Ismaaciil Buubaa “Aniga Ra’isal wasaare Geeddi xil igama qaadi karo, mana ku qanacsani tallaabada uu jagadaydii igaga bedellayâ€
[Somaaljecel News Network} Jiddah:- Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa oo dhawaan Ra’isal wasaare Geeddi uu xilkii Wasiiru arrimo dibadeedka ka qaaday isla markaana u magacaabay wasiirka Waxbarashada ayaa sheegay inuusan ku qanacsaneyn xil ka qaadistaas, isla markaana aanu Geeddi xilkaa ka qaadi Karin.
“Xil ka qaadista waxaa iska leh Madaxweynaha, Ra’iisal Wasaaruhuna wuxuu leeyahay talo soo jeedinta, markaa Ra’isal Wasaaruhu ma aha inuu yiraahdo cid baan xil ka qaadayaa isagoon Madaxweynihii aan u jeedin ama aan digreeto soo saarin†ayuu yiri Ismaaciil Buubaa oo intaa ku daray in Ra’isal wasaaruhu uu bililiqaysanayo awooddii Madaxweynaha.
“Kolay arrinta uu ku dhaqaaqay Ra’isal wasaaraha waa laga wada hadli doonaa, anigana waxba iskuma key dhaamaan Wasiirka Arrimaha dibedda iyo Wasiirka Tacliinta oo wasaaraduhu waa isugu kay mid, laakiin qaabka xil ka qadista u dhacday ayaa qaldan†ayuu yiri Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa) oo si weyn u dhaliilay xil ka qaadista uu Ra’isal wasaare Cali Maxamed Geeddi ku sameeyay dhawaan, kuna wareejiyey wasaarad kale.
Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa) oo warkan siiyey Idaacadda Codka Mareykanka ee V.O.A laanteeda afka Soomaaliga ayaa mar la weydiiyey eedeynta loo jeediyey ee keentay in xilkaa uu gudan waayay ayaa wuxuu jawaabay “Waxay ila egtahay eedeyn aan wax micno ah lahayn, waxaa wanaagsanayd in Geeddi waxyaabaha uu igu dhaliilayo uu shaaca ka qaado oo waxaas iyo waxaas ayaad samaysay inuu yiraahdo ayaa wanaagsanayd, laakiin dhaliil aan meelna saarnayn waxba ma ahaâ€.
“Wallaahi, aniga jagada wasiirka arrimaha dibadda macno ilama laha oo xildhibaan baan ahay, waxaanan anigu jeclahay inaan xildhibaanimadayda ku ekaado, oo aan ka qayb qaato shaqada Baarlamaanku qabanayo iyo sidii dhismaha fulinta loo toosin lahaa, laakiinse taasi waxay u taalaa Ra’isal Wasaaraha, isagaa dhaliilo sheegay inuu sheego ayayna ahayd.
“Dadka oo dhammi waxay wada ogsoon yihiin muddadii anigu aan Wasiirka arrimaha dibadda ahaa wixii aan ka qabtay siyaasadda dowladda ee anigu aan ka shaqeeyay, waxay ila tahay Geeddi iyo khayrkii midna guulahaasi ma soo hoyn kari kareen, laakiin mushkiladda ina haysataa haddii aynu Soomaali nahay waxa weeyaan, qofku wixii uu qabto halkii loogu mahad celin lahaa, waa lagu dhaleecaynayaa, taasina waa ayaan-darro†ayuu yiri Buubaa oo sheegay in aan lala socodsiin ama aan wax xiriir ah lagala soo samayn xil bedelista uu ku sameeyay Cali Maxamed Geeddi.
“Ra’isal Wasaaruhu ilama soo xiriirin oo tallaabadaa inuu qaadanayo iima uusan soo sheegin, arrintana Warbaahinta ayaan ka maqlay, kolay waxay ahayd in layla soo socodsiiyo oo la I yiraahdo arrintaas ayaanu sidaas ka yeelaynaa, laakiin wax layla soo socodsiiyay ma jiraan.†ayuu yiri Buubaa.
Mar wax laga waydiiyay khilaafaad muddaba soo jiitamayay oo u dhexeeyay isaga iyo Ra’isal wasaare Cali Maxamed Geeddi ayuu sheegay Buubaa inay jirtay khilaafaad isaga iyo Geeddi u dhexeeyay in muddo ah, taasina wuxuu ku sababeeyay in Geeddi oo shaqadiisu tahay Guddoomiyaha Golaha Wasiirada inuu soo farageliyey shaqadii xafiiska arrimaha dibadda oo shaqadii aan anigu qaban lahaa uu isagu qabanayo, taas markii aan kala hadlayna wuu ka carooday, sidaas ayuuna khilaafkeena ku yimid.
“Wasiiradu waxay xaq u leeyihiin inay wasaaradahooda ayaga maamulaan, nidaamka noo dhisan iyo Axdi-Qarameedka noo yaalana sidaas ayuu qeexayaa, Ra’iisal Wasaaruhuna waxaad mooddaa muddooyinkan dambe in shaqadii xafiisyada wasaaradaha kale uu soo fara gashanayo, anigana shaqadeydii ayuu soo fara geliyey, waana ka diiday taa†ayuu yiri Buubaa oo sheegay in Geeddi marka uu safarada dibadda u baxayo uu dad ka qaato lacago sidaasna ku gelinayo dalal dibadda ah, taasina waa mid qaab-dowladeedka dhaawacaysa, aniguna waxyaabahaas ayaan kala hadlay, oo waxaan iri arrimaha sidan halaga daayoâ€.
“Anigu wax niyad ah uma hayo xilka la ii magacaabay, waxaana jeclaan lahaa in xildhibaannimadeyda aan ku ekaado oo wixii awooddaydu tahay aah dadkeyga iyo dalkeyga u qabto†ayuu yiri Buubaa oo sheegay inuusan doonayn inuu xil wasiirnimo ka qabto xukuumadda Geeddi ilamaa ay arrimaha wax iska bedalayaan ama ay ka imaanayso cid kale oo shaqadan qabato oo aanu si wanaagsan isu fahamsanahayâ€
Buuba: Aniga Ra’isal wasaare Geeddi xil igama qaadi karo, ma
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- Hiiraan boy
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 4756
- Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
- Location: California
- Somali-Transporter
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 4064
- Joined: Thu Jun 15, 2006 8:19 pm
- Location: ******
- Contact:
Re: Buuba: Aniga Ra’isal wasaare Geeddi xil igama qaadi karo, ma
Geedi is just a Dameer

- LiQaaye_TDH
- SomaliNet Super

- Posts: 15857
- Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
- Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...
Re: Buuba: Aniga Ra’isal wasaare Geeddi xil igama qaadi karo, ma
Nac nacle got sacked
xaggu qaban 
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 431 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 4 Replies
- 471 Views
-
Last post by BlackVelvet
-
- 24 Replies
- 2308 Views
-
Last post by paperino
-
- 23 Replies
- 1651 Views
-
Last post by Wild@Heart
-
- 3 Replies
- 565 Views
-
Last post by AhlulbaytSoldier
-
- 3 Replies
- 497 Views
-
Last post by Thuganomics
-
- 0 Replies
- 351 Views
-
Last post by gobdoon
-
- 0 Replies
- 340 Views
-
Last post by Adan_1
-
- 0 Replies
- 484 Views
-
Last post by AhlulbaytSoldier
-
- 26 Replies
- 1323 Views
-
Last post by Faranacab