Muqdisho, Khamiis, April 26, 2007 Simba Radio
Dagaal qaraar oo ku fiday deegaano hor leh ayaa maalintii sideedaad ka socda caasimada Somalia ee Muqdisho.
Dagaalkaan oo ka socday qeybo fara badan oo magaalada Muqdisho kamid ah ayaa saakay ku fiday deegaano ay kamid tahay agagaarka Warshada Xeyla Bariise.
Dagaal culus ayaa ciidamada Ethiopia iyo kooxaha kasoo horjeeda saakay uu ku dhex marayaa agagaarka Warshada Xeyla Bariise ee degmada Huriwaa.
Dagaalka ayaa la sheegay inuu saameyn xoogan ku yeeshay agagaarka Ex-Ctrl Balcad iyo deegaanka Huriwaa iyadoo ay jiraan madaafiic aan kala go'o laheyn oo lagu garaacayo agagaarahaasi.
Sidoo kale, dagaalada ayaa waxa ay ka soconayaa isgoosyka hotel Toowfiiq iyo agagaarka stadium Muqdisho, iyadoo dagaaladaan ay sababeen barakac aad u fara badan.
Dagaalka ayaa barbar socda madaafiic xoogan oo lagu garaacayo qeybo fara badan oo magaalada Muqdisho kamid ah.
Saakay ayaa Madafac waxa uu ku dhacay agagaarka Carwa Idka qeybta warshadaha bakhaaro halkaasi ku yaalay.
Bakhaaradaan ayaa lagu gadi jiray qalabka Dhismaha iyo suntada Cayayaanka, waxaana gabi ahaanba baaba'ay hantidii halkaasi taalay
Ilaa hada lama ogaan karo qasaaraha rasmiga ah ee dagaalka maanta socda sababay sababo la xiriira dagaalka oo aad u kulul isla markaana dhamaan Muqdisho gil gilay.
Ma jirto wax guulo waa weyn oo labada dhinac dagaalka ka gaareen, waloow dhinac walba uu sheegayo in dhinaca kale uu qasaaro u geystay.
Wariye Cabdiqaadir Cali Dige oo ka tirsan Simba oo booqday aagagii ay maalmahaan labada dhinac ku dagaalamayeen gaar ahaan Toowfiiq ayaa soo sheegay in guud ahaan xaafada Toowfiiq uu burbur xoogan soo gaaray, isagoo sheegay inuu indhahiisa ku arkay meydad aad u fara badan oo u badan dadka rayidka ah oo xaafada dhex daadsan.
Cabdiqaadir waxuu sidoo kale sheegay in meydadka la dareemayo inay mar hore dhinteen isla markaana muddo ay halkaasi yaaleen iyadoo aysan jirin ilaa iminka cid qaadeysa meydadkaasi.
Suuqa Toowfiiq ayuu Wariyaha soo sheegay Taangi ay leeyihiin ciidamada Ethiopia oo halkaasi ku sugan, iyadoo goob walba oo ay ciidamada Ethiopia qabsadaan ay ugu tagayaan ciidamo Dowlada KMG ah ka tirsan oo wata tuutaha ay caanka ku yihiin.
Hotelka Bin Cali oo ku yaalay agagarka hotel Toowfiiq ayaa Wariyaha uu soo sheegay inuu burbur xoogan uu soo gaaray, iyadoo ay dumeyn qeybaha kore ee hotelka.
Dagaal qaraar oo ku fiday deegaano hor leh ayaa maalintii si
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- Enemy_Of_Mad_Mullah
- SomaliNet Super
- Posts: 20796
- Joined: Fri Mar 10, 2006 6:27 pm
- Location: In the plains out in hawdka im'a tell ya, mess with the reer and a vest could'nt help ya
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 466 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 0 Replies
- 262 Views
-
Last post by CoolPoison
-
- 15 Replies
- 907 Views
-
Last post by oldenglish
-
- 0 Replies
- 278 Views
-
Last post by Diyeeshaha_Tolka
-
- 4 Replies
- 59 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 4 Replies
- 909 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 18 Replies
- 1258 Views
-
Last post by Ganjaweed
-
- 24 Replies
- 1581 Views
-
Last post by Lacageylacag