C/Qeybdiid Story

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Somali-Transporter
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4064
Joined: Thu Jun 15, 2006 8:19 pm
Location: ******
Contact:

C/Qeybdiid Story

Post by Somali-Transporter »

Xaflad gaaban oo galabta lagu qabtay xafiiska ra'isal wasaaraha dowladda Aargoosiga ee ku yaal xaruntii hore ee NSS-ta ayaa lagu caleema saaray Col. Cabdi Qaybdid oo loo magacabay taliyaha Boliiska dowladda Aargoosiga. Cabdi Qaybdid ayaa soo dhaweeyay jagada loo magacaabay isagoo ku faraxsan. Waxaanse la ogayn waxa uu kusoo kordhin karo Muqdisho oo kumanaan Itoobiyaan ah oo kaashanaya Taangiyo ay waxba ka qaban waayeen. Hadaan dib u jaleecno jagooyinkii uu soo qabtay Cabdi Qaybdid 16kii sanno ee lasoo dhaafay, waxaan arkaynaa inuu dantiisa gaarka ah fiirsado isagoo aan cidna matalina uu qaatay dhamaan jagooyinka wax kama jiraanka ah ee uu soo qabtay.

1991 ayuu Muqdisho soo galay Qaybdid isagoo hogaaminaya maleeshiyaadkii Jan. Caydid ee USC la oran jiray. Markii ay isqabteen Jan. Caydid iyo Mud. Cali Mahdi wuxu wasiir ka qaatay dowladdii Cali Mahdi ee Jabuuti lagu soo dhisay xili ay beeshiisa oo dhan kasoo horjeedo Cali Mahdi. Laakin markii u qarxay dagaalkii 4ta bilood wuxu kusoo wareegay Jan. Caydid, wuxuna hogaamiyay mar kale ciidankii Jan. Caydid. 3 sanno kadib markii ay is qabteen Jan. Caydid iyo Cismaan Caato oo ay qaraabo yihiin Cabdi Qaybdid, wuxu wasiir ka qaatay dowladdii Salbalaar ee Jan. Caydid, lakin sidii lagu yaqiin markii uu qarxay dagaalkii la baxay Cakaaro, wuxu Cabdi Qaybdid kusoo laabtay Cismaan Caato wuxuna hogaamiyay maleeshiyaadkii dagaalka kula jiray Jan. Caydid. 5 sanno kadib markii tuulada Carte lagu soo dhisay dowladdii C/qasim Salaad oo ay mucaarad ku noqdeen inta badan beesha uu kasoo jeedo Cabdi Qaybdid, wuxu dhagaha ka furaystay baaqyadii beeshiisa, wuxuna taliyaha ciidamada booliska Gob. Banaadir ka qaatay C/qasim Salaad, lakin muddo kadib wuxu kusoo laabtay beeshiisa wuxuna mucaarad ku noqday C/qasim iyo dowladiisii. Markii lasoo gaaray xiligii maxkamadaha, oo inta badan hogaamiye kooxeedyadii Muqdisho la wiiqay awoodooda, wuxu Cabdi Qaybdid safar ku aaday Nairobi wuxuna soo laabtay isagoo wata qandaraas, wuxuna ku biiray isbahaysigii Argagixisada xili ah beeshiisu kala talisay inuu ku dhaqaaqo qorshahaas. Taariiqdu dib bay isku fasirtaaye, Cabdi Qaybdid mar kale ayuu maanta ku dhaqaaqay ficiladii looga bartay wuxuna jagada taliyaha Boliska ka qaatay dowladda Aargoosiga ee Col. C/lahi Yusuf, waxanan sugi doonaa talaabadiida tan xigta iyo sida uu beeshiisa mar kale dib ugu soo laaban lahaa.
User avatar
*jr
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4992
Joined: Wed Jun 20, 2001 7:00 pm

Re: C/Qeybdiid Story

Post by *jr »

...For life of me, I thought of him as some one of new to politics!

Silly me!
User avatar
adanboy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1184
Joined: Thu Mar 22, 2007 12:28 pm
Location: Struggle

Re: C/Qeybdiid Story

Post by adanboy »

If he tries to do silly thing,he next martyrdom operation will be on his head Cool
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”