This is a great article......read it

Gabadha Soomaaliyeed waa mid Dulman.
Markaan raadraac ku sameyna sooyaalka Soomaalida, gabadha Soomaaliyadda ah waa mid aad u dulman una dayacan, wuxuuna mulmiga lagu bahdilaya gabadha billoowdaa maalinta ay dhalata. Waa marka koowaade, gabadhu markey dhalata looma mashxarada lamana soo dhaweeya, lama gardaadiya looma wanqaliya (walqala) hooyada dhasheyna lama baxnaanina lamana baaniya aabbuhuna kuma farxa iney gabadh u dhalata sida loogu riyaaqa wiilka ee markuu dhasha ay gurxanka rasaasta iyo guuxa mashxaradka dhagaha dhageystaha u buuxiyaan si xaddhaaf ah waliba eex ah.
Waxbarashada wiilka iyo gabadha.
Sida badan Soomaalida quraanka ayaa caruurta labaraa si uu garaadkooda anshaxa diinta Islaamka ugu barbaaro, laakiin wiilka ayaa mudnaanta koowaad la siiyaa waayoo, asaga ayaa mood iyo noolba laga bixiyaa - ajuurada macalinka laga dhiibaa, si uu u aflaxo oo diinta iyo axkaamta Islaamka u barta. Gabadha waxaa la dhahaa "Iska loox-jiida", mararka qaarna malcamadda quraanka waa laga saaraa oo waxaa lagu doodaa iney wiilka reebtay, oo ay tahay qumeeyo - mid hibo iyo hooda-xun. Bal eeg dulmiga ka dhanka ah gabadha ee maskiintan Soomaaliyeed loo geysanaya. Waa meel-ka-dhac liid ah oo xadgudub ah! Tolow miyaanan la wada dhalin wiilka iyo gabadha loo kala eexanaya? Halkee falsafaddan gunnimada ah laga soo minguuriyey waa yaabe?
Waxbarashada maaddiga ahna sidaasoo kale ayaa loogu dulmaa gabdhaha Soomaaliyeed marka laga reeba waalidiinta garaadka wacan ee ilmahooda si waliba eex ay ka maqneyn wax u wada bara. Kuwanse waa boqolkiiba caddad aad u yar.
Guurka Gabadha iyo Wiilka.
Gabadha Soomaaliyeed ma ahan mid xulashada dookheeda u madaxbannaan oo waxey laheyste iyo dhibbane u tahay labada dhalay - aabbaha iyo hooyada. Waxaa loo guuriyaa oday gaboobay oo lacag baa la dhaafsadaa dil af iyo addin ahna waa u dheer yahay oo ninka ayaa siduu doona ka yeela. Waxaa dhacda iney diyoota oy dibadgalowda dabadeedna uu dugaag cuna ayadoo ka baxsaneysa duqa waayeelka ah ee qasabka loogu daray ayadoo uu aabbaheedna ku faanaya xoolaha xaddiga badan ee uu ka qaatay - yaradka dab, duunyo iyo dux-xiyaaleedba leh. "Ku go'!" ma tidhi?
Wiilkana waxaa loogu bishaareeyaa inuu gabdhuu doona ee dookhiisa qancisa la haasaawa dabadeedna la heshiiya oo hanti ceyn walba ahna laga dhiiba. Maalkii dulmanta - gabadha, laga soo xereeyey ayaa asaga loogu guuriyaa oo uu ku daanshadaanshoodaa. Wuxuu kaloo xor u yahay inuu gabadha fura goortuu doona eeddana asaga lama saara ee ayadaa lagu dhahaa "Waa wax dhimatay oo ninkeeda iyo reerkeeda ayey dhaqan weyday". Bal eeg bahdilkan baaxadda weyn! "Ashqaraar"!
Gabadha mar haddii la guursada ninka ay u dhaxday baa ka masuul ah, wixi ay reer-aabbaheed ka fishana waa dhibaad iyo dheef aan joogta aheyn. Hadduu ninka ay u dhaxday dilana dhiiggeeda ayaa loo geed iyo gogol fariista ayadoo maalka laga taabaya uun loo danleeyahay! Looma aara sida wiilka rag loogu laaya reerana loogu gumaada, dilkiisana ay colaad kulul oo lagu hoobta uga dhalata. Tolow ma dhulkaa dhalay?
Waxaasoo gef iyo godob ah ayadoo gabadha (gabdhaha) lagula kaca, haddane ayagaa qoyska udub-dhaxaad u ah oo marka ay marwada geeriyoota qoysku sida tusbax la furay buu u kala firxadaa. Waxaan dhihi karnaa maahmaahdan guunka ah ayaa ugu dhaw caddaalad gabdhaha iyo wiilasha loogu garsooray "Naag la furay fadhi uma yaalla ninki furayna falkiisii ku noqay". Ma is-tidhi quursi haweenka loo geysanayaa ku jira oo eex iyo anaaniyadi kama marna? Hadalku waa haa oo mayana u dhaw macna ahaan - semantically - gist of the connotation. Gabadhu mar waa walaasheen, marna waa hooyadeen marka kalana waa gacaliso aan maalmaheenna dhibaatada iyo faraxaddba la qeybsanna oo waxey ku dajisaa adigoo murugeysan oo mashaakil ku haysta waaba haddey tahay marwo kabo ah illeen habluhu waa "Kabo iyo kalaridee".
Dooddeydan oo ah mid ku qotanta Soomaalidii raacatada aheyd ayaan dhihi karaa wali gabdhuhu kama badqabaan dulmiga iyo daannada aan ku hayna waloow aan nahay bulsha yara bislaatay - semi-civilised society. Taasi waxaan ula jeedaa gabdhuhu gurradi iyo jirdilki waliba waa qabaan. "Imisey gankoodii ushu ugudub ku taallaa?"
Ma is-tidhi abwaan Stanza waa dumaraawi - real femenist. Haddey jawaabtaadu haa tahay macnuhu maya kama foga ee waxaa un ii muuqda dulmi aan inaragoow la yaabay ee adiguna ma la yaabtay? Waa uun laba mid inaad aniga ila yaabbantahay iyo inaad khaladkaaga garoowsatay. Sow gabadhaha kama calool-jilicsana wiilasha? Haa oo kun jeer laaban weeyaan hadalcelintu. Isku soo duuboo waxaa waxaa qormadan igu hinjiyey maraan dhawaan arkey dulmigan oo wali taagan oon dhihi kara waa ceeb.
Waxaan ku talabixinayaa inaan gabdhaha laga eexanin raggana la rafaadinin, waayoo waxaa qurbaha ka dhacay ceebo la yaab leh oo ay gabdhaha Soomaaliyeed raggooda kula keceen kuwaasoo ah wax ka dhan ah dhaqankeenna Soomaaliyeed ee Islaamka.
Qore: Abwaan Maxamed Cabdiqaadir Daauud (Stanza).
http://www.4somaliwomen.com/index.php?o ... 5&Itemid=9