Wahabis recruiting Somali youth in Australia.

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
Sultan-Kenadiid-of-Hobyo
Posts: 184
Joined: Sun Apr 03, 2005 5:29 pm
Location: Gedo, Galgadud, Kismayo.

Wahabis recruiting Somali youth in Australia.

Post by Sultan-Kenadiid-of-Hobyo »

Mid ka mida Wargeysyada ka soo baxa Australia ayaa daabacdey warar sheegaya in kooxaha mayalka adag ay bilaabeen diiwaangelin dhalinyaro Somali ah.
Melbourne: April 13(Dhaharonline)-Booliiska Federaalka ee Australia ayaa baaritaan ku sameynaya dhimasho nin Somali ah oo dhalasho Australian ah watey, ninkaasoo lagu diley magaalada Mogadisho.

Magaalooyinka Melbourne iyo Sydney ayaa wargeysyada ka soo baxa Australia ay qoreen in ay ka socoto qoritaan xoogan oo lagu marin habaabinayo dad dhalinyaro u baddan oo u dhashey dalka Somalia.

Xirsi Hilowle, oo ah gudoomiyaha Jaaliyada Somalida ee Melbourne iyo Culimada Islaamka, ayaa sheegey inay jiraan dhalinyaro aad u baddan oo Soomali ah oo la marin habaabiyey kuwaasoo ku biirey ururada Wahaabiga ah.

Waxaa uu sheegey Hilowle in uu haatan ku talo jiro sida uu wax uga qaban lahaa arinta qalafsan. “Waxaa jira dad baddan oo taageersan Jihaad lagu taageerayo Maxaakiimta Islaamiga, oo diyaar u ah iney is diiwaan geliyaan si ay ugu dagaalamaan ururkii Islaamiga ee laga adkaadey. Waa in Jaaliyadaha Somalida la war geliyaa si ay uga hortagaan” ayuu yiri Hilowle.

Mid ka mid ah gudoomiyaha ururada kale ee ka jira Australia, Victorian Somali club, Osmaan Ali ayaa sheegay in haatan in tiro dad gaaraya labaatan ilaa sodon(30) ay ku laabteen Somalia si ay ugu dagaalamaan dagaalada sokeeye iyo sababo ay aaminsan yihiin oo ah difaaca qaranka Somalia.



http://www.dhahar.com/article.php?articleid=840
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”