President Ali Mahdi: War worst in 17 years!

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
NoAngst.
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1161
Joined: Wed Feb 21, 2007 9:34 pm

President Ali Mahdi: War worst in 17 years!

Post by NoAngst. »

CALI MAHDI: "Waxaan soo jeedinayaa In L Joojiyo Dagaalada Socda …"


Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 24/04/07

Guddoomiyaha Guddiga dib u heshiiisiinta shirweynaha Qaran ee Soomaaliyeed Md. Cali Mahdi Maxamed ayaa sheegay inuu soo jeedinayo in si degdeg ah loo joojiyo dagaalada ka socda magaalada Muqdisho.

"Waxaan soo jeedinayaa mar kale in si degdeg ah loo joojiyo dagaalada ka socda magaalada Muqdisho" ayuu yiri Cali Mahdi Maxamed Guddoomiyaha shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ahna mid ka mid ah Madaxweynayaashii soo maray Soomaaliya.

Md. Cali Mahdi ayaa sheegay in dagaalada Muqdisho ay keeneen dhibaatooyin ka badan kuwii 17-kii sano ee la soo dhaafay ka dhacay Soomaaliya.

Cali Mahdi oo wareysi siiyay Wargeyskan ayaa sheegay in cid kasta oo ku lug leh dagaalada Muqdisho uu ugu yeerayo inay la soo xiriiraan, "Cid kasta oo ku lug leh dagaalada Muqdisho waxaan ugu yeereynaa inay nala soo xiriirto si waxa ay qabto aan ugu gudbino cida ay wax kala dhaxeeyaan" ayuu yiri Md. Cali Mahdi Maxamed.

Waxa uu sheegay Cali Mahdi inay dhowaan magaalada Baydhaba isku arkeen wakiilo ka socda deeq bixiyeyaasha iskuna afgarteen in deeq bixiyeyaashu bixiyaan dhaqaale dhan 32-Milyan USD$ oo ku bixi doona shirka dib u heshiisiinta Qaran.

Cali Mahdi waxa uu beeniyay warar qaar ka mid ah warbaahinta baahiyeen oo sheegayay inuu tegay Itoobiya.

Jabriil Maxamuud Nuur /SMC/Mogadishu
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”