THE SACKED DEFENSE MINISTER ARRIVES IN BURCO

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
fagash_killer
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13942
Joined: Wed Dec 29, 2004 3:28 pm
Location: And You Can Run For ya Back-up But Them Machine Gun Shells Gone Tear Ya back Up

THE SACKED DEFENSE MINISTER ARRIVES IN BURCO

Post by fagash_killer »

pore guy he is even so dissapointed that he said inaanu Caawa diyaar u ahayn inuu Saxaafada Wax War siiyo Laughing



Waqaf oo caawa soo gaadhay magaalada Burco, isaga oo ka soo kicitimay Ceerigaabo



Burco (QRN) - Md.Waqaf oo caawa soo gaadhay Magaalada Burco.
Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga ee Axadii Todobaadkan laga qaaday Xilkii,ayaa
caawa soo gaadhay Burco ka dib markii uu ka soo boqoolay Maanta Dhinaca
Ceerigaabo.

Gaadiid iyo Dadweyne badan ayaa ka soo galbiyay duleedka Magaalada Caynaba
Md.Waqaf ,waxaanu abaaro 9:20,saacadu markay ahayd soo galay Burco, ka dibna waxa
lagu dajiyay Huteelka CityPlaza.

Md.Waqaf oo dadweynihii badanaa ee soo dhaweeyay hadal kooban u jeediyay ayaa uga
mahadnaqay si wanagsan ee bulshada Burco u soo dhaweeyeen ee ugaga horyimaadeen
goob aad u durugsan,Waxa uu intaas ku daray Waqaf,inaanu Caawa diyaar u ahayn inuu
Saxaafada Wax War siiyo Balse uu horta nasanayo. Laughing

Mudane Waqaf ayaa lagu wadaa in uu bari la kulmo madaxda gobolka,Togdheer kadibna wixii ka danbeeya uu u anba baxo magaalada Hargaysa ee caasmimada Somaliland


Wasiirka gashaandhiga ee xilka laga qaaday ayaa intii aanu Ceerigaabo ka soo bixin, ka waramay sabababaha uu uga soo saaray ciidanka magaalada Dhahar, isla markaasna shabakada qarannews ay heshay hadalkani Mr Waqaf, waxa uu xusay ama sheegay in go'aanka ka soo saarista ciidanka aanu isaga oo qudhaati qaadan ee ay la qaateen dhamaan wasiiradii la joogay iyo madaxdii kale ee la socotayba wada tashi dheer oo ay wada galeen, wax uu sheegay in ciidanka ay wateen uu ahaa 250, askari isla markaasna ay wateen 17 tikniko ah waxa uu sheegay in ayna ciidankaasi ahayn in ay sugaan xadka hase ahaatee ay sugaan amniga wufuudii meeshaasi booqanaysay isla markaasna ay xagaasi ka soo sameeyaan saldigyo rasmi ah.

Waiirka oo sii hadlaya ayaa waxa uu yidhi waxa aanu halkaasi ka gaadhnay guulo waawayn waxa aanu jabinay ciidamadii nagaga soo duulay Somaliya/Puntland, waxa aanu codsany gurmad in uu nooga yimaado Ceerigaabo oo ahaa saldhiga noogu dhaw, waxa aan codsany hub,raashin iyo saadkaleba wax haba yaraatee nooga yimid ma ay jirin, waxa la noo sheegay in aan wax gurmad ahi aanu noo imanynin ilaa inta ay amar helayaan, waxa kaliyaata ee nooga yimid waxa uu ahaa baabuuro sida bustayaasha ciidamada ee roobabka oo soo curtay awgood, waxa aanu goosanay in aanu ciidamada soo qaadno 60 KM.

Xiligana ciidamadu waxa ay ku suganyihiin xagaasi waxana gaadhay gurmadkii iyo waxii ay u baahnaayeen, waxa uu xusay in ciidamadu dhisanyihiin isla markaasna ay yihiin geesiyaal qabsan karnaana meel kasta samirkeeda iyo dulqaadkeedaba ay leeyihiin,
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”