Is-rasaaseyn xoogan oo ka soconeysa nawaaxiga hotelka Ambassador ee Muqdisho, iyo madaafiicda garabka laga gamo oo hareysay dhegaha dadka
Is-rasaaseyn xoogan ayaa caawa abaara 6:00 ka bilaabatay qeybo ka mid ah degmada Hodon gaar ahaana xaafadaha, Taleex iyo Godka Bermuuda, taasoo u dhaxeysa ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda ee tirada yar iyo weliba kooxaha ka horjeeda joogitaanka ciidamada Itoobiya ee dalka, iyadoo la isku adeegsaday hubka fudud iyo midka culusba, gaar ahaana madaafiicda garbaha laga gamo ee Zabanka.
Dagaalkan oo soconayay in ka badan 25 daqiiqo ayaa geystay qasaare naf iyo maalba leh, waxayna dad goob joogeyaal ahi noo xaqiijiyeen inay arkayeen illaa 4 ruux oo dhaawac ah kuwaasoo ahaa dad ay is rasaaseyntu ka agbilaabatay, waxaana sidoo kale jirta dab weyn oo ka kacay iskuulkii hore ee Taleex oo uu ku dhacay Madfac aad u weyn, waxaana la arkayaa Uuro iyo Holac aad u weyn oo ay arkayaan dadka degan xaafadaha ku xeeran degaankaasi.
Dagaalkan oo aan si rasmi ah loo ogeyn waxa uu ka bilowday ayay wararku sheegayaan inuu ka bilowday weerar iyo Baazuukeyaal lala beegsaday gaari Ural ah oo marayay nawaaxiga isgoyska Taleex, iyadoo kadibna la sheegay in dagaalkaasi ay ka qeyb qaateen ciidamada Yugandheyska ah ee halkaasi ku sugan.
Wadada ayaa iminka xiran, iyadoo aysan jirin dad iyo duunyo wax maraya, waxaana isku gadaamay goobaha ay dagaaladu ka dhaceen caawa ciidamo isugu jira Itoobiyaan iyo Yugandheys, lamana oga qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay is rasaaseyntan xoogan ee ka dhacday halkaasi, waxayna arrintani ku soo beegmeysaa xilli maanta uu ku dhawaaqay ra'iisal wasaare Cali Geeddi inay soo gabo gabeeyeen baacsigii ay ku hayeen kooxaha kacdoonka wada.
BREAKING NEWS Is-rasaaseyn xoogan oo ka soconeysa nawaaxiga
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.

- Hiiraan boy
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 4756
- Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
- Location: California
- Hiiraan boy
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 4756
- Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
- Location: California
Re: BREAKING NEWS Is-rasaaseyn xoogan oo ka soconeysa nawaaxiga
Dagaal kadis ah oo lagu qaadey Hotel Ambassadoor iyo Isgoyska KM-4
Posted to the Web Apr 26, 18:55
Muqdisho:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dagaal gaadmo ah ay ku qaadeen kooxaha muqaawamada agagaarka Isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho oo fariisin u ahaa Ciidanka DFKM iyo kuwa Itoobiya.
Dagaalkaan ayaa markii uu qarxay waxaa si toos ah u soo galay Ciidanka Ugaandhayska oo isticmaalay hubka noocyadiisa kala duwan iyagoo ilaa haddana dagaaalka si toos ah ugu jira.
Dagaalkaan oo ahaa mid gaadmo ah oo lagu kadiyey Ciidamada DFKM iyo kuwa Itoobiya ayaa si kulul u socda iyadoo wararka hor dhac ahi ay sheegayaan in la riixay ciidmada DFKM iyo kuwa Ugaandhayska oo dagaalka si toos ah ugu jira.
Wararka soo baxaya ayaa sheegay in dagaalka uu sidoo kale ka qarxay meel ku dhow Hotelka Amabasdor oo ay degan yihiin masuuliyiin ka tirsan DFKM iyo saraakiisha itoobiyaanka, dhawaqa rasaasta ayaa si xooggan loo maqlayo.
Daryanka Madaafiicda iyo rasaasta nooc walbe lah ayaa hal mar laga maqlay Isgoyska KM-4 iyo Hotelka Amabasdor iyadoo maanta ay Ciidanka DFKM iyo kuwa Itoobiya ay la wareegeen fariisamo ay ku sugnaayeen Kooxaha diidan joogitaanka Ciidanka Itoobiya.
Weeraradaan ayaa ku soo beegmay xili uu maantay ku dhawaaqay Raiisul wasaaraha DFKM Geedi inay soo afjareen dagaaladii ka socdey magaalada Muqdisho.
Wixii soo kordha kala soco warqabada Halgan.net

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 206 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 0 Replies
- 438 Views
-
Last post by adanboy
-
- 1 Replies
- 555 Views
-
Last post by adanboy
-
- 11 Replies
- 1778 Views
-
Last post by grandpakhalif
-
- 5 Replies
- 801 Views
-
Last post by abdalla11
-
- 0 Replies
- 399 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 0 Replies
- 534 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 0 Replies
- 490 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 0 Replies
- 329 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 0 Replies
- 539 Views
-
Last post by Hiiraan boy