Dagaalkii oo qaboobay - madaafiic laga soo tuurayo Villa Soomaaliya oo ku hoobaneysa xaafadaha
Posted to the Web Mar 29, 15:32
Aayaha.com, Khamiis, 29 Maarso 2007 - Dagaal lagu hoobtay oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa u muuqda mid waqtiga maqribkii xilliga Muqdisho qaboobay.
Dagaalka oo maanta ka dhacay goobo fara badan oo ay kamid ahaayeen wadada warshadaha, Cali Kamiin, Shiirkole, Xamar Bile, Ifka Xalane, Xararyaale, iyo Towfiiq ayaa qaboobay, iyadoo aan la ogeyn sida uu xaalku ahaan doono caawa.
Madaafiic ka dhaceysa qoriga BM-ka oo laga tuurayo xarunta Villa Soomaaliya ayaa ku dhaceysa xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho, waxaana lagu waramayaa in ay dhimasho iyo dhaawac badan madaafiicdaas u geysanayaan dadka rayadka ah ee ku dhaqan xaafadaha kala duwan ee Muqdisho.
Dagaalkii maanta ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 20 qof oo rayid Soomaali ah iyo dhaawaca ugu yaraan 90 kale, iyadoo aaney dadka dhaawaca ahi awoodin in ay gaaraan cusbitaalada Muqdisho, maadaama lagu dagaalamayo waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho.
Ka sokow khasaaraha soo gaaray rayidka Soomaalida, jab aad u weyn ayaa lagu waramay in loo geystay ciidamada cadowga Itoobiya, iyadoo goob kamid ah goobihii lagu dagaalamay looga dilay cadowga ugu yaraan 36 sakari, isla markaana laga gubay gawaari taangiyo ah iyo kuwo uraal ah.
Aayaha.com

