18, 2001 7:00 pm
Location: Somewhere in the PNW

Re: GABADHA SOOMAALIYEED WAA MID DULMAN!

Post by The-Screw »

well i disagree.


i respect those that respect themselves.
User avatar
Mr.Wise
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1726
Joined: Thu Aug 29, 2002 7:00 pm
Contact:

Re: GABADHA SOOMAALIYEED WAA MID DULMAN!

Post by Mr.Wise »

Waxaanan garaneyn sababta dad badan oo wax qora ay Bulshada soomaalida uga Been sheegaan, Gabdhaha Soomaaliyeed Ma Dulmana ee Bulshada ayaa Dulman, Waxaan aamin sanahay in Guri kasta mudnaanta Kowaad ay leedahay haweeneyda leh (Xaaska,Hooyada) waxaa soo raaca waa gabdha(inanta reerka), Gabdhaha soomaliyeed Mid kasta Guriga ay ka timi waxey u tahay Ileyska (the Light, Sunshine) gurigaas, Ninkasta oo soomaalyeedna kama jecla wiilka gabadha,

Ilaahayna Labo ayuu iga siiyay, Labadaasina waa nolosheyda,nafteyda,Maalkeyga,Markey xanuun sanayaan xanuun ayaa igu dhaca, Farxadeyduna waa iyaga.. SOOMAALINA WAAN AHAY..Marka ha ka dhigina Habla somaliyeed Qaar Dulman..
HELWAA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19743
Joined: Mon Apr 17, 2006 9:51 am

Re: GABADHA SOOMAALIYEED WAA MID DULMAN!

Post by HELWAA »

screw

That include men to right........ Cool ....after all there is faraaxs that dosent respect themselves either Cool
User avatar
The-Screw
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19924
Joined: Thu Oct 18, 2001 7:00 pm
Location: Somewhere in the PNW

Re: GABADHA SOOMAALIYEED WAA MID DULMAN!

Post by The-Screw »

of course.
HELWAA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19743
Joined: Mon Apr 17, 2006 9:51 am

Re: GABADHA SOOMAALIYEED WAA MID DULMAN!

Post by HELWAA »

[quote="Mr.Wise"]Waxaanan garaneyn sababta dad badan oo wax qora ay Bulshada soomaalida uga Been sheegaan, Gabdhaha Soomaaliyeed Ma Dulmana ee Bulshada ayaa Dulman, Waxaan aamin sanahay in Guri kasta mudnaanta Kowaad ay leedahay haweeneyda leh (Xaaska,Hooyada) waxaa soo raaca waa gabdha(inanta reerka), Gabdhaha soomaliyeed Mid kasta Guriga ay ka timi waxey u tahay Ileyska (the Light, Sunshine) gurigaas, Ninkasta oo soomaalyeedna kama jecla wiilka gabadha,

Ilaahayna Labo ayuu iga siiyay, Labadaasina waa nolosheyda,nafteyda,Maalkeyga,Markey xanuun sanayaan xanuun ayaa igu dhaca, Farxadeyduna waa iyaga.. SOOMAALINA WAAN AHAY..Marka ha ka dhigina Habla somaliyeed Qaar Dulman..[/quote]



THAT WAS DEEB MR WISE...........INDEED YOU ARE WISE.....laakin not every child have the luck to have such a great parents like you dear Very Happy
Madaxweyne
Posts: 104
Joined: Mon Mar 19, 2007 7:33 pm

Re: GABADHA SOOMAALIYEED WAA MID DULMAN!

Post by Madaxweyne »

War ma ogidiin miyaa in Helwaa ay ilmo adeer yihiin naagtii gaalowdey ee Ayaan xirsi. Oo waxaa cadaan ah oo jira in ay Ayaan nacald Alle ha ku dhacdee ay xirii hoose la leedahahy qaar kamid ah gabdhaha qaraabadeeda oo xijaab isku qariya kuwaas oo laalush ka hela islaantaas wakhtigeedii u dhamaadey. Ayaan's days are numbered and anyone who get money from her will follow suit.
HELWAA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19743
Joined: Mon Apr 17, 2006 9:51 am

Re: GABADHA SOOMAALIYEED WAA MID DULMAN!

Post by HELWAA »

the door is there and take ur nacnac with u Arrow Arrow
Bagamundo
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1334
Joined: Fri Feb 16, 2007 5:21 am

Re: GABADHA SOOMAALIYEED WAA MID DULMAN!

Post by Bagamundo »

[quote="Madaxweyne"]War ma ogidiin miyaa in Helwaa ay ilmo adeer yihiin naagtii gaalowdey ee Ayaan xirsi. Oo waxaa cadaan ah oo jira in ay Ayaan nacald Alle ha ku dhacdee ay xirii hoose la leedahahy qaar kamid ah gabdhaha qaraabadeeda oo xijaab isku qariya kuwaas oo laalush ka hela islaantaas wakhtigeedii u dhamaadey. Ayaan's days are numbered and anyone who get money from her will follow suit.[/quote]

Helwa is isaaq. How do u splain?
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”